Macaliminta Jaamacada Jigjiga

Macaliminta Jaamacada Jigjiga Protect Your Rights
Libraries are advocates for your right to read
and your right to reader privacy.

Congratulations to the three newly appointed Vice Presidents of Jigjiga University. We extend our warmest welcome and he...
19/11/2025

Congratulations to the three newly appointed Vice Presidents of Jigjiga University. We extend our warmest welcome and heartfelt blessings as you step into these important leadership roles.

Your appointments reflect the trust, dedication, and vision you each bring to the university. We pray that Allah grants you wisdom, unity, and success in fulfilling your responsibilities. May your collective leadership strengthen the university, inspire excellence, and bring progress for students, staff, and the entire community.

Welcome to your new positions, and may your journey be filled with achievement, cooperation, and blessings.

A truly inspiring tribute! Assistant Professor Salah Hajii dedication, humility, and unwavering service to Jigjiga Unive...
18/11/2025

A truly inspiring tribute! Assistant Professor Salah Hajii dedication, humility, and unwavering service to Jigjiga University and his country are remarkable. His leadership has left a lasting legacy, and his humanity shines just as brightly as his professional achievements. Wishing him continued success, fulfillment, and blessings in all that lies ahead. A heartfelt thank you for a life of service! 🙏

03/10/2025

Kursi iyo Xil dadka lama wada gaadhsiin karo, balse waxaa la gaadhsiin karaa cadaalad iyo adeeg hufan oo wanaagsan. Marka ha la isu dulqaato,ha la isu tanaazulo, ha la iscafiyo, gacmaha ha la isqabsado, aan udhaqaaqno harumar iyo nabad galyo. Wixii dhaliil ahna farta ha lagu fiiqo.

24/09/2025
Hambalyo. Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa Dr Siciid, oo ah qofkii ugu mudnaa kuna haboona samato-bixinta Jaamacadda J...
23/09/2025

Hambalyo.

Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa Dr Siciid, oo ah qofkii ugu mudnaa kuna haboona samato-bixinta Jaamacadda Jigjiga. Waa shaqsi leh khibrad guun ah oo lasoo tijaabiyay. Waa shaqsi lagu bartay inuu shaqooyinka dhaadhiciyo, cid walbana siiyo fursad ay wax ku curiso. Waa masuul khibrad Academy oo qoto dheer leh, waxaana laga rajaynayaa inuu hormariyo Jaamacadda Jigjiga. Wuxuu ku soo baxay tartan daah-furan oo khibrad iyo aqoon lagu salleeyay.

20/04/2025

Waxa jira qaabab badan oo loo marin habaabiyo dadka marka xogta la soo bandhigayo. Qaababkaas waxa ka mid ah:

✔︎ Isku-darka Waxyaabo Kala Duwan “Aggregation Bias”

Tusaale aan ku siiyo, haddii aan kuu dhiibo kartoon ay ku jiraan 10 xabbo oo tufaax ah iyo 300 oo xabbo oo Tamaandho ah, dabadeed aan kuu sheego inan kuu keenay 310 xabbo oo tufaax iyo tamaadho ah, waa marin habaabin. Waayo tufaaxu waxa uu ka yahay 3.3% alaabta kartoonka ku jirta halka 96.7% ay tamaadho ka tahay.

In aad hal hormo ku midayso laba shay oo kala qiimo iyo qaayo ah, dabadeedna qaab wadareed u sheegtaa waa marin habaabin.

20/04/2025

Wixii Iigu Cajiibsanaa Ee Aan La Kulmo.

Deeganka sababaha wax badan looga qori waxaa adag innaad hesho xog rasmi ah, oo ka madhan: Kooxaysi,qabyaallad, taagere Dowli ah iyo Cadiifad. Waxaa badan dhinacyo arrimo gaara isku eryanaya, oo maalmaha ay is qabtaan mid walba raadiyo meeluu qiiq ka shido.

Arrimaha danta guud ama baahiyaha jira waxay soo baxaan marka loollan gudaha yimaado. In aad xog dheeli-tiran hesho waxay u baahan tahay daddaal badan. Xitaa maamulada dhexe oo aan dheeli-tirba fahansanayn ayaadan helaynin.

Xiligii uu Boggan cusbaa ayaa meel layga soo gudbiyay in Ambalaastii Degmo qaad lagu qaado, dadkii bukaan kuna dhibaataysan yahay. Waxaan dhahay oday dhaqameedka ila hadal siiya, markaasa waxaa lay dhiibay reer madaxa Caafimadka ku kacsanaa Oday ay iiga dhigeen Suldaankii reerkaas: Wuxuu iigu dhaartay in xogtu sidaasi u jirto. Hadhow oo kale mar aan xogtii galay oo aan aaminay unbaan dhinicii kale waraystay, waxaanba ogaaday in odayguba Suldan ahayn. Hadda wuu dhaartay Walaahi.

Berigaas wixii ka dembeeyay waxaan dhaqan ka dhigtay in waxa la tabinayo la dheeli-tiro, hadii maamulku aysan ka gaabsan.Arrimaha culusna in lasoo arko mooye inaan cidna la aaminin, xitaa hadii koox abbaabulan ku soo wacdo.

Arrimaha kale ee aanan ilaawin qof jilayay inuu tabaalaysan yahay oo caawimo rabay ayaa maalmo dhan ka meeraysanayay inaan soo arragno, hadana wuxuu kaaga sheekayn kiis lasoo jilay oo qalbi xannuun ah. Maalintii dembe markaan booqanay ee aan deriskiisa iyo halkuu deganaa soo arragnay wuxuuba noqday qof aad u ladan, oo xitaa isagu deeq bixin kara. Ilaa hadaan is waydiiya waxa ku kalifay arrintaas.
Walow lambarka dadka baahino hadana qof aan dul tagin, oo aan xaalkiisa mudo baadhin ma shaaciyo.

Qisada kalee cajiibka ah waa midii gabadhii wiilkay is jeclaayen markay isku dhaceen sawirkiisa soo dirtay ee dhahday Baafiya waa Dhimirkoo wuu xannuunsan yahaye. Midan iyada way ila gaadhay oo intaan baafiyay unbuu wiilkii isoo caayay; Isma lahayn qofbaa baafin wax ka dhex raadin.😀😀😀

W-Q: Macalinka Soomaaliyed (Ms)
VOSS TV

27/03/2025

Saaxiibku waa muraayadda ugu fiican ee aad naftaada ka dhex arki karto, umadda kalana kaa dhex daawanayso. Waa miciinkaaga maalinta adag, iyo wehelka aad farxaddaada la qaadato. Da’da u dhexeysa 17 sanno jirka illaa 25 ku waa waqtiga ugu fiican ee aad saaxiib rumaad samaysan karto.

Raadso saaxiib guusha jecel, maskax furan, aqoon korodhsiga u darban, wanaagga kugu dhiirigeliyo, xumaha gacanta kaa qabta. Saaxiiba hankiisu fogyahay, garanayana in aydaan u kala maarmayn rumaynta nolosha aad higsanaysaan.

Xigasho: qormo uu diyaariyay qoraa Kamaal Marjaan

26/03/2025

Ca’isha waxay tidhi Rasuul Allow hadaan habeenka Laylatul qadarka lakulmo/garto maxaan ku ducaysta!? Rasuulkuna ﷺ wuxu ku yidhi waxaad dhahda
اللَّهُمَّ إِنَّكَ عُفُوٌّ تُحِبُّ الْعَفْوَ فَاعْفُ عَنِّي

Waa isku hal ujeeddo (Badbaado), iyo hal fikir oo ay doonayaan in ay ku gaadhaan, laakiin sida fikirkaas looga faa’idays...
04/05/2024

Waa isku hal ujeeddo (Badbaado), iyo hal fikir oo ay doonayaan in ay ku gaadhaan, laakiin sida fikirkaas looga faa’idaysanayo ayaa lagu kala baydhay. Markaasaa laga yaabaa in isla fikirkaasi midna dhimashadiisa soo dedejiyo, midna badbaadiyo.

Fikirka in aad heshaa waa qodob, in aad fahamto sida uu kuugu faa’idayn karaana waa qodob kale.

Address

JJU
Jigjiga

Opening Hours

09:00 - 17:00

Telephone

+251961327999

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Macaliminta Jaamacada Jigjiga posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Macaliminta Jaamacada Jigjiga:

Share

Category