20/08/2026
Kulanka gudiga maaraynta Xafiiska Biyaha DDS.
Waxaa maanta madasha shirarka ee Xafiiska ka qabsoomay kulanka Joogtada ah ee gudiga Maaraynta Xafiiska Biyaha kaas oo uu shir-guddoominayey Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS Mudane Eng. Axmed Miraad Layli.
Kulankan ayaa looga hadlayey dibu-eegista shaqooyinka u qabsoomay xafiiska, meelmarinta go'aamadii lagu falanqeeyey kulankii kan ka h**eeyay iyo soo jeedinta qorshe hawlleedka shaqooyinka rubucle ee sanad miisaaniyadeedka 2019.T.I.
Soo jeedinta qorshe hawleedka waaxaha oo ahaa qodobka ugu muhiimsan ayaa diirada lagu saaray shaqooyinka hortabinta leh iyo nidaaminta qorshe shaqeedka rubucan laga rabo waaxwalba si loogula xisaabtamo dhamaadka rubuca waxa qabsoomay, loona ogaado galdaloolooyinka iyo dheelitirka meelaha gaabisku ka jiro.
Eng. Axmed Miraad Layli, wasiirka Xafiiska Biyaha ayaa gunaanadkii kulanka usoo jeediyey waaxaha Xafiiska in sanadkan cusub looga baahan yahay muujinta dedaal iyo dardarxoogan, isla markaana lagu dedaalo sidii qorshahan la dejiyey 100% loogu fulin lahaa, dhanka kale in baahida biyo ee bulshada deegaanka loo bandhigo cidkasta oo ay khusayso si looga gaadhsiiyo adeegyada biyaha inta aan wali helin adeega biyaha nadiifta ah iyo xoojinta wada shaqaynta bah-wadaagta biyaha deegaanka iyo Wasaarada Biyaha iyo Tamarta JDFI.