Somali Construction Corporation- SCC

Somali Construction Corporation- SCC Bogga Rasmiga ah ee Shirkadda Dhismaha Dawladda-Deegaanka Soomaalida -
Official Page Of Somali Regional State Construction Corporation.

24/08/2026

Waxaa si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay qodista ceelkii labaad ee Qabalaha Bisle, Degmada Shiniile ee Gobolka Siti.

Ceelkan oo ay mulkiyaddiisu leedahay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta JDFI (Ministry of Water and Energy), isla markaana fulintiisa ay gacanta ku hayso Corporation-ka Dhismaha DDS (Somali Construction Corporation – SCC), ayaa la qoday qoto dheer oo dhan 450 mitir, wuxuuna soo saaraya biyo dhan 20 litir ilbiriqsigii (20 L/s).

Somali Construction Corporation (SCC) waxay dadaal xooggan ku bixinaysaa hirgelinta mashaariic iyo adeegyo tayo leh oo la isku halayn karo, kuwaas oo wax weyn ka tari doona horumarinta adeegyada biyaha iyo baahiyaha bulshada.

Somali Construction Corporation- SCC

Masuuliyiinta iyo hawl wadeenada Korboreeshinka Dhismaha Soomaalida ayaa booqdey Warshada Tuunbooyinka soo saarta ee Wat...
22/08/2026

Masuuliyiinta iyo hawl wadeenada Korboreeshinka Dhismaha Soomaalida ayaa booqdey Warshada Tuunbooyinka soo saarta ee Water fit ee Magaalada Addis Ababa ku taala .

Xubnahan booqashadan sameeyey ayaa Waxaa hogaaminayey Inj. Abdifataax Cumar Aare

Ujeedada Booqashadan Ayaa daarneyd in lasoo eego halka ay mareyso sameynta( production ) tuunbooyinka mashruuca Biyo galinta Waangey .

Mashruucan tuunbooyinkiisa ayey qeyb ka mid ah gaadhey goobta mashruuca laga fulinayo ee Waangey halka inta kalana la sameeyey oo raristoodu ay socoto.

Masuuliyiin iyo hawl-wadeeno ka tirsan Korboreeshinka Dhismaha Soomaalida ayaa booqasho ku tegay Xarunta Tababarka Injin...
21/08/2026

Masuuliyiin iyo hawl-wadeeno ka tirsan Korboreeshinka Dhismaha Soomaalida ayaa booqasho ku tegay Xarunta Tababarka Injineeriyada iyo Maamulka ee Maamulka Wadooyinka Itoobiya.

Xubnaha booqashada sameeyey waxaa hoggaaminayey Maareeye Ku-xigeenka Korboreeshinka Dhismaha Soomaalida, Inj. Cabdifaatax Cumar Aare. Intii ay booqashadu socotay, waxaa xubnaha loo soo bandhigay adeegyada iyo tababarada kala duwan ee xaruntu bixiso.

Xaruntan waxaa tababaro kala duwan lagu siiyaa injineerada iyo hawl-wadeennada ka shaqeeya mashaariicda dhismaha wadooyinka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Mechanical, Electrical, Civil, Surveyor iyo Technician, iyo sidoo kale Operators-ka gaadiidka culus, sida Excavator, Dozer, Grader, Loader iyo qalabka kale ee dhismaha.

Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd in Korboreeshinka Dhismaha Soomaalidu uu ka faa’iidaysto khibradda iyo tababarada xaruntan, gaar ahaan sidii injineerada iyo Operators-ka Korboreeshinka loogu heli lahaa tababaro muddo-dheer iyo kuwo muddo-gaaban oo kor loogu qaadayo aqoontooda, xirfaddooda iyo tayada shaqada mashaariicda dhismaha.
Booqashadani waxay qayb ka tahay dadaallada Korboreeshinka Dhismaha Soomaalida ee lagu xoojinayo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha, iyo in la helo shaqaale farsamo oo leh karti iyo aqoon ku filan.

21/08/2026

Madaxa Xafiiska Maareeyaha Korboreeshinka Dhismaha DDS, Inj. Maxamed Cabdi Haaruun, oo waraysi siiyay warbaahinta SRTV, ayaa ka warbixiyay kulamadii maalmihii u dambeeyay lala yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada deggan guryaha Dowladda.

Masuuliyiinta iyo hawl wadeenada Korboreeshinka Dhismaha Soomaalida ayaa booqdey Ethio- Engineering Group Xubnaha booqas...
20/08/2026

Masuuliyiinta iyo hawl wadeenada Korboreeshinka Dhismaha Soomaalida ayaa booqdey Ethio- Engineering Group

Xubnaha booqashadan sameeyey ayaa Waxaa hogaaminayey Maareeyaha Guud ( CEO) ee Korboreeshinka Inj. Abdirashid Maxamed Cumar Waxaana soo dhaweyn iyo warbixin siiyey maareeyaha Guud ee Ethio- Engineering Group Mudane Shegaw Mulugeta

Booqashadan ayaa daarneyd isbarasho, abuurid bahwadaageed ( partnership) iyo sidii uu korboreeshinku uga faaiideysan lahaa wax soo saarta kala duwan ee ay sameeyaan warshadaha kala duwan ee uu Xafiiskani leeyahay

Kulan lala yeeshay Bulshada Degan Guryaha Dowladda ee Jigjiga.Kulan uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Corp...
20/08/2026

Kulan lala yeeshay Bulshada Degan Guryaha Dowladda ee Jigjiga.

Kulan uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Corporation-ka Dhismaha DDS, Eng. Mahad Abdi Dhubad, ayaa lala yeeshay bulshada degan guryaha dowladda ee magaalada Jigjiga, gaar ahaan qaybaha xaafadaha Aayar-haylka iyo Wadada Manaariyaaga ee hoos yimaada Corporation-ka Dhismaha DDS.

Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd isbarasho, iskaashi iyo xoojinta wada-shaqaynta Corporation-ka Dhismaha DDS iyo bulshada qaybaha kala duwan ee degan guryaha dowladda. Sidoo kale, bulshada waxaa si faahfaahsan loogu sharraxay qaabka cusub ee lagu mideeyay hay’adaha dowladda iyo nidaamka maamulka guryaha dowladda.

Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ayaa bulshada kula dardaarmay in ay si habsami leh u gutaan waajibaadka la xidhiidha bixinta kirada, ilaalinta shuruudaha iyo qodobbada heshiisyada kirada guryaha, iyo dib-u-cusboonaysiinta heshiisyadii h**e. Waxa kale oo uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in bulshada ay u hoggaansamaan shuruucda iyo nidaamka guud ee lagu maamulo guryaha ay dowladdu leedahay.

Masuuliyiinta iyo hawl wadeenada Korboreeshinka Dhismaha Soomaalida ayaa booqdey Xarunta Bishoftu automotive industryXub...
19/08/2026

Masuuliyiinta iyo hawl wadeenada Korboreeshinka Dhismaha Soomaalida ayaa booqdey Xarunta Bishoftu automotive industry

Xubnaha booqashadan sameeyey ayaa Waxaa hogaaminayey Maareeyaha Guud ( CEO) ee Korboreeshinka Inj. Abdirashid Maxamed Cumar

Booqashadan ayaa daarneyd soo eegida gaadiidka kala duwan ee loo isticmaalo shaqooyinka dhismaha ee xaruntan lagu sameeyo

Gadiidkan xaruntan lagu diyaariyo ( assembly) ayaa waxaa ka mid ah iskaragooyin ( Dump Trucks ) , loobedh, buses iyo gaadiidka yar yar .

Booqashadan ayaa daarneyd qorshaha uu korboreeshinku ku rabo in la soo iibiyo qalabka kala duwan ee Dhismaha loo isticmaalo ( procurement for light and heavy duty earth moving machineries ) si loo dardargaliyo mashaariicda kala duwan ee Dhismaha ah ee korboreeshinku gacanta ku hayo

Masuuliyiinta iyo hawl wadeenada Korboreeshinka Dhismaha Somalida ayaa booqdey Xafiiska Korboreeshinka Injineeriyada ito...
19/08/2026

Masuuliyiinta iyo hawl wadeenada Korboreeshinka Dhismaha Somalida ayaa booqdey Xafiiska Korboreeshinka Injineeriyada itoobiya ( Ethiopian Engineering Corporation)

Masuuliyiinta iyo hawl wadeenada Korboreeshinka Dhismaha Somalida ( Somali Construction Corporation) oo uu hogaaminayey Maareeyaha Guud Inj. Abdirashid Mohamed Cumar ayaa booqasho daarneyd isbarasho, khibrad wadaag iyo iskaashi ku tagey Xafiiska Korboreeshinka Injineeriyada itoobiya ( Ethiopian Engineering Corporation).

Maareeye Kuxigeenka Korbeeshinka injineeriyada Itoobiya Inj. Abiy ayaa faahfaahin qotodheer ka bixiyey qaab shaqeedka, qaab dhismeedka, mashaariicda, cududa shaqaale iyo mida Qalab ee korboreeshinkani wakhti xaadirkan gacanta ku hayo .

Kulankan ayaa ahaa mid ay kasoo baxdey aqoon iyo talo bixino gashi unoqon kara korboreeshinka Dhismaha Soomaalida

Masuuliyiinta iyo hawl wadeenada Korboreeshinka Dhismaha Somalida ayaa booqdey Xafiiska Korboreeshinka Dhismaha itoobiya...
18/08/2026

Masuuliyiinta iyo hawl wadeenada Korboreeshinka Dhismaha Somalida ayaa booqdey Xafiiska Korboreeshinka Dhismaha itoobiya

Masuuliyiinta iyo hawl wadeenada Korboreeshinka Dhismaha Somalida ( Somali Construction Corporation) oo uu hogaaminayey Maareeyaha Guud Inj. Abdirashid Mohamed Cumar ayaa booqasho daarneyd isbarasho, khibrad wadaag iyo iskaashi ku tagey Xafiiska Korboreeshinka Dhismaha itoobiya ( Ethiopian Construction Works Corporation).

Maareeyaha Guud ee Korbeeshinka Dhismaha Itoobiya Inj. Robel Tsegaye ayaa faahfaahin qotodheer ka bixiyey qaab shaqeedka, qaab dhismeedka, mashaariicda, cududa shaqaale iyo mida Qalab ee korboreeshinkani wakhti xaadirkan gacanta ku hayo .

Kulankan ayaa ahaa mid ay kasoo baxdey aqoon iyo talo bixino gashi unoqon kara korboreeshinka Dhismaha Soomaalida

Address

Karamara Hospital Street
Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Construction Corporation- SCC posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share