29/08/2026
Warbixinta waxqabadka madasha haweeenka (Kokaska) ee xildhibaanadda golaha lixaad ayaa ka qabsoontay madasha kulamada ee hotel Lotus.
Kulankan oo ay soo agaasintay hay’adda Cosmo Dev ayaa lagusoo bandhigay waxqabadka 4-tii sano ee lasoo dhaafay ee madasha haweenka, iyadoona intii uu socday la qabtay dood cilmiyeed ku saabsan caqabadaha haweenka ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshada.
Gudoomiyaha madasha haweenka xildhibaanadda golaha lixaad (Kokaska), Marwo Aasiya C/laahi Ceelaabe oo shirgudoominaysay kulankan, ayaa faahfaafin ka bixisay qorsheyaasha madasha iyo waxyaabaha u qabsoomay, iyadoona xustey in madashu diirada saarto xoojinta doorka haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda iyo arrimaha bulshadda.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay casharradii laga bartay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha mustaqbalka, iyadoo la isla eegay tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo doorka iyo ka-qaybgalka haweenka ee horumarinta bulshada iyo go’aan-qaadashada.