Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Degmada Erer

Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Degmada Erer 👉 kuXidhnaw
Baggage Rasmiga
Xisbiga Barwaaqo
Waa u Addeegaha Shacabka

Kulaankii caadiga ahaa Golaha fulinta oo maanta oy taariikhdu tahay 11/12718 t.i ayaa kaqabsoomay xafiiska maamulka dagm...
17/08/2026

Kulaankii caadiga ahaa Golaha fulinta oo maanta oy taariikhdu tahay 11/12718 t.i ayaa kaqabsoomay xafiiska maamulka dagmada erer ee Gobolka sitti oo uu shir gudoominayey Gudoomiye kuxigeenka dagmada erer mudane Nuur Muumin Kulmiye ayaa lagu meel mariyey miisaaniyadda cysub ee 2019 T.i.taasoo dhan 322,129,538.65br,Dakhliga gudaha ee degmada sanad miisaaniyeedka 2019 t.i ayaa dhan 127,945,905brr Miisaaniyadda la ansixiyey ayaa 34% kabdan miisaaniyadda sanadkii hore,miisaaniyadda mashariicda ayaa loo qoondeyey 71% xafiisyada horumarinta ,Miisaaniyada ayaa 60% laga heli doona qasnada dhex,halka 40% laga heli doono dakhliga gudaha ee degmada

Guddoomiyaha Gobolka Sitti oo Kulan la Yeeshay Maamulka Shirkadda Sabit Engineering*Sitti: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka...
10/08/2026

Guddoomiyaha Gobolka Sitti oo Kulan la Yeeshay Maamulka Shirkadda Sabit Engineering*

Sitti: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Sitti, Mudane Ibraahim Xuseen Khayre, ayaa kulan la yeeshay maamulka shirkadda Sabit Engineering, oo gacanta ku haysa dhismaha mashruuca waddada laamiga cusub ee isku xidha magaalada Marmaarsa iyo nawaaxigeeda.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Guddoomiyaha Maamulka Degmada Shiniile, Mudane Jibriil Cumar, Madaxa Xafiiska Biyaha Degmada Shiniile, Mudane Maxamed Qolombi, Maareeyaha Wakaaladda Waraabka Marmaarsa, Mudane Axmed Cawaale, iyo injineerro ka socday Xafiiska Biyaha.

Intii uu kulanku socday ayaa diiradda lagu saaray is-waafajinta kaabayaasha horumarineed, gaar ahaan dhismaha waddada cusub iyo ka taxaddarka marinnada iyo khadadka waraabka magaalada, si aanay shaqada waddadu u saamayn nidaamka waraabka.

Masuuliyiintu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in mashaariicda horumarineed si isku-dubbaridan loo fuliyo, iyadoo la ilaalinayo kaabayaasha jira, lana hubinayo in dhismaha waddadu u socdo si waafaqsan qorshayaasha horumarineed ee deegaanka.

Waxaa Magaalada Shiniile ee Xarunta Gobolka Sitti lagu qabtay Kulan-weynaha Wadatashiga Diyaarinta Qorshaha Sannad-Miisa...
10/08/2026

Waxaa Magaalada Shiniile ee Xarunta Gobolka Sitti lagu qabtay Kulan-weynaha Wadatashiga Diyaarinta Qorshaha Sannad-Miisaaniyadeedka 2019 T.I ee degmooyinka gobolka sitti.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha S.M. 2019 T.I, nidaam ku shaqaynta iyo jihooyinka qorshe-tilmaameedka maamul-magaalooyinka, iyadoo xoogga la saarayo in qorshayaasha magaalooyinku noqdaan kuwo ka turjumaya baahida dhabta ah ee bulshada, korna loo qaado dakhliga gudaha, lana dhiirrigeliyo maalgashiga iyo shaqo-abuurka, si loo xaqiijiyo adeeg-bixin leh hufanaan iyo horumar la taaban karo.

Guddoomiyaha Gobolka Sitti Mudane Ibraahim Xuseen Khayre ayaa sheegay in degmooyinku yihiin laf-dhabarta kobaca dhaqaalaha iyo xadaaradda bulshada, sidaas darteedna horumarintoodu ay tahay ahmiyadaha ugu horeeya ee mudnaanta ay siisay xukuumadu .

Waxaan Manta Degmada Erer ee Gobolka Sitti ka qabsoomay Ololaha Tabarucaadka bilaha xagaaga ee Hal Malin Dhiiggaga ku de...
08/08/2026

Waxaan Manta Degmada Erer ee Gobolka Sitti ka qabsoomay Ololaha Tabarucaadka bilaha xagaaga ee Hal Malin Dhiiggaga ku deeq.

Maamulka Gobolka, Maamulka
Degmada,Shaqaaha iyo Bulshada ku nool magaalada Erer ayaa si mutadawacnimo Dhiiggoga ku deqay si ay gacan looga geysto helitaanka dhiig ku filan bukaannada iyo dadka xaaladaha degdegga ah ugu baahan.

Ololahan dhiig-ururintu wuxuu qayb ka yahay Barnaamijka Tabarucaadka Bilaha Xagaaga, kaas oo bulshada lagu dhiirrigelinayo ka qaybgalka hawlaha samafalka iyo horumarinta bulshada

Ra'isulwasaare Abiyi Axmed ayaa saaka dhirb**ris ka sameeyay Jaamacadda Garaadka Macmalka ee looyaqaano (Medhemer AI Uni...
03/08/2026

Ra'isulwasaare Abiyi Axmed ayaa saaka dhirb**ris ka sameeyay Jaamacadda Garaadka Macmalka ee looyaqaano (Medhemer AI University)

Ra'isulwasaare Abiyi Axmed ayaa saaka dhirb**ris ka sameeyay Xaruunta Jaamacadda Garaadka Macmalka ee looyaqaano (Medhemer AI University)

Dhirb**ristan Ra'isulwasaaruhu sameeyay ayaa waxay qayb ka tahay ol'olaha maanta lagu b**rayo dhir gaadhaysa 800 oo milyan.

"Muwaadin Dhir-b**r oo Dhaxal-reeb"Dhirb**rista iyo Daryeelka deegaanku waa masuuliyad cidkasta saaran.
02/08/2026

"Muwaadin Dhir-b**r oo Dhaxal-reeb"
Dhirb**rista iyo Daryeelka deegaanku waa masuuliyad cidkasta saaran.

Barnaamijka dhaxal-reebka Cagaaran oo Lagu Beerayo 800 Milyan oo Geed Hal Maalin oo ku beegan Hamale/27/2018T.I"Geed b**...
01/08/2026

Barnaamijka dhaxal-reebka Cagaaran oo Lagu Beerayo 800 Milyan oo Geed Hal Maalin oo ku beegan Hamale/27/2018T.I

"Geed b**r, Rajo b**r; "

Jigjiga – Af-hayeennada Golaha Xildhibaannada DDS, Marwo Ayaan Cabdi ayaa furtay Kal-fadhiga11-aad ee Golaha 6-aad, kaas...
27/07/2026

Jigjiga – Af-hayeennada Golaha Xildhibaannada DDS, Marwo Ayaan Cabdi ayaa furtay Kal-fadhiga11-aad ee Golaha 6-aad, kaasi oo ay horyaalaan 13 ajande oo kala ah:

1. Ansixinta Hadal-qoraaleedkii Kalfadhigii 10-aad ee Golaha 6-aad.
2. Dhagaysiga iyo Ansixinta Warbixinta Waxqabadka Xukuumadda DDS ee Sannad Miisaaniyadeedka 2018 T.I.
3. Dhagaysiga iyo Ansixinta Warbixinta Waxqabadka Xafiiska Golaha Xildhibaannada DDS ee Sannad Miisaaniyadeedka 2018 T.I.
4. Soo-jeedinta iyo dhagaysiga Warbixinta Waxqabadka Hay’adda Garsoorka ee Sannad Miisaaniyadeedka 2018 T.I.
5. Soo-jeedinta iyo dhagaysiga Warbixinta Waxqabadka Hanti-dhawrka Guud ee Sannad Miisaaniyadeedka 2018 T.I.
6. Soo-jeedinta iyo dhagaysiga Warbixinta Waxqabadka Wakaaladda Warbaahinta SRTV ee Sannad Miisaaniyadeedka 2018 T.I.
7. Dhagaysiga iyo Ansixinta Warbixinta Waxqabadka Commission-ka Baadhista Tacadiyadii ka dhacay Deegaanka Soomaalida.
8. Meel-marinta Bayaanka Miisaaniyadda Sannadka Miisaaniyadeedka 2019 T.I.
9. Bayaanka Meel-marinta Miisaaniyadda Dheeraadka ah ee Wajiga Labaad ee Sannadka 2018 T.I.
10. Soo-jeedinta iyo Ansixinta Xeer Nidaameedka Ujuurrada Garsoorka ee Xafiiska Maxkamadda Guud DDS.
11. Bayaanka Aqoonsiga iyo Ilaalinta Xabsiga Dhexe ee Deegaanka ee loo yaqaano Jeel Ogaadeen si loogu asteeyo goob xasuus u ah tacadiyadii dhacay ee loo gaystay bulshada deegaanka.
12. Bayaanka Wax-ka-beddelka Bayaanka Canshuurta Dakhliga DDS.
13. Dhaarinta Mas’uuliyiinta.

Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo Mudane Aadan Farah, ayaa sheegay in hawlaha la taban karo uu xisbigu ka bilaaba...
22/07/2026

Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo Mudane Aadan Farah, ayaa sheegay in hawlaha la taban karo uu xisbigu ka bilaabay abuurista fursadaha shaqo, xasilinta suuqa, iyo dhimista qiimaha nolosha—iyadoo loo marayo maamul isku duuban oo ka dhaxeeya xisbiga iyo dowladda—ay muujinayaan isbeddello muuqda oo saameyn wanaagsan ku yeeshay nolosha dadweynaha.

Guddoomiyaha Gobolka Sitti Mudane Ibraahim Xuseen Khayre Ayaa Shaaciyey Mashaariicda Caafimaadka ee la Hirgeliyey Xafiis...
21/07/2026

Guddoomiyaha Gobolka Sitti Mudane Ibraahim Xuseen Khayre Ayaa Shaaciyey Mashaariicda Caafimaadka ee la Hirgeliyey Xafiiska Caafimaadka heer Deegaan ee Sanadkan 2018

Waxaan si weyn ugu faraxsanahay horumarka muuqda ee laga gaaray adeegyada caafimaadka ee Gobolka Siti. Dadaalka wadajirka ah ee Dowladda, maamulka gobolka, iyo bahwadaagta waxay suuro galisay in bahiidi cafiimad inta badan laga jawaabay inta dhimaana lagaadhi doono insha allah
Iskaashiiga ayaa horseeday hirgelinta mashaariic muhiim ah oo kor u qaadaya tayada adeegyada caafimaadka ee bulshada.
Waxaa la dhisay kuwaan hoos kuxusan.

1 dhismaha iyo qalabaynta ORka xarun caafimaad ee danbal
2 dhamaystirka xarunta cafiimadka ee xoore degmada gablaalu
3 dhismaha xarunta cafiimadka ee dhunyar
4 dhismaha oxgen plant ee cusbitaalka faraax faras ee magalada shinile sido kale qalabaynta waxda X-rayga
5 balladhinta cusbitaalka guud ee siti oo lagu daray qaybta lafaha
6 dhismaha cusbitaalka magalada ayshaca oo wali socda Mashaariicdani waxay fududeynayaan helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh, waxayna yareynayaan safarradii dheeraa ee ay bulshada u gali jireen daryeel caafimaad.
Waxaan u mahadcelinayaa xukuumada iyo xisbiga talada hayaa oo mudnaan gar ah siyay sectarka cafiimadka
Mahadsanidiin
Mawduuca labaad waa waxbarashada

Address

Erer
Jigjiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Degmada Erer posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share