24/08/2026
Waxaa si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay qodista ceelkii labaad ee Qabalaha Bisle, Degmada Shiniile ee Gobolka Siti.
Ceelkan oo ay mulkiyaddiisu leedahay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta JDFI (Ministry of Water and Energy), isla markaana fulintiisa ay gacanta ku hayso Corporation-ka Dhismaha DDS (Somali Construction Corporation – SCC), ayaa la qoday qoto dheer oo dhan 450 mitir, wuxuuna soo saaraya biyo dhan 20 litir ilbiriqsigii (20 L/s).
Somali Construction Corporation (SCC) waxay dadaal xooggan ku bixinaysaa hirgelinta mashaariic iyo adeegyo tayo leh oo la isku halayn karo, kuwaas oo wax weyn ka tari doona horumarinta adeegyada biyaha iyo baahiyaha bulshada.
Somali Construction Corporation- SCC