Xafiiska jidadka DDS

Xafiiska jidadka  DDS In la arko deegaanka Soomaalida oo laga suurtagaliyey balaadhinta Kaabayaasha dhaqaale ee Jidadka .

Waxaan  dhamaan muslimiinta Dunidda, Kuwa dalka,iyo  Shacab-weynaha DDS,ugu hambalyaynayaa munaasibadda Ciidul-Adxa.Wasi...
26/05/2026

Waxaan dhamaan muslimiinta Dunidda, Kuwa dalka,iyo Shacab-weynaha DDS,ugu hambalyaynayaa munaasibadda Ciidul-Adxa.

Wasiirka xafiiska jidadka DDS, Mudane Idiris muuse cabdi,

Ciid Mubaarak Kullu Caam Wa Antum Bilkhayr

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته ارجو لكم لجميع إخوة الاعزاء بخير وتوفيق والنجاح في نهايت عيد اضح الكريم. ان يتقبل الله منا ومنكم الصالح الأعمال وان سير لنآ بكل اهدافنا وأعاد علينا وعليكم باليمن والبركات وان يعيدنا بازمنة مديدة واعوام العديدة تحت مظلة واحدة من التعاون وتضامن لجميع مرامي

"Dhamaad Waaxda Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Xafiiska jidadka DDS"

Waxaa Heshiis sadex -geesood ah oo lagu dhisayo Garoon diyaaeed oo Nooca yar yar ee lagu Buufiyo Cayayaanka Waxsoosaarka...
22/05/2026

Waxaa Heshiis sadex -geesood ah oo lagu dhisayo Garoon diyaaeed oo Nooca yar yar ee lagu Buufiyo Cayayaanka Waxsoosaarka Waxyeeleeya kala Saxeexay Xafiiska jidadka DDS, Xafiiska beeraha ee DDS, iyo shirkadda injineeriyada ee deegaanka.

Ujeedada Heshiiska ayaa ahayd Kala saxeexashada dhismaha gagida diyaaradeed ee Nooca yar yar ee lagu Buufiyo Cayayaanka Waxsoosaarka Waxyeeleeya oo laga Hirgalinayo Degmada Beer-caano ee gobolka Shabeelle, iyada oo Mudadii Kulanku socday lagu Soo bandhigay Warbixinta Mashruuca oo Faah-faahsan iyo doorka Dhinacyada.

Munaasibadan Lagu Kala saxeexanayay Heshiiska ayaa waxaa Goob joog ahaa Wasiirka Xafiiska Jidadka DDS, mudane Idiris muuse cabdi, wasiirka Xafiiska Beeraha ee DDS. Mudane Cabdulaahi maxamed Muuse, Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Jidadka DDS, eng Axmednaasir Cali soofe, maarayaha Shirkadda injineerada ee deegaanka Eng. Maxamed Mukhtaar iyo agaasinada Xafiisyadani.

"Dhammaad Waaxda Warfaafinta iyo Xidhiidhka dadweynaha ee xafiiska jidadka DDS

Waxaa Xadhiga laga jaray Mashruuca jidka laamiga ah 30-ka ee Magaallada Jigjiga.Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed...
22/05/2026

Waxaa Xadhiga laga jaray Mashruuca jidka laamiga ah 30-ka ee Magaallada Jigjiga.

Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Wasiirka Wasaaradda Magaalooyinka iyo kaabayaasha ee J.D.F.I Marwo, Chaltu Sani, Maarayaha Guud ee Wakaallada Maamulka jidadka ee dalka Mudane, Maxammed Cabdiraxman, Wasiir-u dowlaha Wasaaradda Magaalooyinka iyo kaabayaasha ee J.D.F.I Mudane Yetmegeta Asrat, Wasiirka Xafiiska jidadka DDS, Mudane Idiris Muuse cabdi, Masuuliyiin sare oo isugu jirta heer dal iyo heer deegaan, ayaa xadhiga ka jaray jidkan Sodonka ee gudaha magaallada Jigjiga.

Mashruuca jidka laamiga ah ee Jidka Sodonka oo dhererkiisu yahay 7KM, oo maraya gudaha magaallada Jigjiga,ayaa wuxuu kor u qaadaya Isku-Socodka iyo bilicda Caasimada, wuxuu sidoo kale door weyn ka qaadanaya yaraynta saxmadda iyo cidhiidhiga gaadiidka ee magaalada, gaar ahaan goobaha isku xidhka muhiimka ah ee ay maraan gaadiidka ganacsiga iyo kuwa dadweynaha.

"Dhamaad Waaxda Warfaafinta iyo Xidhiidhka dadweynaha ee xafiiska jidadka DDS"

Waxaa Xadhiga laga jaray Mashruuca jidka Qabribayax Mula Lot 1, Waxaa sidoo kale la dhagax dhigay bilowga Shaqada Mashru...
21/05/2026

Waxaa Xadhiga laga jaray Mashruuca jidka Qabribayax Mula Lot 1, Waxaa sidoo kale la dhagax dhigay bilowga Shaqada Mashruuca jidka Qabribayax ilaa Mula Lot-2

Wasiirka Xafiiska jidadka DDS, Mudane Idiris Muuse cabdi, Wasiirka Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDS, Marwo Xaliimo Xasan, Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Madaxwaynaha DDS, mudane Cabdirisaaq Sayid iyo masuuliyiin kale oo Heer deegaan iyo heer gobol isu jira, ayaa Xadhiga ka jaray Mashruuca jidka Qabribayax mulla Lot 1 oo isku-xidhaya Degmada Mulla iyo Sanatarka Qooraan oo dhererkiisu dhanyahay 25km, Masuuliyiin ayaa sidoo kale dhagax dhigay qaybta 2 aad ( Lot-2) ee Mashruucan jidka oo isku-xidhaya Qooraan ilaa Santarka Humbuq ee degmada Mulla ee gobolka Faafan .

Mashaaiircdan, oo uu Fuliyey Xafiiska jidadka DDS, gaar ahaan Mashruucan Shabakada lsku-xidhka Jidadka Miyiga ee R.Cap, ayaa wax badan ka badali doona isku-socodka iyo iskuxidhka bulshada degmooyinka Mulla Iyo Qabribayax ee gobolka Faafan

✍️ Waaxda Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Xafiiska jidadka DDS

Gurigii  3aad ee uu iskaashiga 16aad bahda horumarinta jidadka ee Xisbiga Barwaaqo u dhisayaan shaqaale hoosaadka danyar...
19/05/2026

Gurigii 3aad ee uu iskaashiga 16aad bahda horumarinta jidadka ee Xisbiga Barwaaqo u dhisayaan shaqaale hoosaadka danyarta ee Xafiiska Jidadk, ayaa Xadhiga laga jaray.

Wasiirka Xafiiska Jidadka DDS, mudane Idiris muuse cabdi, iyo Wasiirka Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDS, Marwo Xaliimo Xasan, ayaa maanta xadhiga ka jaray guri ka kooban laba qol oo uu iskaashiga 16aad ee Bahda Horumarinta Jidadka ee Xisbiga Barwaaqo u dhisay qoys ka mid ah shaqaale hoosaadka Xafiiska Jidadka.

Qoyskan danyarta ee maanta lagu wareejiyay gurigan ayaa ka mid ah shaqaale hoosaadka Xafiiska Jidadka ee muddada dheer ka shaqaynayay xafiiska,
Wasiirka Xafiiska Jidadka DDS Mudane Idiris Muuse oo xaflada xadhigjarka kadib warbaahinta Deegaanka la hadlay ayaa sheegay in gurigani uu qayb ka yahay 4 guri oo uu sannadkan qorshaha u qaatay iskaashiga 16aad ee bahda Horumarinta Jidadka ee Xisbiga Barwaaqo inuu guryo ugu dhiso shaqaale hoosaadka.

Si kastaba ha ahaatee gurigan ayaa noqon doona midkii 3aad ee uu iskaashiga 16aad bahda horumarinta jidadka ee Xisbiga Barwaaqo u dhisayaan shaqaale hoosaadka danyarta ee Xafiiska Jidadka DDS, iyadoona guriga 4aadna dhawaan dhismihiisa la bilaabi doono

17/05/2026

Waxaa halkoodii kasii socda Dadaallada lagu Xaqiijinayo Isku-Socodka Mashaariicda gobolka Daawa, waxaa dhawaan la dhamaystiray, Islamarkaana Xadhiga laga jaray Jid dhererkiisu dhanyahay 83KM, oo uu Fuliyey Xafiiska Jidadka DDS, kaas oo Wax badan ka badalay isku-Socodka iyo iskuxidhka bulshada,

Waxaa sidoo kale Socda jidka qaybtii 2aad ( Lot-2 ) oo dhererkiisu dhan yahay 25KM, oo isku xidhaya Xarunta gobolla daawa ee ley iyo Santarka Korobo.

Dhanka kale waxaa si habsami leh u Socda dayactirka Buundada Gaaluun ee isku-xidha Gobolka Daawa iyo Liibaan, oo ay dhawaan Saameeyeen Roobabkii deegaanka ka da'ay.

Waxaana Meel Fiican maraysa Shaqada dayactirka Buundadan oo Muhiim ah, islamarkaana isku-xidha gobollada Daawa iyo Liibaan,Waxaana Dayactirka Fulinaya Xafiiska Waraabka DDS.

Buundada oo ay dhawaan Wax yeeleeyeen Roobabkii da'ay, ayaa Waxaan hada si habsami leh u socota shaqada dayactirka Buundada.

Dhamaad Waaxda Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Xafiiska jidadka DDS

Waxaa Gudaha Xafiiska jidadka DDS, ka qabsoomay Kulan ay soo diyaarisay Waaxda Arimaha Jinsiga ( Gender) ee Xafiiska jid...
17/05/2026

Waxaa Gudaha Xafiiska jidadka DDS, ka qabsoomay Kulan ay soo diyaarisay Waaxda Arimaha Jinsiga ( Gender) ee Xafiiska jidadka DDS.

Shirkan oo ay isku soo diyaarisay Waaxda Arimaha Jinsjga ee Xafiiska, ayaa waxay Ujeedadiisu ahayd Xoojinta Waaxda iyo doorka haweenka ee howlaha la Xidhiidha dhismaha, maamulka, iyo adeegyada jidadka

Kulankan, ayaa Waxaa diirada lagu saarayay sii xoojinta shaqooyinka Waaxda jinsiga iyo doorka haweenka iyo sidii ay uga qaybali lahaayeen Hawlaha dhismaha Mashaariicda.

Kulanka,ayaa Waxaa Furtay Agaasinka Waaxda arimaha Jinsiga ee xafiiska, marwo Istaahil Axmed Maxamuud, iyada oo ay kasoo qaybgaleen Haweenka shaqalaha ah ee Xafiiska.

Mudadii uu kulankani socday, Waxaa lagu Falanqeeyay qaabkii loosii Xoojin lahaa Shaqooyinka Waaxda iyo doorka Haweenka ee Kaabayaasha aas-aasiga ah iyo horumarinta Kaabayaasha dhaqalaaha

✍️ Waaxda Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Xafiiska jidadka DDS

Waxaa lasoo gebo-gebeeyay Wajiga Koobaad ee Caro-dhiga Dayactirka Mashruuca Jidaka Isku xidha Dhedheertu-Qaaleyhargeysa-...
17/05/2026

Waxaa lasoo gebo-gebeeyay Wajiga Koobaad ee Caro-dhiga Dayactirka Mashruuca Jidaka Isku xidha Dhedheertu-Qaaleyhargeysa-Hudet, jidkan oo isugu jira dayctir iyo dhismo kaas oo kala ah:- 20km oo dayactir ah oo iaku xidhayay Santaradda qaaleyhargeysa ilaa Santarka Waleena ee degmada Hudhet iyo 12km, oo dhismo ah oo isku xidhaya Dhedheert to Qaaleyhargeysa,ayaa waxaa lasoo gabgabeeyay wajiga q aad ee Caro-dhigista oo ah, 20KM, oo dayactir ah, Islamarkaana isku-xidhaya Sanatarada qaaley-hargeysa ilaa degmada Hudhet ee gobolka Daawa

✍️ Waaxda Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Xafiiska jidadka DDS

Waxaa dib loo dayactiray Buundada Qalaafe oo Samaayn ku yeesheen Roobabkii Dhawaan ka da'aya Deegaanka soomaalida.Waxaan...
17/05/2026

Waxaa dib loo dayactiray Buundada Qalaafe oo Samaayn ku yeesheen Roobabkii Dhawaan ka da'aya Deegaanka soomaalida.

Waxaana dib u Furmay Isku socodka, iyada oo ay si habsami leh u isticmaalayaan Gaadiidku. Buundada Qalaafe, ayaa leh Muhiimad wayn oo dhaqaale iyo mid isku socod bulsho, iskuna xidha degmada Qalaafe iyo Magaaladda goday iyo Gobolka shabeele.

Dhmaaad Waaxda Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Xafiiska jidadka DDS

Address

Kali Street
Jigjiga

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Friday 08:00 - 17:00

Telephone

+251257752429

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska jidadka DDS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xafiiska jidadka DDS:

Share