Geesey

Geesey XABIIBKEENA SUUBANAA EE NABI MAXAMED NNKH (SCW SCW SCW)
Masoomarin ruux kafadli badan

17/08/2026
Waxaa si rasmi ah loo bilaabay taarikada cusub ee heer dal lagu mideyay Faa’iidooyinka taarikada cusub  waxaa ka mid ah👉...
17/06/2026

Waxaa si rasmi ah loo bilaabay taarikada cusub ee heer dal lagu mideyay

Faa’iidooyinka taarikada cusub waxaa ka mid ah

👉 Gaari kasta oo la diiwaangeliyo wuxuu yeelanayaa lambar iyo xarfo aqoonsi oo u gaar ah, iyo sidoo kale sticker gaar ah.

👉 Taarikadu waxay yeelanaysaa cabbir, naqshad iyo heerar waafaqsan heshiisyada caalamiga ah, iyadoo lagu dari doono summadda dalka Itoobiya ee “ETH” ee lagu aqoonsado heshiiska Vienna.

👉 Waxay suurtagelinaysaa in dib loo xaqiijiyo sharciyadda diiwaangelintii iyo dukumentiyadii h**e ee gaadiidka, kadibna dib loo diiwaangeliyo si nidaamsan.

👉 Taarikadu waxay ka samaysnaanaysaa qalab si cad looga arki karo xaalado iftiin oo kala duwan, iyadoo leh astaamo ka tarjumaya iftiinka.

👉 Waxaa lagu qorayaa qaab si fudud ay u akhrisan karaan bulshada iyo hay’adaha amniga.

👉 Waxaa lagu dari doonaa astaamo amni sida hologram, calaamadda biyaha (watermark) iyo qoraal yar-yar (microtext) si looga hortago been-abuurka iyo wax-is-dabamarinta.

👉 Waxay la jaanqaadaysaa nidaamyada dijitaalka ah iyadoo adeegsanaysa Barcode, QR Code iyo RFID chips, taas oo fududaynaysa kaydinta xogta iyo la socodka gaadiidka.

👉 Waxaa laga samaynayaa qalab adkaysi u leh cimilooyinka adag iyo isticmaalka muddada dheer.

👉 Tayadeedu way sarreysaa iyadoo kharashka la dhimayo.

👉 Gaadhigu wuxuu yeelanayaa hal taariko iyo sticker lagu dhejiyo muraayadda h**e (windshield) inta uu diiwaangashan yahay ilaa laga saaro adeegga.

👉 Isbeddelkan cusub wuxuu gacan ka geysanayaa:

* Ka hortagga taarikooyinka isku ekaada.
* Joojinta taarikooyinka sharci-darrada ah.
* Yaraynta dambiyada la xiriira gaadiidka.
* Ka hortagga xatooyada gaadiidka.
* Xoojinta amniga iyo dabagalka gaadiidka iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyad casri ah.

nidaamkan cusub wuxuu door weyn ka qaadanayaa hagaajinta amniga, maamulka iyo dabagalka gaadiidka dalka.

Degaanka somalida gaadiidka taarikada ka qaatay waxay gaadhayaan ilaa 40k dhamaantood iyo kuwa cusub waxaa lasin doonaa sanadka 2019 insha Allah.

Waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka dadwaynaha ee Xafiiska.

Address

Dollo Addo, Jigjiga
Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Geesey posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share