20/08/2026
Kulanka Wadatashiga iyo U Diyaargarowga Qorshaha Sanadka 2019 iyo Dhammaystirka Qorsheyaasha Horumarka ayaa ka furmay madasha shirarka ee Xafiiska kuwas oo kala ah
1-Diyaarinta Qorshe-hawleedka S.M. 2019
Diyaarinta qorshe-hawleedka sanadka 2019 S.M. oo ku beegan sannadka koowaad ee muddada doorashada 7aad. Qorshahan ayaa saldhig muhiim ah u noqonaya hirgelinta qorshaha iyo barnaamijka horumarineed ee shanta sano ee soo socda, iyadoo la waafajinayo mudnaanta, baahiyaha iyo himilooyinka horumarineed ee Deegaanka.
2-Dhammaystirka Qorshaha Horumarinta iyo Maalgelinta Deegaanka Soomaalida (2018–2022 S.M.)
Dhammaystirka iyo sixidda Qorshaha Horumarinta iyo Maalgelinta Deegaanka iyadoo la hubinayo in qorshuhu si cad uga tarjumayo mudnaanta horumarineed, baahiyaha bulshada, fursadaha maalgelinta iyo yoolalka istiraatiijiyadeed ee deegaanka.
3-Dhammaystirka Regional Strategic Result Matrix (RSRM)
Dhammaystirka Regional Strategic Result Matrix (RSRM), oo lagu jaan-gooynayo laguna waafajinayo halbeegyada wax-qabadka muhiimka ah (Key Performance Indicators – KPIs). Taas oo fududaynaysa cabbiridda natiijooyinka, la socodka wax-qabadka iyo qiimaynta heerka fulinta qorshayaasha horumarineed.