03/09/2026
Madaxwayne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa magaalada Dhanaan ka dhagax-dhigay Cusbitaalkadarajada koobaad ah ee Dhanaan (Dhanaan Primary Hospital).
Cusbitaalkan cusub ayaa marka la dhamaystiro loogu talagalay inuu adeeg caafimaad oo tayo leh u fidiyo bulsho gaadhaysa 100 kun oo ruux, isaga oo wax weyn ka tari doona baahida adeegyada caafimaadka ee magaalada Dhanaan iyo deegaannada ku xeeran.
Mashruucani wuxuu qayb ka yahay dadaallada Xukuumadda Deegaanka ee lagu ballaadhinayo kaabayaasha caafimaadka.
Madaxwayne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa tilmaamay in hirgelinta mashaariicda noocan ahi aanay ku koobnayn dhisme oo kali ah balse sidookale sidookale markasta Xukuumaddu xaqiijiso dhamaystirka waqtigii loogu talagalay, iyada tayadoona
Dhagax-dhigga Cusbitaalka Dhanaan ayaa qayb ka ah socdaalka shaqo ee Madaxwayne Ku-xigeenka iyo waftigiisu ku marayaan Gobollada Shabeelle iyo Qoraxay, kaas oo diiradda lagu saarayo qiimaynta hirgelinta hindisayaasha horumarineed ee Xisbiga Barwaaqo.
Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo
👇
https://linktr.ee/Warfaafinta
Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Somalida