Xafiiska komishinka booliska asluubta DDS

Xafiiska komishinka booliska asluubta DDS Somali regiomal State Prison police Commision

.إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَKomishineerka komishinka booliska asluubta DDS mudane bashiir axmed xaashi ...
19/07/2026

.إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
Komishineerka komishinka booliska asluubta DDS mudane bashiir axmed xaashi ayaa tacsi murugo leh u diray qoysaska, ehelada iyo guud ahaan shacabka DDS ee ay saameysay geerida dadkii ku naf waayay shilkii ka dhacay tuulada Guuyow ee degmada Qabribayax.

Komishineerka ayaa Alle uga baryay inta dhaawacantay inuu siiyo bogsiin degdeg ah, halka marxuumiinta uu Eebbe uga rajeeyay naxariis iyo Jannatul Firdowsa, eheladii iyo dhammaan dadkii ka geeriyoodayna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

13/07/2026

Wafdi kala duwan oo heer Fedaraal iyo heer deegaan iskugu jira ayaa boqasha ku tagay jeelasha Deegaanka gaar ahan magalada Jigjiga.

Wafdi kala duwan oo iskugu jira heer federaal iyo heer deegaan ayaa boqasho ku tagay jeelasha deegaanka gaar ahaan magaa...
13/07/2026

Wafdi kala duwan oo iskugu jira heer federaal iyo heer deegaan ayaa boqasho ku tagay jeelasha deegaanka gaar ahaan magaalada Jigjiga.

Wafdiga oo uu horkacayey Komishineerka Komishinka Asluubta DDS ayna ku wehelinayeen Wasiir kuxigeenka Xafiiska Cadaalada, masuuliyiinta komishinka xuquuqul iinsaanka dalka iyo xafiiska cabashooyinka heer federaal ayaa boqasho ku tagay xabsiga Komishinka Asluubta ee Deegaanka Soomaalida.

Wafdiga ayaa si rasmi ah u booqday xabsiga tacadiga loogu gaysan jiray muwadiniinta deegaanka ee Jeel Ogaadeen.

Komishineerada komishinka cabashiyinka dalka Marwo Simegn Wube ayaa sheegtay in guud ahan deegaanka wax badan laga badalay oo tacadiga loo geysan jiray shacabka deegaanka wakhti xaadirkan isbadal weyn laga sameeyay, islamrkaana xuquuqda maxaabiista si wanaagsan loo ilaaliyo.

Dhanka kale, komishineer kuxigeenka komishinka asluubta ee deegaanka Oromiya R/komishineer Ijara Garado ayaa sheegay in Deegaanka Soomaalida dhanka ilaalinta xuquuqda maxaabiista ay wax weyn ka baran doonaan, sidoo kalena wax weyn laga badalay hab nololeedka maxaabiista.

Xafiiska komishinka booliska asluubta DDS

Komishineerka komishinka Booliska Asluubta DDS Mu.bashir axmed xaashi iyo Hogaanka nabad galiyada deegaanka somalida iyo...
07/07/2026

Komishineerka komishinka Booliska Asluubta DDS Mu.bashir axmed xaashi iyo Hogaanka nabad galiyada deegaanka somalida iyo masuuliyiin kale ayaa Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jigjiga ku soo dhaweeyey wafti uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Hay'adda Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka, kaas oo ka qayb galaya shir ka dhacaya magaalada Jigjiga.

04/07/2026

Waxaa magaalada Jigjiga ka qabsoomay kulan ku saabsan xeer-nidaameedka cusub ee Asluubta oo ay si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen Komishinka Booliska Asluubta DDS iyo Xafiiska Caddaaladda DDS.

Jigjiga: Kulan lagu falanqeeyay xeer-nidaameedka cusub ee Asluubta ayaa lagu qabtay magaalada JigjigaMagaalada Jigjiga w...
04/07/2026

Jigjiga: Kulan lagu falanqeeyay xeer-nidaameedka cusub ee Asluubta ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga

Magaalada Jigjiga waxaa lagu qabtay kulan lagu falanqaynayay xeer- nidaameedka cusub ee Asluubta, kaas oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Komishinka Booliska Asluubta DDS iyo Xafiiska Caddaaladda DDS.

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin iyo khubaro ka tirsan hay’adaha caddaaladda ee DDS, nabadgalyada iyo aqoonyahano kaladuwan ayaa diiradda lagu saaray falanqaynta iyo ka dooddid ku saabsan xeer-nidaameedkan cusub, kaas oo lagu xoojinayo hannaanka maamulka hay’adaha asluubta, isla markaana mudnaan gaar ah siinaya ilaalinta xuquuqda ciidanka Asluubta iyo dhawrida xuquuqda maxaabiista.

Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Caddaaladda DDS, Mudane Faysal Daahir Xaashi iyo Komishineerka Komishinka Booliska Asluubta DDS, Mudane Bashiir Axmed Xaashi oo madasha ka hadlay, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay dib-u-habaynta xeerarka lagu maamulayo hay’adaha asluubta, si ay ula jaanqaadaan mabaadi’da caddaaladda, maamulka suuban iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Falanqaynta iyo ka dooddida xeernidaameedkan kadib ayaa loo gudbindoonaa Golaha Fulinta DDS si loo meelmariyo.

12/01/2026

Gudida joogtada ah ee sharciyada Baarlamaanka fedaralka ayaa booqasho ku gaadhay xarunta dhaqancelinta maxaabiista Ee allamudiin

Kulan dib u eegis lagu samaynayay waxqabadka 6-dii bilood ee bahda cadaalada Deegaanka ayaa ka qabsoomay magaalada Jigji...
10/01/2026

Kulan dib u eegis lagu samaynayay waxqabadka 6-dii bilood ee bahda cadaalada Deegaanka ayaa ka qabsoomay magaalada Jigjiga.

Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen Wasiiru-dowlaha Wasaarada Cadaalada JDFI Belayhun Yirgaw iyo hogaaminta bahda cadaalada deegaanka ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka hay'adaha cadaalada DDS, shaqooyinkii la qabtay 6-dii bilood ee ugu dambaysay, iyagoo laga dhagaystay warbixinta shaqooyinka wax ku oolka ah ee qabsoomay iyo kuwa ubaahan in lasii dardargaliyo si bulshadu uhesho adeeg hufan oo caddaaladeed.

Dhanka kale, Wasiiru-dawlaha Wasaarada Cadaalada JDFI oo ay waheliyaan Wasiir kuxigeenka Xafiiska Cadaalada DDS Mudane Maxamed Daahir Xaashi iyo Komishineerka Komishinka Booliska Asluubta DDS Mudane Bashiir Axmed Xaashi ayaa soo kormeeray xarunta dhaqancelinta DDS oo ay ku xidhan tahay maxaabiis dambiyo kala duwan galay, wuxuuna wasiiru dawlaha wasaarada cadaaladu uu maxaabiista ka dhagaystay xaaladooda nololeed iyo helitaanka xuquuqahooda aasaasiga ah.

Kormeerkaa kadib wasiiru-dawlaha oo aan wax ka waydiinay kormeerkiisa ayaa sheegay in isbedel balaadhani ka jiro nolosha iyo xuquuqda maxaabiista oo meesha laga saaray tacadiyadii isbedelka kahor ka dhici jiray xabsiyada deegaanka, islamarkaana ay si buuxda u helaan xuquuqdooda.

Sanadguuradda 33aad ee kasoo warreegtey aasaaska Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxay astaan utahay:* Midnimadda iyo jirit...
04/01/2026

Sanadguuradda 33aad ee kasoo warreegtey aasaaska Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxay astaan utahay:
* Midnimadda iyo jiritaanka shacabka DDS
* Isku duubnida iyo wadajirka shacabka Deegaanka.
* Waa maalintii dhidibadda loo taagey Deegaanka iyo astaanta dawladnimo.
* Waa maalin xaqiijisay xuquuqaha dastuuriga ee shacabkeenu ka maqnaayeen.
* Waa maalin shacabka deegaanku heleen in ay iskood isku maamulaan xorna u noqdaan deegaankooda iyo khayraadkiisab
Waxaan leenahay dhammaan shacab weynaha Deegaanka Soomaalida: Hambalyo

03/01/2026

Address

10th Kabale
Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska komishinka booliska asluubta DDS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xafiiska komishinka booliska asluubta DDS:

Shortcuts

Share