Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS

Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS Bogani waa boga rasmiga ah ee xafiiska ganacsiga iyo Gaadiidka dawlada deegaanka soomaalida

Garabka Dhalinyarada Xisbiga Barwaaqo – Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDSMaanta oo Isniin ah, Garabka Dhalinyarada Xi...
24/08/2026

Garabka Dhalinyarada Xisbiga Barwaaqo – Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS

Maanta oo Isniin ah, Garabka Dhalinyarada Xisbiga Barwaaqo ee Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS ayaa si guul leh u qabtay hawlo tabarucaad iyo adeeg bulsho, kuwaas oo qayb ka ah qorshaha garabka dhalinyarada ee ku aaddan ka qayb-qaadashada horumarka bulshada.

Waxaan h**ey u hirgelinnay laba hawlood oo muhiim ah oo kala ahaa:

🩸 Dhiig-bixinta (Dhiig-shubista) – si aan uga qayb qaadanno badbaadinta nafaha iyo taageeridda adeegyada caafimaadka.

🌳 🌱Dhir-beeris – si aan uga qayb qaadanno ilaalinta deegaanka iyo abuurista mustaqbal cagaaran.

📚 Maanta, waxaan hirgelinnay hawl kale oo muhiim ah oo ah taageeridda waxbarashada, iyadoo garabka dhalinyaradu uu 60 arday ugu deeqay buugaag iyo qalimaan, si aan uga qayb qaadanno horumarinta waxbarashada iyo dhiirrigelinta jiilka soo koraya.

Waxaan aaminsanahay in dhalinyaradu aysan ahayn oo keliya hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, balse ay yihiin xoogga maanta wax ka beddeli kara bulshada.

🤝 Tabarucaad, adeeg bulsho iyo wadajir—waa jidka horumarka.

Garabka Dhalinyarada Xisbiga Barwaaqo
Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS

5/12/2018.T.I Waxaa madasha kulamada ee xafiiska ka qabsoomay kulan wacyigelin ah oo dhex maray Xafiiska Ganacsiga iyo G...
11/08/2026

5/12/2018.T.I Waxaa madasha kulamada ee xafiiska ka qabsoomay kulan wacyigelin ah oo dhex maray Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS iyo Ganacsatada Jaadka.

Kulanka ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay dhibaatada shilalka gaadiidka, gaar ahaan gaadiidka jaadka qaada ee ku socda xawaaraha sare.

Kulanka ayaa waxaa shirgudoominayay masuuliyiinta kala ah Madaxa xafiiska mudane Abdulhakim Sheik Hassen wisiirka xafiiska dakhliga DDS mudane muxuyadiin cabdi faarax iyo wisiirku xigeenka xafiiska mudane xasan sheekh yuusuf Kulanka ayaa ahaa mid lagu adkeynayay dhimista xawaaraha xad-dhaafka ah loona arkey in uu yahay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keena shilalka, dhimashada iyo dhaawacyada.

Ugu danbayntii Ganacsatada iyo mulkiilayaasha gaadiidka waxaa loogu baaqay inay si dhow ula socdaan darawallada, islamarkaana darawalada ku booriyaan sidii ay ugu hogaansami lahayeen Xeerarka wado marka.

Waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka dadwaynaha ee Xafiiska.

Shaqalaaha Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS,ayaa ka qayb qaatay dhir beeristii Saaka, qaybta Magaalada Jigiiga.Waxaa...
03/08/2026

Shaqalaaha Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS,ayaa ka qayb qaatay dhir beeristii Saaka, qaybta Magaalada Jigiiga.

Waxaa Guud ahaan Saaka Deegaanka laga beerayaa 2.85 milyan oo geed.

Masuuliyiinta sare ee xukuumadda DDS, oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa saaka ka qayb galay ololaha dhir-beerista ee qaybta Jigjiga, Waxaa sidoo kale qayba ka ahaa dhir beeristan Masuuliyiinta iyo Shaqalaaha Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS, oo uu hogaaminayey Wasiirka Xafiiska mudane Abdulhakim Sheik Hassen.

Guud ahaan deegaanka, maanta waxaa dhirta laga beerayaa 91 goobood oo baaxaddoodu dhan tahay 1,050.44 hektaar, kuwaas oo ku kala yaalla dhammaan degmooyinka iyo maamul-magaalooyinka deegaanka.

Noocyada dhirta maanta la beeray ayaa isugu jirtay:-
Dhirta kaymaha
Geed-midhoodka
Dhirta qurxinta
Dhirta calafka xoolaha
Dhirta faa'iidada leh

Dhammaan goobahaas laga beerayo dhirta waxaa laga qaaday xogta GPS, si loo fududeeyo dabagalka iyo daryeelka dhirta mustaqbalka.

Waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka dadwaynaha ee Xafiiska

Waxaa sidoosa u bilaabmay fulinta awaamiirtii kasoobaxsay xafiiska.Saan wada ogsoonahay waxaa jirtay awaamiir iyo go'aan...
02/08/2026

Waxaa sidoosa u bilaabmay fulinta awaamiirtii kasoobaxsay xafiiska.

Saan wada ogsoonahay waxaa jirtay awaamiir iyo go'aano kasoobaxay xafiiska taas oo ahayd mid lagu sugayo badqabka wadooyinka.

Hadaba iyada oo laga duulayo meel marinta go'aanada kasoobaxay xafiiska ayaa lagu dhaqaaqay olole lagu cidhibtirayo wax kasta oo keeni kara shil galaafta nafta iyo maalka bulshada.

Kooxo kaladuwan oo isku dhafa ayaa ka hawlgalayo wadooyinka soogala caasimada waxayna talaabo sharciga waafaqsan kaqaadayaan cidkasta oo lagu arko wax baal marsan sharciga wado marista gaadiidka.

Hadaba xafiisku waxa uu bulshada kacodsanayaa in ay gacan ka siiyaan hirgalinta go'aanada iyo awaamiirta kasoobaxay xafiiska

Waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka dadwaynaha ee Xafiiska.

Iskaashiga Xisbiga barwaaqo ee Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS ayaa maanta oo Khamiis ah taariikhduna tahay 23/11/2...
30/07/2026

Iskaashiga Xisbiga barwaaqo ee Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS ayaa maanta oo Khamiis ah taariikhduna tahay 23/11/2018 sameeyey dhiig shubis.

Sidoo kale waxaa Shalay oo tarikhdu ahayd 22/11/2018 furayaasha lagu wareejiyay 10 qoys oo danyar ah kuwaasoo loo dhisay laguna wareejiyay qaar kamid ah bulshada danyarta ah ee Degmada Shabeellay.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa ka qayb'galay munaasibadda furayaasha loogu wareejinayay 10 guri oo uu wakiil uga ahaa Xafiisku tasoo Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee JDFI udhistay bulshada danyarta ah ee ku nool magaalada Shabeeleey. Sidoo kale waxaa la sameyay dhir beeris ay kaga qayb qaateen howlaha tabarucaadka bilaha xagaaga.

Waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka dadwaynaha ee Xafiiska

Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen bahwadaagta secterka gaadiidka ayaa ka qabsoomay madasha kulamada ee mini hall ka ...
24/07/2026

Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen bahwadaagta secterka gaadiidka ayaa ka qabsoomay madasha kulamada ee mini hall ka xafiiska.

Kulakan oo uu shirgudoominayay wisiirku xigeenka xafiiska mudane xasan sheekh yuusuf ayaa laga wada hadlay qodobo dhawr ah oo uu ugu h**eeyo yaraynta iyo ka hortaga shilalka.

Shilalka gaadiidku waa dhibaato weyn oo saameysa nolosha dadka, qoysaska, iyo bulshada. Hal ilbiriqsi oo taxaddar la’aan ah wuxuu sababi karaa dhimasho, dhaawac culus, burbur hantiyeed, iyo murugo muddo dheer socota.

Talaabooyinka degdega ah ee uu xafiisku qaadayo waxaa ka mid ah
Awaamirta lagu Xalinayo Xalka degdega iyo qeybinta motooyinka

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan darawallada iyo isticmaalayaasha waddooyinka inay u hoggaansamaan shuruucda gaadiidka isla markaana taxdar sameeyaan.

Waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka dadwaynaha ee Xafiiska.

23/07/2026
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelada & qaraabada dhamaan muwadiininti ...
19/07/2026

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelada & qaraabada dhamaan muwadiininti Ku geriyooday shilkii ka dhacay degmada Qabribayax, Qabalaha Guuyoow . Sidoo kale Waxan Alle ugu baryaynaa muwadiniintii ku dhawacmay shilka inuu ilaahay caafimaad siiyo.

Shilalka gaadiidku waa dhibaato weyn oo saameysa nolosha dadka, qoysaska, iyo bulshada. Hal ilbiriqsi oo taxaddar la’aan ah wuxuu sababi karaa dhimasho, dhaawac culus, burbur hantiyeed, iyo murugo muddo dheer socota.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan darawallada iyo isticmaalayaasha waddooyinka inay u hoggaansamaan shuruucda gaadiidka.

📢OGAYSIIS KU SAABSAN QAADASHADA WARQADDA XAQIIJINTA TAYADA GAADIIDKA (BOOLADA) IYO CAYMISKA GAADIIDKA EE KHATARAHA KA IM...
02/07/2026

📢OGAYSIIS KU SAABSAN QAADASHADA WARQADDA XAQIIJINTA TAYADA GAADIIDKA (BOOLADA) IYO CAYMISKA GAADIIDKA EE KHATARAHA KA IMAAN KARA DHINACA SADDEXAAD 📢

Badbaadada waddooyinku waa masuuliyad ay wadaagaan dhammaan bulshadeena isticmaasha waddooyinka. Sidaa darteed Si loo yareeyo dhibaatada shilalka gaadiidka loona badbaadiyo bulshadeena waxaa waajib ah in gaadhi kasta oo waddooyinka isticmaalaa uu haysto Warqadda Xaqiijinta Tayada Gaadiidka (Boolada) iyo Caymiska Gaadiidka ee Khataraha ka Imaan Kara Dhinaca Saddexaad.

👉🏽 Warqadda Xaqiijinta Tayada Gaadiidka (Boolada) : waxay caddeynaysaa in gaadhigu maray imtixaanka xaqiijinta tayada gadiidka, isla markaana uu buuxiyey shuruudaha badbaadada ee loogu talagalay Gaadiidka isticmaali Kara wadooyinka. Muwaadin si aad u qaadato boolada waxaa wajiba inaad soo marto goobaha gaarka loo leeyahay ee lagu baadho Tayada gaadiidka.

👉🏽 Caymiska Gaadiidka ee Khataraha ka Imaan Kara Dhinaca Saddexaad : wuxuu dammaanad ka bixiyaa magdhowga khasaaraha soo gaadha dadka kale ama hantidooda haddii uu shil sababo gaadhiga caymiska leh. Tani waxay yareynaysaa culayska dhaqaale ee ka dhalan kara shilalka, waxayna xoojinaysaa ilaalinta xuquuqda dhibbanayaasha. si aad u qaadato warqada caymiskan waxad marka h**e maraysa shirkadaha kala duwan ee caymiska.

Hadaba Waxaa dhamaan gaadiidlayda kala duwan la ogaysiinayaa :

👉🏽in laga bilaabo bari oo ah jimce kuna beegan 26 bisha Sane 2018 T.I ilaa 3 -da Bisha Hamle 2018 T.I ay bilabaan qadashada Warqadda Xaqiijinta Tayada Gaadiidka (Boolada) & Caymiska Gaadiidka ee Khataraha ka Imaan Kara Dhinaca Saddexaad , iyagoo maraya goobaha gaarka loo leeyahay ee lagu baadho tayada Gaadiidka iyo shirkadaha caymiska.

👉🏽Laga bilaabo 4 -da Bisha Hamle 2018 T.I Waxaa bilaabmi doona ganaaxa sharciyeed ee ku waajibay gaadiidka aan qaadan boolada iyo Caymiska.

Waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka dadwaynaha ee Xafiiska.

Sane 22/2018, Qiimaynta warbixinta waxqabadka SM 2018 ka ayaa saaka ka qabsoontay madasha kulamada ee xafiiska wisiirka ...
29/06/2026

Sane 22/2018, Qiimaynta warbixinta waxqabadka SM 2018 ka ayaa saaka ka qabsoontay madasha kulamada ee xafiiska wisiirka xafiiska mudane Abdulhakim Sheik Hassen ayaa kulanka
shirgudoominayay.

Qiimaynta warbixinta waxqabadka 12 ka bilood ee sannad miisaaniyeedka 2018 t.i ee xafiiska ayaa si habsamile u qabsoontay.

Qiimayntan ayaa ah mid lagu dul istaagayo wixii ugu qabsoomay qorshayaasha u degsanaa xafiiska ee sannadkan, wixii aan qabsoomin iyo sababaha jira ee ay u qabsoomi waayeen.

Masuuliyiinta Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS, ayaa mid mid udul istaagay warbixinta waxqabadka 12kii bilood ee lasoo dhaafay.

Address

Kaali, Jijiga
Jijiga
208

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:30
Tuesday 08:00 - 17:30
Wednesday 08:00 - 17:30
Thursday 08:00 - 17:30
Friday 08:00 - 17:30

Telephone

+251915763576

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share