18/07/2026
Xafiiska Horumarinta Beeraha Degmada Doollo-addo ayaa 300 oo qoys oo laga soo kala xulay tuulooyinka degmada hoos yimaada u qaybiyey abuurka xulka tayaysan.
Abuurkan xulka ah ee loo qaybiyey beeralayda degmada Doollo-addo oo uu keenay Xafiiska Beeraha DDS oo ka duulaya baahida beeralaydu u qabtay abuur tayaysan waa mid qoysaskan beeralayda ah ka caawin doona kor u qaaadista waxsoosaarkooda maadaama ay horay beeralayda u saameeyeen xanuunada ku dhaca beeraha.
Gudoomiye kuxigeenka degmada Doollo-addo Mudane Cabdiqaadir Isaaq iyo madaxa beeraha degmada Mudane Cabdi risaaq Axmed oo ka hadlay goobtii qaybinta abuurkan ayaa beeralayda kula dardaarmay inay si haboon uga faa'iidaystaan abuurkan tayeysan.