Xisbiga barwaaqo laantiisa gobalka jarar - በጃራራ ክልል የብልጽግና ፓርቲ ቅርንጫፍ "

  • Home
  • Ethiopia
  • Jijiga
  • Xisbiga barwaaqo laantiisa gobalka jarar - በጃራራ ክልል የብልጽግና ፓርቲ ቅርንጫፍ "

Xisbiga barwaaqo laantiisa gobalka jarar - በጃራራ ክልል የብልጽግና ፓርቲ ቅርንጫፍ " In lagu soo bandhigo waxqabad gobalka jarar iyo guud deegaankaba

03/09/2026

Hal-kudhigyada Maalmaha Baagumee ee 2018TI

1. Maalinta Horumarka sare (Pagume 1)
2. Maalinta Soo-kabashada (Pagume 2)
3. Maalinta Adkaysiga (Pagume 3)
4. Maalinta iskaashiga (Pagume 4)
5. Maalinta Mustaqabalka (Pagume 5)

የጳጉሜን ወር አምስቱ ቀናት ስያሜዎች

1. ጳጉሜ 1 የእምርታ ቀን
2. ጳጉሜ 2 የማንሠራራት ቀን
3. ጳጉሜ 3 የጽናት ቀን
4. ጳጉሜ 4 የ ኅብር ቀን
5. ጳጉሜ 5 የነገ ቀን

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa shir-guddoomiyay Kal-fadhiga 2-aad ee Golaha Fulinta DDS ee Sannad...
26/08/2026

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa shir-guddoomiyay Kal-fadhiga 2-aad ee Golaha Fulinta DDS ee Sannad-Miisaaniyaddeedka 2019 T.I. Ajandayaasha horyaallay Golaha ayaa ka koobnaa afar (4) qodob oo kala ah:

1. Warbixinta arrimaha Wadatashiga Qaran; Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa Golaha warbixin guud ka siiyay xaaladda guud ee dalka iyo tan deegaanka, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha wadatashiga qaran iyo doorka Deegaanka Soomaalida.

2. Hirgelinta talo-bixintii Golaha Xildhibaannada ee Miisaaniyadda 2019 T.I;Goluhu wuxuu ka arrinsaday, isla markaana ansixiyay hirgelinta talooyinkii iyo go’aamadii Golaha Xildhibaannada ee la xidhiidhay Miisaaniyadda sannadka 2019 T.I., si waafaqsan mudnaanta horumarineed iyo baahiyaha bulshada deegaanka.

3. Dhismaha Golaha Dib-u-habaynta Beeraha; Goluhu wuxa uu ansixiyay dhismaha Golaha Dib-u-habaynta Beeraha, kaas oo la filayo inuu door muhiim ah ka qaato dardargelinta isbeddelka iyo casriyeynta wax-soo-saarka beeraha.

4. Ansixinta koodh-u-samaynta dhismaha Cusbitaalka Qabribayax, oo qaybo cusub lagu darayo; Goluhu wuxuu sidoo kale ansixiyay koodh-u-samaynta balaadhinta Cusbitaalka Qabribayax, taas oo qayb ka ah diyaarinta iyo hirgelinta adeeg caafimaad oo muhiim u ah bulshada ku nool magaalada Qabribayax iyo nawaaxigeeda.

Qararo/Danood:Gogoldhigga Shirka Nabadda iyo Wacyigalinta bulshada ku dhaqan degmooyinka gaashaamo iyo Danood:shir ay  s...
25/08/2026

Qararo/Danood:

Gogoldhigga Shirka Nabadda iyo Wacyigalinta bulshada ku dhaqan degmooyinka gaashaamo iyo Danood:

shir ay soo qabanqaabiyeen maamullada Gobollada Jarar iyo Doolo ayaa ka qabsoomey tuulada Qararo ee degmada Danood.
Shirkan oo ay ujeedadiisu ahayd wacyigalinta bulshada ku dhaqan xuduuda labada degmo ayaa waxaa la isugu keenay cuqaasha beelaba degan xuduuda labada degmo, kaas oo xooga lagu saaray ka hortaga waxyaabaha keeni kara isku dhacyada bulshada sida Deegaameynta dhul daaqsimeedka ka dhaxeeya

Maamullada Gobollada Jarar iyo Doolo waxay aaminsan yihiin in cuqaasha, waxgaradka bulshada labada dhinac ay yihiin laf-dhabarta.nabada isla markaana u leeyihiin ahmiyad weyn sidii bulshada deegaankan uga wada faa iideysan lahaayeen khayraadka ka dhaxeeya.

"8 sano ka hor maanta oo kale waxaa Deegaanka ka dhacay Isbadal maamul, kadib 8 sano oo ka horaysay oo halqabsiga deegaa...
22/08/2026

"8 sano ka hor maanta oo kale waxaa Deegaanka ka dhacay Isbadal maamul, kadib 8 sano oo ka horaysay oo halqabsiga deegaanku uu ku suntanaa dil, barakicin, cabudhin, cay, iyo hafaryo. "

"8daa sano waxaa taaba galay nabadgalyo, dagganaansho siyaasadeed, xuquuqul insaan, Soomaalinimo, xorriyatul qawl, xorriyadda ganacsiga, xorriyadda diinta, koboc dhaqaale, saaxadda siyaasadda oo balaadhatay, ixtiraamka madaxda dhaqanka iyo culumaa-udiinka, isdhexgalka bulshadda dhanka xuduudaha, iyo dhisamaha nidaam dawladeed oo ku salaysan ismaqal, wadatashi, iyo dhagaysiga shacabka."

"Waxaa kale oo meel maray mashaariic farabadan oo horumarineed, gaar ahaan dhanka horumarinta Magaalooyinka, jidadka, biyaha, caafimaadka, Waxbarashadda, laydhka, iyo isgaadhsiinta. Waxaa kor loo qaaday waxsoosaarka. Waxaa la maareeyay masiibooyin dabiici ah oo sameeyay nolosha dadka."

Waxaa qoraalkas baahiyay Madaxwayne Mustafe, oo maanta 8 sanno u buuxsantay.

22/08/2026
Itoobiya oo guulaysatay!Maanta Itoobiya waxay furtay bog cusub oo Taariikhi ah.Dalkan itoobiya oo muddo dheer kusoo jira...
22/08/2026

Itoobiya oo guulaysatay!

Maanta Itoobiya waxay furtay bog cusub oo Taariikhi ah.

Dalkan itoobiya oo muddo dheer kusoo jiray dagaalo iyo is-afgaranwaa ayaa maanta ku guulaystay inuu miiska wada-hadalada qaran ku kulmo, isla markaana is-fahan midaysan abuuro.

Wada xaajoodkani wuxuu jiilka dambe junoqayaa dawo; waxaa laga tashaday sidii loo bogsiin lahaa boogihii h**e, Dhibaatooyinkii qori lagu xallin waayay, ayaa erayo xalliyay; qalbiyadii ay colaadaha iyo kaladuwanaanta madax-adayggu kala fogeeyeen, ayaa wada-hadalku isku soo dhaweeyay. Tani ma aha arrin fudud ee waa guul loo dhan yahay!

Itoobiyaanku muddo bil ka badan ayay wada hadlayeen, iyagoo leh: “Kala duwanaanteennu waa Awoodeenna, ee kala fogaanteenna ma ah.”

Sida biyaha ilobiyoodyada kaladuwan ay Hal meel oo godan ugu qul qulaan, ayay codadka kala duwanaa ee Ergooyinka Itoobiyana Hal madal oo wada xaajoodka Qaran ah iskugu yimaadeen islamarkaana is-Afgarad ku gaadheen.Wada-hadalkani waa guul guud guuleystuhuna waa Itoobiya oo dhan.

Abuurkii is-afgaradka ee sida nabadda ah loogu beeray miiska wada-hadalka Qaran,inuu sannadka cusub Itoobiya bishaaro wanaagsan. u noqdi ayay itoobiyaanku kurajo weyn yihiin.

Itoobiya waxay isnecaybkii ka dooratay jacayl,aargoosigiina iscafis, halka ay dagaalkiina wada-xaajood ka dooratay. Tanina waa sababta aan u leenahay: Itoobiya way guulaysatay!

Cutub cusub, rajo cusub iyo bishaaro cusub!

Hogaanka nabadgalyada gobalka Jarar mudane "Abdiaziz Buraale" ayaa shir gudoomiyay Kulanka joogtada ah ee Golaha Amniga ...
17/08/2026

Hogaanka nabadgalyada gobalka Jarar mudane "Abdiaziz Buraale" ayaa shir gudoomiyay Kulanka joogtada ah ee Golaha Amniga degmada Gaashaamo,kulanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa masuuliyiin iyo Sarraakkiil kale oo heer gobal iyo heer degmo ah.

Kulankan ayaa ahaa mid si weyn loogaga arinsadey xoojinta Nabadgalyada degmada iyo midka ay la leedahay degmooyinka dariska la ah degmada Gaashaamo. Shirkan oo ahaa mid ahmiyad gaar ah lahaa ayaa laga soo saaray go'aamo lagu sii adkaynaayo xaalada nabadgalyada guud ee degmada iyo qodobo khuseeya la dagaalanka deegaameynta cusub.

Gunagado ISNIIN 17/8/2026Maanta waxaa Xafiiska Maamulka Degmada Gunagado ka qabsoomay shirkii billaha ahaa, waxaana loog...
17/08/2026

Gunagado

ISNIIN 17/8/2026
Maanta waxaa Xafiiska Maamulka Degmada Gunagado ka qabsoomay shirkii billaha ahaa, waxaana looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

1.Dardargelinta hawlaha maamulka iyo xoojinta adeeg-bixinta bulshada.
2.Taageerada qoys danyar ah oo aabihii iyo labo caruur ah xanuunsanayaan iyadoo loo ansixiyay lacag dhan 200,000 oo loogu talagalay daaweyntiisa, sidoo kalena la go’aamiyay in qoyska laga taageero raashinka bil kasta.

Shirku wuxuu ku soo dhammaaday is-afgarad iyo go’aanno lagu dardargelinayo adeegyada bulshada iyo horumarinta degmada.

15/08/2026
Waxaa lasoo gabagabeeyay kormeer iyo taakulayn muddooyinkii u dambeeyay ay koox ka socotay Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee ...
15/08/2026

Waxaa lasoo gabagabeeyay kormeer iyo taakulayn muddooyinkii u dambeeyay ay koox ka socotay Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Laanta Deegaanka Soomaalida ka wadday qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Jarar.

Kooxdan oo qayb ka ahayd kooxihii loo xil-saaray kormeerka, dabagalka iyo taakulaynta, ayaa intii ay hawshan ku guda jirtay qiimayn ku samaysay habsami-u-socodka barnaamijyada iyo hindisayaasha Xisbiga Barwaaqo ee laga hirgeliyay degmooyinka la booqday, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta waxqabadka.

Kormeerka iyo dabagalkani waxa uu qayb ka yahay dadaallada Xisbiga Barwaaqo ugu jiro xoojinta hirgelinta qorshayaasha horumarineed, kor u qaadidda waxqabadka iyo xaqiijinta yoolasha siyaasadeed iyo horumarineed ee Xisbiga.

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xisbiga barwaaqo laantiisa gobalka jarar - በጃራራ ክልል የብልጽግና ፓርቲ ቅርንጫፍ " posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xisbiga barwaaqo laantiisa gobalka jarar - በጃራራ ክልል የብልጽግና ፓርቲ ቅርንጫፍ ":

Shortcuts

Share