Maxkamada Guud ee shareecada DDs

Maxkamada Guud ee shareecada DDs Waa bogga rasmiga ah ee Xafiiska Maxkamadda Guud ee Shareecada DDS.

05/08/2026
29/07/2026

Sheekh Sacuud binu Mudheeliq Al-Guweeyri oo ah Madaxa Qaybta Wacyigalinta ee Safaarada Sucuudiga ee Itoobiya iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa booqasho ku yimid Maxkamada Guud ee Shareecada Deegaanka Soomaalida.

Waxaana Xafiiskiisa ku qaabilay Gudomiyaha Maxkamadda Guud Ee Shareecada DDS Sh Ahmed Mahamed Aden iyo ku xigeenk Gudomiyaha Sh Shaafici Sayid Luqmaan

29/07/2026

Xildhibaan Maxamed Shariif ayaa si weyn u bogaadiyey dadaallada iyo horumarka ay ku tallaabsatay Maxkamadda Guud ee Shareecada Dawlad Deegaanka Soomaalida, isagoo ku ammaanay doorkeeda ku aaddan adkaynta caddaaladda, adeegga bulshada, iyo horumarinta hay'adaha diinta.

Xildhibaanku waxa uu si gaar ah u soo dhaweeyey qorshaha dhismaha Mac'hadka Imaam Al-Shaafici ee xarunta Maxkamadda Guud ee Shareecada ee magaalada Dhagaxbuur, isaga oo ku tilmaamay mashruuc taariikhi ah oo door weyn ka qaadan doona soo saarista culimo, qaadiyo, imaamyo iyo khubaro aqoon durugsan u leh shareecada Islaamka.

29/07/2026

Warbixinta wax qabadka 2018 T i Maxkamada Guud ee shareecada DDs .

تقرير إنجازات المحكمة الشرعية العامة لإقليم الصومال للسنة الإثيوبية 2018، ويمكن الاطلاع عليه من خلال الرابط أدناه. وقد ألقاه رئيس المحكمة لإقليم الصومال، سعادة الأستاذ عبد الكريم، أمام المجلس التشريعي للإقليم

Waxaa Xafiiska Maxkamadda Guud Ee Shareecada Dawlad Deegaanka Soomaalida sidiiran loogu soo Dhaweeyay Masuulka dhaqanka ...
28/07/2026

Waxaa Xafiiska Maxkamadda Guud Ee Shareecada Dawlad Deegaanka Soomaalida sidiiran loogu soo Dhaweeyay Masuulka dhaqanka iyo Tacliinta ee Safarada Sucuudiga ee Dalka Itoobiya Sheekh sucuud Ibnu Mudhaylaq oo ah Masuul sare oo ka socda Safarada Sucuudiga ee Dalka.

Soodhawaynta Masuulka ayaa waxaa ka soo qayb galay oo qaabilay Gudomiyaha Maxkamadda Guud Ee Shareecada Dawlada Deegaanka Soomaalida Mudane Sheekh Ahmed Mahamed Aaden ( Sh. Ahmed Haadi ) iyo Gudomiye ku xigeenka Maxkamada Guud Ee Shareecada DDS Mudane Sh Shaafici Sayid Luqmaan Madaxwayne ku xigeenka Golaha Sare Ee arimaha Islaamka Sh Junayd Xame waxaakale oo kamid ah masuuliyiinta soo dhawaysay Gudomiyaha Golaha Sare Ee Arimaha islaamka DDS Sh Ahmed Maxamed Cali Bahda Garsoorka Maxkamada Shareecada DDS iyo qaar kamid ah culimo udiinkale Deegaanka.

ugu Horayn masuuliyiinta Maxkamada ayaa uga warbixiyay Maxkamada Guud Ee Shareecada DDS iyo Adeega ay bulshada siiso inta waaxood ee ay ka koobantahay qaab dhismeeka maxkamadaha Shareecada DDS.

Waxaa uuna Masuulku aad uu uboogadiyay horumarka ka socda Deegaanka gaar ahaan Shaqooyinka muhiimka ah ee ay maxkamadu hayso waxaa uuna sheegay in Maxkamada ay Kala shaqayn doonan howlaha muhiimka ah ee bulshada u hayaan Ee ay kamid ka yihiin arimaha Qoyska. Xanaanada iyo Xuquuqda Caruurta IWM

Jigjiga – Af-hayeennada Golaha Xildhibaannada DDS, Marwo Ayaan Cabdi ayaa furtay Kal-fadhiga11-aad ee Golaha 6-aad, kaas...
27/07/2026

Jigjiga – Af-hayeennada Golaha Xildhibaannada DDS, Marwo Ayaan Cabdi ayaa furtay Kal-fadhiga11-aad ee Golaha 6-aad, kaasi oo ay horyaalaan 13 ajande oo kala ah:

1. Ansixinta Hadal-qoraaleedkii Kalfadhigii 10-aad ee Golaha 6-aad.
2. Dhagaysiga iyo Ansixinta Warbixinta Waxqabadka Xukuumadda DDS ee Sannad Miisaaniyadeedka 2018 T.I.
3. Dhagaysiga iyo Ansixinta Warbixinta Waxqabadka Xafiiska Golaha Xildhibaannada DDS ee Sannad Miisaaniyadeedka 2018 T.I.
4. Soo-jeedinta iyo dhagaysiga Warbixinta Waxqabadka Hay’adda Garsoorka ee Sannad Miisaaniyadeedka 2018 T.I.
5. Soo-jeedinta iyo dhagaysiga Warbixinta Waxqabadka Hanti-dhawrka Guud ee Sannad Miisaaniyadeedka 2018 T.I.
6. Soo-jeedinta iyo dhagaysiga Warbixinta Waxqabadka Wakaaladda Warbaahinta SRTV ee Sannad Miisaaniyadeedka 2018 T.I.
7. Dhagaysiga iyo Ansixinta Warbixinta Waxqabadka Commission-ka Baadhista Tacadiyadii ka dhacay Deegaanka Soomaalida.
8. Meel-marinta Bayaanka Miisaaniyadda Sannadka Miisaaniyadeedka 2019 T.I.
9. Bayaanka Meel-marinta Miisaaniyadda Dheeraadka ah ee Wajiga Labaad ee Sannadka 2018 T.I.
10. Soo-jeedinta iyo Ansixinta Xeer Nidaameedka Ujuurrada Garsoorka ee Xafiiska Maxkamadda Guud DDS.
11. Bayaanka Aqoonsiga iyo Ilaalinta Xabsiga Dhexe ee Deegaanka ee loo yaqaano Jeel Ogaadeen si loogu asteeyo goob xasuus u ah tacadiyadii dhacay ee loo gaystay bulshada deegaanka.
12. Bayaanka Wax-ka-beddelka Bayaanka Canshuurta Dakhliga DDS.
13. Dhaarinta Mas’uuliyiinta.

SRTV Somali

Address

Koonfurtka Garoonka Kubada
Jigjiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maxkamada Guud ee shareecada DDs posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share