Komishinka Booliska DDS የሶማሌ ክ/መ/ፖሊስ ኮሚሽን

  • Home
  • Ethiopia
  • Jijiga
  • Komishinka Booliska DDS የሶማሌ ክ/መ/ፖሊስ ኮሚሽን

Komishinka Booliska DDS  የሶማሌ ክ/መ/ፖሊስ ኮሚሽን This is the Official page of the Somali Regional State Police Commission.

Shirkii Komishineerada Booliska iyo Madaxda Hay’adaha Amniga ee dalka  ayaa  ka qabsoomay Addis Ababa.Waxaana shirka hog...
28/08/2026

Shirkii Komishineerada Booliska iyo Madaxda Hay’adaha Amniga ee dalka ayaa ka qabsoomay Addis Ababa.

Waxaana shirka hoggaaminayay Taliyaha Guud ee Booliska Federaalka dalka, Komishineer General Demelash Gebremichael, waxaana ka qaybgalay Komishineerada Booliska dalka iyo masuuliyiinta hay’adaha nabadda iyo amniga dalka. Deegaanka Soomaalida waxaa shirka ka qaybgalay Hoggaanka Nabadgelyada DDS, Mudane C/qaadir Rashiid Ducaale, iyo Komishineerka Booliska DDS, Sarreeye Guud Cabdi Cali Siyaad.

Taliyaha Guud ee Booliska Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in hay’adaha amniga dalku ay dhiseen awood hay’adeed oo u saamaxaysa inay ilaaliyaan nabadda iyo amniga guud ee dalka. Wuxuna intaas kudaray in hay’adaha amnigu ay ka hortageen qorshayaal iyo falal ay soo maleegeen kooxo abaabulan oo argagixiso iyo isugu jira cadawga gudaha iyo dibaddaba, taas oo muujisay awoodda dalka ee ilaalinta amniga. Waxa kale oo uu xusay in wada-shaqaynta iyo isku-duubnimada hay’adaha amniga ay door muhiim ah ka qaadatay in si nabad ah oo guul leh lagu soo gabagabeeyo munaasabado heer qaran iyo caalami ah oo dalka ka dhacay. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha amnigu door muhiim ah ka qaateen sidii Wadatashiga Qaran ee dalku sida nabadgalyada ah ugu soo dhamaaday. Dhinaca kale, wuxuu sheegay in la diyaariyey qorshe istiraatiiji ah oo lagu xaqiijinayo amniga munaasabadaha waaweyn ee dalka ka dhacaya xilliyada soo socda, ee ay ka midka yihiin Sannadka Cusub ee dalka, ee Meskel, Irreecha iyo munaasabada dhismaha dowladda.

Madasha ayaa sidoo kale lagu adkeeyay in hay’adaha amnigu, iyagoo kaashanaya shacabka, ay sii xoojiyaan ka hortagga falalka wax udhimaya midnimada bulshada, hurinta khilaafaadka qowmiyadeed iyo diimeed, iyo faafinta wararka been-abuurka ah iyo dacaayadaha, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta kala dambaynta iyo sarreynta sharciga

Booliska Dowlada Deegaanka Soomaalida oo kaashanaya Hay’adaha amniga magaalada Awaday ee Deegaanka Oromiya, ayaa soo qab...
27/08/2026

Booliska Dowlada Deegaanka Soomaalida oo kaashanaya Hay’adaha amniga magaalada Awaday ee Deegaanka Oromiya, ayaa soo qabtay Jaaltu Maxamed, oo ku eedaysan ilmo lix bilood ah oo ay la baxsatay.

Eedaysanadan, ayaa ilmaha Suuqa kaga soo qaaday Hooyadii dhashay oo mehered ku haysatay suuqa, maadaama ay eedaysanadu u shaqaynaysay, xaafad ay jaar yihiin, sidaana loogu aaminay, wuxuuna qorshuhu ahaa inay ilmaha xaafada gayso balse nasiibdaro way la baxsatay waxayna la tagtay Magaalada Awaday.

Booliska Deegaanka, oo kaashanaya shacabka iyo Booliska Magaalada Awaday, ayaa ku guulaystay in la helo ilmaha iyo eedaysanaha, ka dibna, waxaa dib loogu soo celiyay magaalada Jigjiga. Booliska oo adeegsanaya baadhitaan iyo xirfadaha shaqada Booliska ayaa ku guuleystay soo helidda ilmaha, waxayna boolisku ilmaha ku wareejiyeen hooyadii dhashay.

Boolisku waxay waalidiinta ugu baaqeen inay ilaashadaan caruurtooda ayna ka feejignaadaan shaqaalaha xaafadaha uga shaqeeya iyo cidda ayna garanaynin shaqaalahana markay xaafadaha ka shaqagalinayaan ay kuxidhaan wakiil iyo cadaymo dib loogu raaci karo

Ciidanka Booliska DDS ayaa maanta dhiiggooda ku deeqay, iyagoo qayb ka qaatay ololaha dhiig-shubista ee ka socda deegaan...
27/08/2026

Ciidanka Booliska DDS ayaa maanta dhiiggooda ku deeqay, iyagoo qayb ka qaatay ololaha dhiig-shubista ee ka socda deegaanka.

Ciidanka Booliska DDS, oo u taagan sugidda amniga iyo badbaadada bulshada, ayaa sidoo kale door ka qaata barnaamijyada samafalka iyo hawlaha tabarucaadka ee bulshada.

Ololahan dhiig-shubista ayaa maanta ka qabsoomay Kulliyadda Tababarka Booliska DDS, halkaas oo ay Xirfadleyaasha caafimaadka ee ka howlgala Kaydka Dhiiga deegaanka iyo xirfadleyaasha caafimaadka ee booliska DDS, oo is kaashanaya ayaa saraakiisha iyo xubnaha kale ee Ciidanka Booliska ee dhiigooda ugu deeqayay bulshada ka ga shubeen dhiigooda, arrintan ayaa qayb ka ah badbaadinta nolosha dadka u baahan dhiigga.

Booliska Magaalada Jigjiga oo kugada jira hawlgalada lagu cidhibtirayo tuugada ayaa Xaafada 1aad ee Degmo-hoosaadka Laac...
27/08/2026

Booliska Magaalada Jigjiga oo kugada jira hawlgalada lagu cidhibtirayo tuugada ayaa Xaafada 1aad ee Degmo-hoosaadka Laaca, xalay gacanta ku soo dhigay eedaysanahan oo u dhacay xaafaddaha Qudhac Mataanaha, kana soo xaday kabaha sawirka ka muuqda.

Dhinaca kale, Booliska ayaa saqdii dhexe ee xalay qabtay eedaysanahan kale oo watay taleefan gacanta ah oo uu soo xaday oo uuna garanaynin lambar sireedkeedkiisa. Hadaba maadaama labada eedaysane iyo Alaabtii lagu qabtayba ay boolisku hayaan, waxay cidii lahayd ka codsanayaan in ay ugu soo hagaagaan Rugta Booliska Xaafadda 1-aad ee Laaca. Boolisku waxay shacabka ugu baaqeen inay ka qayb qaataan ka hortagga dambiyada, kana feejignaan tuugada . Sidoo kale, shacabka waxaa lagu boorriyey inay Booliska si degdeg ah ugu soo gudbiyaan wax kasta oo ay u arkaan falal tuugo iyo amni-darro, si looga hortago dambiyada loona ilaaliyo amniga bulshada.

25/08/2026

" Si nabadgelyo ah ayaa maanta looga xusay Magaalada jigjiga iyo deegaankaba Munaasabadda sannad-guurada 1501-aad ee dhalashada Nabiga Muxammed (NNKH)" G/Sare Siciid Aadan, Taliyaha Booliska Maamulka Magaalada Jigjiga.

24/08/2026

Wararka Todobaadka Booliska DDS

Jarati:  Waxaa ka qabsoomay shir isku xidhka booliska iyo bulshada ah oo loo qabtay dhalinyarada Magaalada JaratiShirkan...
24/08/2026

Jarati: Waxaa ka qabsoomay shir isku xidhka booliska iyo bulshada ah oo loo qabtay dhalinyarada Magaalada Jarati

Shirkan, oo uu hogaaminayey G/le Cumar Saahid Madaxa iskuxidhka booliska iyo bulshada Gobolka Afdheer, loona qabtay Ururada dhalinyarada, ayaa diirada lagu saarayay sidii loo xoojinlahaa xidhiidhka wadashaqayneed ee hay'daha amniga iyo dhalinyarada maadaama ay dhalinyaradu yihiin Mustaqbalkii bari.

Intii kulanku socday ayaa dhalinyarada laga wacyigeliyay ka hortaga halista Balwadaha, Si xun u isticmaalka Warbaahinta Dhigitaalka ah iyo Tahriibta oo halis geliya dhalinyarada.

Waxayna dhalinyaradu balan qaadeen in ay hay'adaha amniga ka gacansiin doonaan sugida amniga iyo ka hortaga wixii wax u dhimaya sharafta iyo mustaqbalka dhalinyarada.

Shirkii qiimaynta waxqabadka saraakiisha Ciidanka Booliska Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa maanta ka furmay Kulliyadda ...
21/08/2026

Shirkii qiimaynta waxqabadka saraakiisha Ciidanka Booliska Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa maanta ka furmay Kulliyadda Booliska DDS.

Shirka waxaa furay Komishineerka Komishinka Booliska DDS, Sarreeye Guud Cabdi Cali Siyaad, waxaana lagu qiimaynayaa waxqabadka Ciidanka Booliska ee saddexdii bilood ee la soo dhaafay, iyo sidii loo sii xoojin lahaa waajibaadka shaqo ee Booliska. Inta uu shirku socdo, waxaa lagu soo bandhigayaa warbixinnada waxqabadka saraakiisha Booliska, iyadoo qiimayntani tahay nidaam isla-xisaabtan oo Ciidanka, dhexdiisa ah, laguna eegayo guulihii laga gaadhay shaqada, caqabadaha iyo meelaha u baahan sixid. Qiimaynta ayaa sidoo kale halbeeg u noqonaysa dejinta qorshaha shaqo ee bilaha soo socda, iyadoo la doonayo in la xoojiyo waxqabadka Ciidanka, iyo in la saxo qaladaadka shaqada.

DHAMMAAD
Warbaahinta Booliska DDS
Waaxda Xidhiidh iyo Arrimaha Dadweynaha wixii Faahfaahin dheeraad ah kala soco boggageeda rasmiga ah;
[Facebook]: https://www.facebook.com/share/19Gw61o8Wc/
[Facebook]: Komishinka Booliska DDS የሶማሌ ክ/መ/ፖሊስ ኮሚሽን.
[Telegram]:https://t.me/Boolisk
/Komishinka Booliska DDS የሶማሌ ክ/መ/ፖሊስ ኮሚሽን.
[TikTok]:https://www.tiktok.com/?_r=1&_t=ZS-9934eU0anHJ
/BOOLISKA DDS
[YouTube]:https://youtube.com/?si=JkQAMfNfoIbd9e_9
/ DDS

Maamulka Degmada Gursum iyo ganacsatada magaalada Dhagaxle ayaa ka qaybgalka bulshada ku bilaabay dhismaha dayrka Saldhi...
19/08/2026

Maamulka Degmada Gursum iyo ganacsatada magaalada Dhagaxle ayaa ka qaybgalka bulshada ku bilaabay dhismaha dayrka Saldhigga Booliska Dhagaxle, dhisme hool lagu kordhinayo saldhigga iyo dayactir guud oo lagu samaynayo saldhigga.

Munaasabadda bilawga ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxa Adeegga Guud ee Booliska DDS, G/sare Maxamuud Xasan Mursal, Taliyaha Booliska Gobolka Faafan G/sare Shaafici Xasan, Taliyaha Booliska Degmada Gursum, G/dhexe Qaali C/kariin, Guddoomiyaha Degmada Gursum Dr. C/risaaq Yuusuf, maamulka Dawlada Hoose ee Dhagaxle iyo ganacsatada.

Ganacsatada Dhagaxle ayaa fulinaysa dhismaha dayrka iyo hoolka saldhigga, halka Maamulka Degmadaduna dayactir guud ku samaynayo dhismaha Saldhigga Booliska.

DHAMMAAD
Warbaahinta Booliska DDS
Waaxda Xidhiidh iyo Arrimaha Dadweynaha wixii Faahfaahin dheeraad ah kala soco boggageeda rasmiga ah;
[Facebook]: https://www.facebook.com/share/19Gw61o8Wc/
[Facebook]: Komishinka Booliska DDS የሶማሌ ክ/መ/ፖሊስ ኮሚሽን.
[Telegram]:https://t.me/Boolisk
/Komishinka Booliska DDS የሶማሌ ክ/መ/ፖሊስ ኮሚሽን.
[TikTok]:https://www.tiktok.com/?_r=1&_t=ZS-9934eU0anHJ
/BOOLISKA DDS
[YouTube]:https://youtube.com/?si=JkQAMfNfoIbd9e_9
/ DDS

19/08/2026

Saraakiisha Booliska Taraafikada iyo Shilalka ayaa ka warbixiyay shil caawa ka dhacay magaalada Jigjiga, kaddib markii gaadhi xawaare sare ku socday uu jiidhay gaadhi taagnaa, iyo alle ha unariistee labo askari oo ku guda jiray shaqada baadhista.

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Komishinka Booliska DDS የሶማሌ ክ/መ/ፖሊስ ኮሚሽን posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share