23/09/2022
WAXAAN RAJAYNAYAY INUUNA HABEENKU DHAMAAN DOONIN🥰😭
Habeenku waa madow gudcur haddii indhaha faraha lagaa gelinayo aad arkayn waxba, saacadu waa abaaro 12 habeenimo, magaaladu waa ay kala seexatay, cidi dhex mari mayso, Nalalka oo dhami waa ay bakhtiisanyihiin, waxa aan soconaya aniga oo luudaya wadada ugu weyn magaalada, waxa aan day dayayaa halkii ballamtu ahayd, waan dayaysanahay oo halkii ballanta 3 goor ayaan dhaafay, Maqiiq anigoo ah baan laab fog kasoo jiireeyaa kolba.
Waxa iga danbaysa oo i daba socoto "Maari", goorahanba raadkayga ayay daba guraysay, se ani baddaa ma haayi, si kedisa ayaan u jaleecay dabadayda, mise waa "Maari" qofkan i daba socda ee dhoola cadeynaysa, Yaab! U qaadan waa, haddana naxdin ayaa mar isku kay gibil xiray, mar kale waa sii naxay oo waxa aan ogaaday in aan baar kasoo baxay, oo aan dhacdhacayo, hadalna aan karayn
Midabkeedu waxa uu iila eekaa midab aanan h**e u arag habeenka ka horow, wejigeeda farxad saa'ida ayaa ka muuqatay, way dhoola cadeynaysay intii aanay isoo gaadhin. Se hal mar bay dhoola cadeyntii daysay, markay aragtay saaxiibkeeday u socotay oo noloshan ku jira oo dhacdhacaya, dhalana gacanta midig ku haysta, gacanta bidixna sigaar sii dhacaya ku sita, oo is ilowsan marna afka gelinaya marna ka saaraya, sidii uu wax macaan ka nuugayo
Waxa ay hadal iigu bilowday waxa aan ku waydiiyay, sababta aad halkan u timid adiga oo aan socon karin.
Waanu soconay oo tallaabada h**e u boobsiinay, annoo su'aashaa iska dhago tiriya
Gurigeedii ayaanu gaadhnay, Balakoonka ayaanu cabaar ka yara daawanay quruxda magaalada, halkii aanu taagnayn ayaanu fadhiisanay anagoo isla maqan labadayaduba, ereyaduna waxa ay igu garaacaysay sidii ay yihiin hoobiyayaal, hoobiyayaalkaas oo aan kala joogsi lahayn, oo iska daba dhacaya, laakiin ani waan iska aamusnaa, hadal ma karayn, waxaanan mahadsanid ku leeyahay qaddarkan ila kulmiyay caawa xilligan iyada.
Waxa ay iiga sheekaynaysay koriinkeegii h**e, waxbarashadeedii, qoyskaaga iyo jacaylkaageena aan macquulka ahayn ee ay ii hayso, waxa ay iiga sheekaynaysay waaya-aragnimadeedii iyo waayahaadii h**e, waxa ay iiga sheekaynaysay xasuustii ay ku lahayd xaafaddii h**e iyo xiisihii ay u haysay saaxiibadeedi h**e, waxa ay haddana iiga sheekaysay wax kasta oo aan hadda anigu ahay, waxa aan u dhagaysanayay sidii in aan anigu ruuxdayda barasho ugu baahanahay, welija barashadaas oo ah mid aan u hammuun qabay in badanba,
Waa aan kacnay, isagoo wakhtigu orday xilli danbe ay tahayna, aniga oo kusii dhawaaqaya saaxiibadaydaay adigu waxa aad tahay riyadayda, aniguna waxaan ahay riyadaada...
NabadeeY!
Waan seexday, waxaan rajaynayay in habeenkani aanu dhammaan doonin.
✍️✍️✍️✍️✍️✍️❣️