Xafiiska ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga

Xafiiska ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga, Government Official, Jigjiga, Jigjiga.

Climate Smart Agriculture, Green Economy, Energy Efficient Technology, Commercial Forestry, and Incentivizing Biodiversity Conservation, Integrated watershed Management, Maintaining Ecosystem Health and Balance.

Masuuliyiin heer Deegaan ah ayaa kormeer kusoo maray sidoo kalena dhirbeeris ka sameeyay guryo-wadareedyo casri ah oo Ku...
22/08/2026

Masuuliyiin heer Deegaan ah ayaa kormeer kusoo maray sidoo kalena dhirbeeris ka sameeyay guryo-wadareedyo casri ah oo Kuliyadda Xirfadaha Kala duwan ee Jigjiga ay ka hirgalinayso Maamulka Magaalada Bariisle.

Guryo-wadareedyadan casriga ah oo qayb ka ah barnaamijka tabarucaadka bilaha xagaaga, isla mar ahaantaasina ka kooban siddeed baloog oo baloog walba loogu talo'galay afar qoys ayaa qorshuhu yahay in ay ka faaiidaystaan 30 qoys oo danyar ah, waxaana soo kormeeray Wasiirka Xafiiska Ilaalinta Deegaanka Iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS Eng. Muxyadiin Cabdi, Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha Eng. C/qaadir Bashiir, Maareeyaha Kuliyadda Xirfadaha Kala duwan ee Jigjiga Mudane Nasri Axmed & masuuliyiin kale.

Mashruucan oo maraya heer dhexdhexaad ah ayaa waxaa ku baxaysa lacag dhan 45 milyan oo birr, iyadoo lagu soo gabo'gabayn doona muddo labbo bilood ah. Goobta dhismaha guryaha laga hirgalinayo ayaana sid oo kale lagu beeray dhirta noocyadeeda kala duwan si bilicda iyo quruxda guryuhu usoo baxaan.

Guryo-wadareedyadan oo qaabka loo dhisayo loo yaqaano Pre-cast oo ah nidaam si gooni loo diyaariyo gidaarada dhismaha ama shub ahaan loo sameeyo ayaa leh tayo & faa'iidooyin badan maadaama gidaarada warshad lagu sameeyo dhismuhuna ka dhakhso badan yahay dhismayaasha kale.
Xafiiska ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga

Maanta oo aay taariiqdu tahay 14/12/2018 T.i waxaan hoolka shirarka ee Duule Hotel magaalada Jigjiga ku qabanay kulan wa...
20/08/2026

Maanta oo aay taariiqdu tahay 14/12/2018 T.i waxaan hoolka shirarka ee Duule Hotel magaalada Jigjiga ku qabanay kulan wadatashi ah oo ku saabsan mashruuca “Geedka ku habboon meesha ku habboon, ujeeddada ku habboon”,

kaas oo diiradda lagu saarayo dib u soo celinta dhulalka xaalufay, ilaalinta deegaanka iyo xoojinta nidaamyada maxalliga ah ee abuurka iyo dhir beerista.

Kulanka waxaa ka qaybgalay bahwadaagta kala duwan ee mashruuca, oo ay ka mid yihiin Safaaradda Ireland ee Itoobiya, Irish Aid, Landscape Alliance, khubaro farsamo, wakiillo ka socday hay’adaha ay khusayso iyo marti sharaf kale.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay horumarka mashruuca, natiijooyinka iyo casharradii laga bartay tan iyo sannadkii 2025, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo nidaamyada deegaanka ee ku aaddan dib u soo celinta dhulalka xaalufay.

Sidoo kale, kulanka waxaa xoogga lagu saaray muhiimadda ay leedahay in la horumariyo nidaamyo maxalli ah oo waara oo lagu soo saaro abuurka iyo geedo ku habboon deegaanka, taas oo gacan ka geysan karta yareynta saamaynta isbeddelka cimilada, abaaraha, xaalufka dhulka iyo lumista dhirta, isla markaana kor u qaadaysa adkaysiga bulshada iyo deegaanka.

Mashruucan ayaa muhiimad gaar ah u leh dadaallada lagu soo celinayo dhulalka xaalufay, iyadoo la isku darayo aqoonta farsamo, waayo aragnimada bulshada deegaanka iyo iskaashiga bahwadaagta horumarineed, si loo helo xalal deegaanka ku habboon oo muddo dheer waara.

Si loo xoojiyo fahamka iyo is dhaafsiga waayo aragnimada, ka qaybgalayaasha waxaa lagu casuumay inay booqdaan goobaha mashruuca ee Kubijaaro iyo Qaaxo, oo ku kala yaalla degmooyinka Gursum iyo Qabribayax ee Gobolka Fafan, halkaas oo ay si toos ah ugu soo arki doonaan horumarka laga sameeyay goobaha dhir beerista iyo dadaallada ay Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS uu ka wado dib u soo celinta deegaanka.

Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS wuxuu adkeeyay in iskaashiga, ka qaybgalka bulshada iyo adeegsiga nidaamyada deegaanka ku habboon ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo dib u soo celin deegaan oo waarta.

Kulankan ayaa sidoo kale muujinaya sida ay muhiim u tahay in la mideeyo dadaallada dowladda, bulshada, khubarada iyo bahwadaagta horumarineed, si loo dhiso deegaan cagaaran, adkaysi u leh isbeddelka cimilada, isla markaana jiilasha soo socda loogu reebo dhul caafimaad qaba iyo deegaan waara.
Xafiiska ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga.

“Geedka ku habboon meesha ku habboon, ujeeddada ku habboon.”

Waxaa magaalada Jigjiga lagu daahfuray mashruuc ka shaqayn doona xoojinta u adkaysiga iyo awooda laqabsiga bulshooyinka ...
19/08/2026

Waxaa magaalada Jigjiga lagu daahfuray mashruuc ka shaqayn doona xoojinta u adkaysiga iyo awooda laqabsiga bulshooyinka u nugul isbadalka cimilada.

Mashruuca oo ay hirgalintiisu iska kaashadeen Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga iyo Safaaradda Ireland ee Itoobiya ayaa Waxaa daahfurkiisa ka soo qeybgalay Wasiirka Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS Eng. Muxyadiin Cabdi Xuseen, masuuliyiinta bahwadaagta xafiiska, Madaxwaynaha Jaamacada Jigjiga, gudooomiyaha gobolka Faafan, maamulada degmooyinka Shabeelley iyo Gursum iyo masuuliyiin ka socotay Safaaradda Ireland ee Itoobiya iyo Hay'ada Irish Aid.

Mashruuca ayaa ka shaqayn doona damaanadqaadka cunnada, dibu soo noolaynta dhulka nabaad guuray ee ay saameeyeen isbadalka cimilada, kobcinta awoodda fulineed ee haweenka iyo horumarinta khayraadka qaybihiisa kala duwan.

Eng. Muxiyadiin Cabdi Xuseen, Wasiirka Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka DDS ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mid wax lagaga badali lahaa habnololeedka bulshada ay saameeyeen isbadalka cimilada, iyadoo uu mashruucu socon doono muddo 5 sano ah, islamarkaana sannadka koowaad si tijaabo ah loogu bilaabi doono degmooyinka Shabeelley iyo Gursum ee gobolka Faafan.

Waxaan madasha kulamada ee Duule Luxury Hotel ku qabanay Fagaare looga Wada hadlayey Xakamaynta waxyeelada Qashinku ku k...
09/08/2026

Waxaan madasha kulamada ee Duule Luxury Hotel ku qabanay Fagaare looga Wada hadlayey Xakamaynta waxyeelada Qashinku ku keeno deegaanka

Xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maamulka dhulka miyiga DDS ayaa madasha kulamada ee Duule Luxury Hotel ee Magaalada ku qabtay Fagaare looga Wada hadlayey Xakamaynta waxyeelada uu Qashinku kukeeno deegaanka, ladagaalanka saamaynta isbadelka Cimilada iyo kahortaga Xaalufka iyo nabaad guurka khayraadka oo Halku dhag looga dhigay "Aynu Jiilka dambe dhaxalsiino deegaan Nadiif ah".

Madasha ayaa Abaalmarino kaladuwan lagu gudoonsiiyey Xafiisyada iyo bahwadaagta kaalinta muhiimka ah kaqaatay Maaraynta Qashinka qalalan iyo Kahortagga Dikhowga Magaalooyinka deegaanka.

Madashan oo uu furay madax wayne ku xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa waxaa kasoo qayb galay, Wasiirka ilaalinta deegaanka iyo maamulka dhulka miyiga DDS Eng. Muxiyadiin Cabdi Xuseen, Maareeye kuxigeenka Wakaalada Ilaalinta deegaanka Federaalka Marwo Fireenesh Mekoriya,Hogaaminta Heerdeegaan, gobalada, Maamul Magaalooyinka, wakiilo Kasocday Jaamacada Jigjiga, odayaasha deegaanka, Bahda saxaafadda yo masuulyiin ka socotay xafiisyada heer federal.

Xafiiska ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga

Natiijada Ol'olahii Dhir beerista shalay ee Deegaanka kaqabsoontay.
04/08/2026

Natiijada Ol'olahii Dhir beerista shalay ee Deegaanka kaqabsoontay.

      Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS waxa uu si farxad leh ugu dhawaaqayaa in ololihii ball...
04/08/2026




Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS waxa uu si farxad leh ugu dhawaaqayaa in ololihii ballaadhnaa ee dhir-beerista Deegaanka, oo qabsoomay shalay, lagu soo gabagabeeyey guul wax-ku-ool ah.

Ololahan oo qayb ka ahaa hirgelinta Mashruuca Dhaxal-Reebka Cagaaran, waxa qorshuhu ahaa in guud ahaan Deegaanka lagu beero 2.85 milyan oo geed. Iyadoo dadaal mideysan ay muujiyeen dhammaan qaybaha bulshada, waxaa si wanaagsan loogu guulaystay in la beero 2.652 milyan oo geed, kuwaas oo lagu beeray dhul baaxaddiisu dhan tahay 1,060 hektar.

Guushan ayaa ka dhalatay iskaashi, wadashaqayn iyo dadaal ay si hagar la’aan ah u muujiyeen masuuliyiinta heerarka kala duwan ee Deegaanka, xafiisyada dowladda, shaqaalaha rayidka ah, hay’adaha amniga, dhalinyarada, haweenka, ardayda iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan, kuwaas oo si firfircoon uga qayb qaatay hirgelinta ololahan qaran.

Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS waxa uu si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay qorshahan, kuwaas oo muujiyey masuuliyad, waddaniyad iyo dadaal lagu xaqiijinayo himilada Deegaanka ee dhismaha deegaan cagaaran oo waara.

Xafiisku waxa uu bulshada ku boorrinayaa in aan guusha lagu ekaan beerista geedaha oo keliya, balse la joogteeyo ilaalintooda, waraabintooda iyo daryeelkooda, si ay u koraan ugana qayb qaataan yaraynta saamaynta isbeddelka cimilada, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, kobcinta deegaanka iyo horumarinta nolosha bulshada.

Dhirta maanta la beeray waa dhaxal qiimo leh oo loo reebayo jiilasha soo socda. Ilaalinteedu waa masuuliyad wada saaran dhammaan bulshada, waana furaha lagu gaadhi karo Deegaan cagaaran, caafimaad qaba, isla markaana u adkaysta isbeddelka cimilada.
"Geed Beer, Geed Daryeel, Dhaxal Cagaaranna U Reeb Jiilasha Soo Socda."

Xafiiska ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga

03/08/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaana sheegay in dhirta maanta la beeray ay ka qayb qaadanayso ka hortaga nabaadguurka si joogta ah loo daryeeli-doono.

Ololaha Dhir-beerista Deegaanka  oo si Xawli ah uga socda Guud ahaan DeegaankaWaxaa si habsami leh uga socda guud ahaan ...
03/08/2026

Ololaha Dhir-beerista Deegaanka oo si Xawli ah uga socda Guud ahaan Deegaanka
Waxaa si habsami leh uga socda guud ahaan Deegaanka Soomaalida DDS ololaha ballaaran ee dhir-beerista, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo qorshaha qaran ee ilaalinta deegaanka, dib-u-soo-celinta khayraadka dabiiciga ah iyo la-dagaallanka isbeddelka cimilada.

Maanta oo ah maalinta ololaha ugu weyn ee dhir-beerista, waxaa qorshuhu yahay in guud ahaan Deegaanka laga beero 2.85 milyan oo geed, iyadoo dhammaan gobollada iyo degmooyinka deegaanka ay si firfircoon uga socdaan hawlaha beerista dhirta.

Ololahan waxaa si mug leh uga qayb qaadanaya masuuliyiinta heer deegaan iyo heer degmo, xafiisyada dowladda, shaqaalaha rayidka ah, hay'adaha amniga, dhalinyarada, haweenka, ardayda, ururrada bulshada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee shacabka, kuwaas oo muujinaya dareen wadaniyadeed iyo masuuliyad ku aaddan ilaalinta deegaanka iyo dhaxal u reebidda jiilasha soo socda.

Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS wuxuu ku boorrinayaa dhammaan ka qaybgalayaasha ololaha inay sii xoojiyaan dadaalkooda isla markaana ay sii wadaan dhir-beerista ilaa galabta, si loo xaqiijiyo qorshaha maanta ee ah in si guul leh looga beero deegaanka 2.85 milyan oo geed.

Dhir-beeristu waa tiirka horumarka waara, ilaalinta deegaanka, kobcinta kala-duwanaanshaha noolaha, yaraynta saamaynta isbeddelka cimilada iyo xaqiijinta deegaan cagaaran oo ay ka faa'iidaysan doonaan jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

"Geed beer maanta, si uu berri u noqdo dhaxalka jiilasha soo socda."



Xafiiska ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga

Wargelin BulshoBerri oo Isniin ah, 27 Hamle 2018 T.I, waxaa guud ahaan deegaanka laga fulinayaa barnaamij dhir-beeris ah...
02/08/2026

Wargelin Bulsho

Berri oo Isniin ah, 27 Hamle 2018 T.I, waxaa guud ahaan deegaanka laga fulinayaa barnaamij dhir-beeris ah oo balaadhan

Qorshaheenna dhir-beerista berri waa in guud ahaan Deegaanka laga beero in ka badan
2.85 milyan oo geed, Waxaana shacab waynaha deegaanka ku boorinaynaa in muwaadin kastaa uu ka qayb qaato dhirbeeristan, qof kastaana geedka uu beero uu si joogto ah uga warhayo, una daryeelo ilaa inta uu ka hanaqaadayo, si dadaalka dhir-beeristu u noqdo mid midho-dhal ah.

Magaalada Jigjiga, goobta dhir-beeristu waa Buundada Jidka Sodonka.

Xafiiska ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga

Maalinta berri ah oo ku beegan 27 Hamle 2018 T.i oo ah maalinta dhir-beerista a(one day plantation) waxaa guud ahaan dee...
02/08/2026

Maalinta berri ah oo ku beegan 27 Hamle 2018 T.i oo ah maalinta dhir-beerista a(one day plantation) waxaa guud ahaan deegaanka laga beerayaa dhir dhan 2.85 million oo geed.

Sidaas darteed waxaan guud ahaan bulshada Deegaanka ku wargelineeynaa in aay ka qeyb qataan dhir-beerista qof kastaana beero hal geed.

Xafiiska ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga

Address

Jigjiga
Jigjiga

Opening Hours

Monday 08:15 - 12:15
14:15 - 17:15
Tuesday 08:15 - 12:15
14:15 - 17:15
Wednesday 08:15 - 12:15
14:15 - 17:15
Thursday 08:15 - 12:15
14:15 - 17:15
Friday 08:15 - 11:00
14:15 - 17:15

Telephone

+251252783253

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xafiiska ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga:

Shortcuts

Share