19/08/2026
Degmada Gorobaqasa ee gobolka Liiban ayaa waxaa kasocda Ol-Olaha adeegyadda Caafimaadka kala-duwan ee barnaamijka tabarucaadka bilaha xagaaga.
Iyadoo lagu guda jiro shaqooyinka tabarucaadka bilaha xagaaga, Xarunta Caafimaadka Gorobaqaqsa waxay bilowday adeeg caafimaad oo bulshada magaalada Gorobaqasa lagu gaarsiinayo, kaas oo diiradda saaraya baaritaanka, ogaanshaha iyo daaweynta cudurrada aan la is qaadsiin (Non-Communicable Diseases – NCDs), gaar ahaan cudurrada daba-dheeraada. Adeeggan waxaa mudnaanta la siinayaa macaanka (Diabetes Mellitus) iyo dhiig-karka (Hypertension), iyadoo shaqaalaha caafimaadku ay si toos ah bulshada ay u sameeyaan baaritaanno, una aqoonsadaan dadka qaba cudurradan, una siiyaan talooyin caafimaad iyo daaweyn ku habboon.
Hindisahan wuxuu qayb ka yahay Ol-Olaha dadaallada lagu gaarsiinayo Barnaamijka tabarucaadka adeegyada caafimaadka ee bulshada meel kasta oo ay joogaan, iyadoo si gaar ah loo xoojinayo ka hortagga iyo maaraynta cudurrada kala duwan
Waxaan bulshada magaalada Gorobaqaqsa ugu baaqaynaa inay si buuxda uga faa’iidaystaan barnaamijka tabarucaadka xagaaga adeega caafimaadka isla markaana ay si joogto ah isaga baaraan dhiig-karka iyo macaanka
Baaritaan h**e → Ogaansho h**e → Daaweyn iyo maarayn wanaagsan → Nolol caafimaad leh.
Xafiiska Caafimaadka Gorobaqaqsa
August 19, 2026 GC