19/08/2026
Dadaallada Suuq-geynta Xoolaha oo Xafiisku Dardargelinayo, si loo helo suuq joogto ah.
Waxaa kulan ballaadhan isugu yimid iskaashatooyinka iyo shirkadaha ka ganacsada xoolaha nool, Daladda Suuq-geynta Xoolaha, wakiillo ka socday 6 warshadood oo xoolaha qasha hilibkana dhoofiya, Hay’adda Horumarinta Xoolaha ee Dalka iyo Xafiiska Horumarinta Xoolaha DDS.
Kulanka oo uu hogaaminayay Wasiirka Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS ayaa diiradda lagu saaray sidii iskaashatooyinka iyo bahwadaagta xoolaha ka ganacsata ay heshiisyo ula geli lahaayeen warshadaha xoolaha qasha, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay caqabadaha ka jira suuq-geynta iyo ganacsiga xoolaha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.
Gabagabadii, waxaa la isku raacay in la bilaabo hawsha iibsiga xoolaha ee warshadaha xoolaha qasha, iyadoo wakiillada warshaduhu toddobaadkan booqan doonaan suuqyada xoolaha ee Deegaanka.
Tallaabadan ayaa la filayaa inay xoojiso suuq-geynta xoolaha nool, sidoo kalena kordhiso fursadaha ganacsiga xoolaha si kor loogu qaaddo dakhliga xoolo-dhaqatada iyo ganacsatada.