25/08/2026
Kulan ku Saabsan Dardargelinta Dakhliga Maamulka Magaalada Jigjiga
Hoolka Shirarka Xafiiska Dakhliga ayaa lagu qabtay kulan looga hadlay dardargelinta iyo kor u qaadista dakhliga Maamulka Magaalada Jigjiga, iyadoo diiradda lagu saaray hirgelinta qorshaha dakhliga ee sannad-miisaaniyadeedka 2019 T.I.
Kulankan waxaa shir-guddoominayay Wasiirka Xafiiska Dakhliga, Mudane Muxiyadiin Cabdi Faarax, iyo Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska MadaxweynahaDDS, Mudane Cabdirisaaq Sayid. Kulanka ayaa waxaana kasoo qaybgalay masuuliyiinta iyo hawlwadeenada maamulka magaalada Jigjiga.
Intii uu kulanku socday, masuuliyiinta, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wacyigelinta iyo fahamka canshuur-bixiyayaasha, si ay si buuxda u fahmaan waajibaadkooda sharci iyo muhiimadda ay canshuuruhu u leeyihiin horumarka iyo adeegyada bulshada.
Wasiirka xafiiska dakhliga Mudane Muxiyadiin Cabdi Faarax waxa kale oo uu tilmaamay in ay muhiim tahay in si wadajir ah loo dardargeliyo hawlaha dakhliga, lana qaado tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo in la gaadho qorshaha dakhli ee loo dejiyay MMJ SM2019 T.I.
Ugu dambayntii, kulanka ayaa la Isla qaatay in la xoojiyo wada-shaqaynta hay’adaha ay khusayso, korna loo qaado wacyiga canshuur-bixiyayaasha, lana dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo kobaca dakhliga iyo gaadhista yoolalka la qorsheeyay.