Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha ee COC

Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha ee COC Somali Regional State Center of Competency Agency

Hoggaaminta iyo shaqaalaha Wakaaladda Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha (CoC) ayaa gudaha xarunta Wakaaladda ka fuliyay o...
24/07/2026

Hoggaaminta iyo shaqaalaha Wakaaladda Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha (CoC) ayaa gudaha xarunta Wakaaladda ka fuliyay ololaha dhiig-shubista ee bilaha xagaaga. Hoggaaminta iyo shaqaalaha Wakaaladda ayaana si wanaagsan uga qayb qaatay ololahan.

Maareeyaha Wakaaladda, Mudane Cali Dalaja Cali, ayaana shaqaalaha kula dardaarmay in la joogteeyo hawlaha tabarucaadka iyo ka qayb qaadashada adeegyada bulshada.

26/06/2026

Wakaaladda ayaa Imtixaanka xaqiijinta tayada xirfadlayaasha (COC) ka qaaday 456 arday oo la qiimaynayo heerka tayadooda.

Wakaaladda Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha DDS ayaa Imtixaanka xaqiijinta tayada xirfadlayaasha (COC) ka qaaday 456 ard...
25/06/2026

Wakaaladda Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha DDS ayaa Imtixaanka xaqiijinta tayada xirfadlayaasha (COC) ka qaaday 456 arday oo la qiimaynayo heerka tayadooda.

Ardaydan oo wax ka baratay Kulliyadda Xirfadaha iyo Farsamada ee Fiiq, Maareeye kuxigeenka Kulliyadda Mudane Cabdi Bishaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ardayda u rajaynayaan guul, isla markaana ay filayaan inay ka keenaan natiijo wanaagsan. Wuxuu xusay in natiijada ka soo baxda qiimayntu ay muujin doonto heerka tayada ardayda iyo nidaamka waxbarasho ee kulliyadda.

11/06/2026

Khadar Cali, Agaasimaha Waaxda Qiimaynta iyo Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha, oo ka warbixinaya 1,544 arday oo waxka bartay Kulliyadda Xirfadaha Qabridahar oo laga qaaday Imtixaanka COC-ga.

09/06/2026

1,544 Arday oo Kulliyadda Xirfadaha Qabridahar ah oo u fadhiistay Imtixaanka COC ga.

Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha CoC ayaa Magaalada Godey, ku soo qiimaysay, Qiimeeyayaal cusub ( New Local As...
08/06/2026

Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha CoC ayaa Magaalada Godey, ku soo qiimaysay, Qiimeeyayaal cusub ( New Local Assessor's) oo dhan 40 Qiimeeye, isla markaasna la siiyay Tababarkii Macallinimo ee Assessor's Training Methodology (ATM).

Xirfadaha Qiimeeyayaashooda la qiimeeyay waxay kala yihiin:
1. Pharmacy Technician L-IV
2. Nursing L-IV
3. Medical Laboratory Techniques L-IV

Ujeeddada soo saarista qiimeeyayaashan ayaa ku qotonta kordhinta imtixaan-qaadayaasha CoC iyo yaraynta baahida qiimeeyayaasha ee ka jirta gobollada, waxayna sidoo kale fududaynaysaa in imtixaannada tayada xirfadaha lagu qaado meelaha ugu dhow xirfadlayaasha la tababaray, taasoo kor u qaadaysa adeegbixinta wakaaladda CoC.

Wakaaladda Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha (CoC) ayaa Kulliyadda Tababarada Xirfadaha iyo Farsamada Qabridahar ka bilow...
08/06/2026

Wakaaladda Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha (CoC) ayaa Kulliyadda Tababarada Xirfadaha iyo Farsamada Qabridahar ka bilowday imtixaanka xaqiijinta tayada xirfadlayaasha (COC) oo ay ufadhiisteen 1,544 arday.

Ardayda imtixaanka u fadhiistay ayaa ka kooban 776 dhadig ah iyo 753 lab ah, sidoo kale waxaa ka qaybgalay 15 macallin oo ka tirsan kuliyadda kuwaas oo lagu qiimanayay tayadooda xirfadeed. Imtixaanka COC ayaa kusoo beegmaya xilli muhiim ah oo laga guuray nidaamkii h**e islamarkaana loo guuray nidaam cusub oo ardayda u sahlaya imtixaanka xaqiijinta tayada xirfadaha dhaadheer iyo kuwa gaagaaban. Nidaamka cusub ayaa xooga saaraya hubinta tayada guud ee xirfadlaha, si loo helo shaqaale leh aqoon, xirfad iyo karti buuxda oo u diyaarsan shaqada suuqa.

Kulliyadda xirfadaha iyo tababarrada magaalada Wardheer ayaa waxaa imtixaanka xaqiijinta tayada xirfadlayaasha laga qaad...
07/06/2026

Kulliyadda xirfadaha iyo tababarrada magaalada Wardheer ayaa waxaa imtixaanka xaqiijinta tayada xirfadlayaasha laga qaaday xirfadlayaal tiradoodu gaadhayso 1,298 xirfadle.

Xirfadlayaasha la qiimeeyay oo isugu jira waaxaha Harqaanka (Tolmaha), Laydhka, Makaanikada, Dhismaha, Caafimaadka Xoolaha, Waxsoosaarka Beeraha, Biyaha, Qurxinta Dumarka, ICT-ga, Xisaabaadka iyo maamulka cuddudda shaqaalaha ayaa imtixaanka xaqiijinta tayada xirfadlayaasha laga qaaday xirfadlayaal kala duwan oo bartay guud ahaan xirfadaha kala duwan ee ay kuliyadu bixiso.

Xirfadlayaashan kala duwan ayaa waxaa lagu qiimaynayaa kartidooda aqooneed iyo fahanka ay u leeyihiin xirfadaha ay barteen, iyadoo si fal-tusmeed ah (Practical ah) iyo si akhris iyo waraysi ah looga qaadayo, markay qiimayntan dhamaystaan ardayda ka gudubta ayaa la siin doonaa shahaadada dhamaystirka waxbarashada ee kuliyadu bixiso iyo shahaadada qiimaynta tayada xirfadlaha si ay ula jaanqaadaan suuqa.

Wakaaladda Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha (COC) ayaa soo gabagabaysay qiimayntii ay ka waday Kulliyadda Farsamada iyo ...
06/06/2026

Wakaaladda Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha (COC) ayaa soo gabagabaysay qiimayntii ay ka waday Kulliyadda Farsamada iyo Xirfadaha Sultan Cabdullaahi Sultan Bade ee magaalada Godey.

Qiimayntan waxaa ka qayb galay 1,054 xirfadle, oo isugu jira kuwo bartay dhammaan xirfadaha ay kulliyaddu bixiso, iyo sidoo kale tababarrada dhaadheer iyo kuwa gaagaaban, iyo culuumta kale ee TVT. Xirfadaha la qiimeeyayna waxaa ka mid ah:

1. Wax-soo-saarka Xoolaha
2. Wax-soo-saarka Dalagyada
3. Caafimaadka Xoolaha
4. Khayraadka Dabiiciga ah
5. Biyaha
6. Laydhka
7. Tolmada Dharka
8. Maaliyadda iyo Xisaabaadka
9. Horumarinta Awoodda Shaqaalaha
10. Isgaadhsiinta iyo Farsamooyinka Casriga ah
11. Qurxinta Dumarka

Ujeeddada qiimayntan ayaa ah in la xaqiijiyo heerka aqooneed iyo xirfadeed ee xirfadlayaasha, ka soo baxaya kulliyadda Xirfadaha Godey, si loo hubiyo inay buuxinayaan shuruudaha tayada ee looga baahan yahay.

Address

Jijiga

Telephone

+251915299894

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha ee COC posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha ee COC:

Shortcuts

Share