Somali Engineering Corporation

Somali Engineering Corporation Engineering consultancy for study, design, supervision, laboratory testing and professional training.

8 ๐™Ž๐™–๐™ฃ๐™ค ๐™ค๐™ค ๐™„๐™จ๐™—๐™š๐™™๐™™๐™š๐™ก, ๐™ƒ๐™ค๐™ง๐™ช๐™ข๐™–๐™ง ๐™ž๐™ฎ๐™ค ๐˜ฟ๐™๐™ž๐™จ๐™ข๐™ค ๐™–๐™Mahad oo dhan waxaa iska leh ๐€๐ฅ๐ฅ๐ž ๐’๐–๐“, oo inoo suurtageliyey nabadda, horumarka...
22/08/2026

8 ๐™Ž๐™–๐™ฃ๐™ค ๐™ค๐™ค ๐™„๐™จ๐™—๐™š๐™™๐™™๐™š๐™ก, ๐™ƒ๐™ค๐™ง๐™ช๐™ข๐™–๐™ง ๐™ž๐™ฎ๐™ค ๐˜ฟ๐™๐™ž๐™จ๐™ข๐™ค ๐™–๐™

Mahad oo dhan waxaa iska leh ๐€๐ฅ๐ฅ๐ž ๐’๐–๐“, oo inoo suurtageliyey nabadda, horumarka iyo fursadaha maanta jira. 8 sano ka hor maanta, Deegaankeennu wuxuu galay marxalad cusub oo taariikhi ah - marxalad ay shacabka Soomaaliyeed ee Deegaanku u jeesteen nabad, xasillooni, ismaqal, horumar iyo dhismaha mustaqbal ka wanaagsan.

Amaan waxaa mudan shacabka Soomaaliyeed ee Deegaanka, Hogaaminta, hayโ€™adaha dowladda, madaxda dhaqanka, culumaaโ€™udiinka, xirfadlayaasha iyo dhammaan intii ka qayb qaadatay natiijooyinka la gaadhay.

Dhanka horumarka, waxaa si weyn loo maalgeliyey laguna hirgeliyey mashaariic wax ka beddelay nolosha bulshadaโ€”jidad, biyo, caafimaad, waxbarasho, koronto, isgaadhsiin, horumarinta magaalooyinka, waraabka iyo kaabayaasha kale ee muhiimka u ah koboca dhaqaalaha iyo isku xidhka bulshada.

Anaga oo ah ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—œ๐—ป๐—ท๐—ถ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐——๐—ฆ, waxaan ku faanaynaa in aqoonta injineernimada, daraasadaha, naqshadaynta, kormeerka iyo maaraynta mashaariicdu ay qayb ka noqdeen safarkan horumarineed. Shaqadeennu ma aha oo keliya dhisme; waa in aan abuurno kaabayaal waara oo jiilasha maanta iyo kuwa berri anfaca.
Waxaan rumaysanahay in horumarku u baahan yahay saddex arrimood: aragti fog, shaqo adag iyo isla-xisaabtan. Sidaas awgeed, ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข ๐„๐ง๐ ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ซ๐ข๐ง๐  ๐‚๐จ๐ซ๐ฉ๐จ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง (๐’๐„๐‚), waxay sii wadi doontaa in ay noqoto hayโ€™ad injineernimo oo lagu kalsoonaan karo, aqoonteeda iyo khibraddeedana u adeegta horumarinta Deegaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

8 ๐’”๐’‚๐’๐’ ๐’˜๐’‚๐’‚ ๐’ƒ๐’Š๐’๐’๐’˜, ๐’†๐’† ๐’Ž๐’‚ ๐’‚๐’‰๐’‚ ๐’…๐’‰๐’‚๐’Ž๐’Ž๐’‚๐’‚๐’…. ๐‘ฉ๐’‚๐’๐’๐’‚๐’๐’•๐’†๐’†๐’๐’– ๐’˜๐’‚๐’‚ ๐’”๐’‰๐’‚๐’’๐’, ๐’•๐’‚๐’š๐’ ๐’Š๐’š๐’ ๐’๐’‚๐’•๐’Š๐’Š๐’‹๐’. ๐‘ฑ๐’‚๐’‚๐’๐’๐’† ๐’…๐’‰๐’๐’๐’ƒ๐’‚๐’…๐’‚, ๐’‚๐’๐’๐’‚ ๐’…๐’‰๐’‚๐’ˆ๐’‚๐’™๐’‚ - ๐’…๐’‰๐’Š๐’”๐’Ž๐’ ๐’˜๐’†๐’†๐’š๐’†! 8 ๐‘บ๐’‚๐’๐’ ๐’๐’ ๐‘ฏ๐’๐’“๐’–๐’Ž๐’‚๐’“ ๐’‚๐’‰ - 8 ๐‘บ๐’‚๐’๐’ ๐’๐’ ๐‘ซ๐’‰๐’Š๐’”๐’Ž๐’ ๐’‚๐’‰ - ๐‘ด๐’–๐’”๐’•๐’‚๐’’๐’ƒ๐’‚๐’ ๐’‚๐’‚๐’ ๐‘พ๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ซ๐’‰๐’Š๐’”๐’†๐’š๐’๐’.

โ€ŽWaxaa si rasmi ah loo dhagax-dhigay Mashruuca Bakhaarka Keydka Raashinka ee Magaalada Shiniile (Warehouse), kaas oo qay...
13/08/2026

โ€ŽWaxaa si rasmi ah loo dhagax-dhigay Mashruuca Bakhaarka Keydka Raashinka ee Magaalada Shiniile (Warehouse), kaas oo qayb ka ah Barnaamijka Isku-filnaanshaha
โ€Ž
โ€ŽMareeyaha Corporation-ka Injineeriyada DDS Mudane Inj. Maxamed Mukhtar, Mareeye kuxigeenka Mudane Inj. Cabdisalan Dalmar iyo Madaxa Xafiiska Khataraha Masiibooyinka DDS Mudane. Ahmed yaasiin Ibraahim, Ku-Xigeenka Maareeyaha Corporation Dhismaha DDS, Mudane Inj. Abdifatah Haji Omer Aare oo ay weheliyaan masuuliyiin heer deegaan iyo heer gobol ayaa maanta si rasmiya u dhagax-dhigay Mashruuca Bakhaarka Keydka Raashinka ee Magaalada Shiniile (Warehouse), kaas oo qayb ka ah Barnaamijka Isku-filnaanshaha ee Gobalka Sitti.
โ€Ž
โ€ŽMashruucan oo ayku baxayso 134 Milyan oo Birr ayaa Waxaa laguso afmeeri doona mudo 8 Bilood gudahood ah.
โ€ŽBakhaarkan ayaa loogu talagalay inuu kaydiyo 50,000 oo kiintaal oo raashin ah, isagoo door muhiim ah ka qaadanaya xoojinta awoodda kaydinta raashinka iyo u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah.
โ€Ž
โ€ŽMashruucan ayaa qayb ka ah dedaalada Xukuumada deegaanku kaga jawaabayso baahiyaha u diyaar garoowga iyo ka jawaabista xaalada Degdega ah.
โ€Ž

โ€ŽGudiga Maaraynta Korboreeshinka Injineeriyada Dawladda Deegaanka Soomaalida. (Somali Enjineering Corporation) ayaa maan...
10/08/2026

โ€ŽGudiga Maaraynta Korboreeshinka Injineeriyada Dawladda Deegaanka Soomaalida. (Somali Enjineering Corporation) ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ee todobaadlaha, Kaas oo uu shirgudoominayey Maareeyaha Korboreeshinka Injineeriyada DDS. Mudane Inj. Maxamed Mukhtar.
โ€Ž
โ€Žkulankan ayaa diiradda lagu saaray soo jeedinta
Warbixinta rubuca lagu jiro iyo qiimaynta wakhtiga 'transition" ka ee loogu wareegayo corporationka.
Xoojinta iyo Dar-dar galinta Mashaariicda Korboreeshinka Injineeriyada DDS ay gacanta ku hayso.
-โ€ŽKor u qaadida hababka Shaqo abuurka Korboreeshinka DDS.
โ€Ž
โ€ŽIntii uu kulanku socday, xubnaha guddigu waxay si qoto dheer uga doodeen una lafa-gureen iyagoo isweydaarsaday aragtiyo iyo talooyin lagu horumarinayo faaidooyinka Somali Engineering Corporation.
โ€Ž
โ€ŽKulanka ayaa ku soo dhammaaday dadaal ku saabsan sii ambaqaadidda geeddi-socodka Somali Engineering Corporation (SEC).

05/08/2026

Maamulka Mashruuca Dalxiiska Shabeelley, Corporation-ka Injineeriyada DDS iyo Corporation-ka Dhismaha DDS, ayaa warbaahinta waraysi faahfaahsan ka siiyey faaidada uu leeyahay dhismaha biyo xidheen laga hirgalinayo Mashruuca Dalxiiska Shabeelley.

โ€Ž๐Ÿ’งKormeerka Mashruuca Biyogalinta Magaalada Mooyaale ee Gobolka Daawa.โ€Žโ€ŽMasuuliyiin heer deegaan ah, Maamulka gobolka Da...
05/08/2026

โ€Ž๐Ÿ’งKormeerka Mashruuca Biyogalinta Magaalada Mooyaale ee Gobolka Daawa.
โ€Ž
โ€ŽMasuuliyiin heer deegaan ah, Maamulka gobolka Daawa iyo kuwa degmada Mooyaale ayaa soo kormeeray mashruuca biyogalinta magaalada Mooyaale oo maraya heerkii tijaabada.
โ€Ž
โ€ŽSocdaalkan oo ay hogaaminayeen Maareeye kuxigeenka Corporation ka Injineeriyada DDS. Marwo Inj. Xanaan Cabdo Maxamed iyo Wasiir kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Waraabka DDS Mudane Eng. Abubakar Daakir, Masuuliyiinta gobolka iyo maamulka degmada Mooyaale ayaa si wadajir ah kormeer dhinacyo badan leh ugu kurgalay mashruuca biyogalinta magaalada Mooyaale oo maraya heerkii tijaabada.
โ€Ž
โ€ŽMasuuliyiintan ayaana si guud hubin ugu sameeyay dhamaan qaab-shaqeedka mashruucan

โ€ŽMaamulka Mashruuca Dalxiiska Shabeelley, Corporationka Injineeriyada DDS iyo Corporation ka Dhismaha DDS. ayaa kala sex...
05/08/2026

โ€ŽMaamulka Mashruuca Dalxiiska Shabeelley, Corporationka Injineeriyada DDS iyo Corporation ka Dhismaha DDS. ayaa kala sexeexday heshiis ku saabsan dhismaha biyo-xidheen laga hirgalinayo Mashruuca Dalxiiska Shabeelley.
โ€Ž
โ€ŽMunaasabada Sexeexa Heshiiska Dhismaha Biyo-xidheenka Xarunta Dalxiiska Shabeelley ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS Mudane Axmed Shugri Cabdi, Maareeyaha Corporation ka Injineeriyada DDS Inj Maxamed Mukhtar iyo Masuuliyiinta Corporation ka Dhismaha DDS.
โ€Ž
โ€ŽMashruuca Dhismaha Biyo-xidheenka Xarunta Dalxiiska Shabeelley oo ay ku baxayso adduun lacageed oo dhan 257.8 milyan oo Birr ayaa door wayn ka qaadan doona quruxda, bilicda iyo soo jiidashada dalxiisayaasha imaanaya Xarunta Dalxiiska Shabeelley.
โ€Ž
โ€ŽWasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS Mudane Axmed Shugri Cabdi, Maareeyaha Corporation ka Injineeriyada DDS Eng. Maxamed Mukhtar iyo Maareeye Kuxigeenka Shirkada Dhismaha DDS Eng. Fu'aad Xasan oo heshiiska kadib warbaahinta Deegaanka la hadlay ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mid ahmiyad wayn u leh soo jiidashada dalxiisayaasha imaanaya Xarunta Dalxiiska, islamarkaana mashruucan muddo gaaban lagu soo gabo'gabayn doono.
โ€Ž

๐ŸŒฟโ€ŽMas'uuliyiinta, Hawl-wadeenada Shirkada Injineeriyada DDS iyo Maamulka Moyale oo Ka Qayb Qaatay Ololaha Dhir-beerista ...
04/08/2026

๐ŸŒฟโ€ŽMas'uuliyiinta, Hawl-wadeenada Shirkada Injineeriyada DDS iyo Maamulka Moyale oo Ka Qayb Qaatay Ololaha Dhir-beerista ee Deegaanka.

โ€ŽMas'uuliyiinta iyo hawl-wadeenada Shirkada Injineeriyada DDS ayaa maanta ka qayb qaatay ololaha ballaadhan ee dhir-beerista, iyagoo geedo ku beeray magaalada Moyale, kuna sugnaa Site-ka Biyo galinta Moyale oo shaqadiisu gabogabo marayso.
โ€Ž
โ€ŽDhir-beeristan waxaa hoggaaminayay Maareeye ku xigeenka Shirkadda Marwo Inj. Xanan Cabdo, Marwada ayaa si wadajir ah ula beertay geedasha engineerada xafiiska iyo Maamulka Mooyaale iyagoo muujiyay sida ay uga go'an tahay ilaalinta deegaanka iyo kordhinta dhirta cagaaran.
โ€Ž
โ€ŽOlolahan ayaa qayb ka ah qorshaha guud ee Dalka iyo Deegaanka Soomaalida, kaas oo laga hirgeliyey guud ahaan deegaanka, laguna beerayo 2.85 milyan oo geedo kala duwan ah, si loo xoojiyo ilaalinta deegaanka, loo yareeyo saamaynta isbeddelka cimilada, loona abuuro deegaan cagaaran oo waara.

Waxaa si rasmi ah loo dhagax-dhigay Mashruuca Bakhaarka Keydka Raashinka ee Magaalada Wardheer (Warehouse), kaas oo qayb...
03/08/2026

Waxaa si rasmi ah loo dhagax-dhigay Mashruuca Bakhaarka Keydka Raashinka ee Magaalada Wardheer (Warehouse), kaas oo qayb ka ah Barnaamijka Isku-filnaanshaha.
โ€Ž
โ€ŽBakhaarkan ayaa loogu talagalay inuu kaydiyo 50,000 oo kiintaal oo raashin ah, isagoo door muhiim ah ka qaadanaya xoojinta awoodda kaydinta raashinka iyo u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah.
โ€ŽMashruucan ayaa ku kacaya kharash dhan 114 milyan oo Birr, waxaana la qorsheeyey in lagu dhammaystiro muddo 8 bilood gudahood ah.
โ€Ž
โ€ŽDabagalka iyo Ilaalinta taya mashruucan waxaa fulinaysa Shirkadda Injineeriyada DDS.
โ€ŽMulkiilaha mashruucu wa Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka. halka fulintiisana ay gacanta ku hayso Shirkadda Dhismaha DDS.
โ€Ž
โ€ŽMunaasabadda dhagax-dhigga waxaa si wadajir ah u sameeyey Maareeye kuxigeenka Shirkada Injineeriyada DDS Inj. Cabdisalan Dalmar, Maareeye Ku-xigeenka Shirkadda Dhismaha DDS, Inj. Cabdifataax Cumar Aare, iyo Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka, Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi.
โ€Ž

๐ŸŒฟโ€ŽMas'uuliyiinta iyo Shaqaalaha Shirkada Injineeriyada DDS oo Ka Qayb Qaatay Ololaha Dhir-beerista ee Deegaankaโ€Žโ€ŽMas'uul...
03/08/2026

๐ŸŒฟโ€ŽMas'uuliyiinta iyo Shaqaalaha Shirkada Injineeriyada DDS oo Ka Qayb Qaatay Ololaha Dhir-beerista ee Deegaanka
โ€Ž
โ€ŽMas'uuliyiinta iyo shaqaalaha Shirkada Injineeriyada DDS ayaa maanta ka qayb qaatay ololaha ballaadhan ee dhir-beerista, iyagoo geedo ku beeray Buundada Jidka 30 ee waddada Sheekh Cabdisalaan ee magaalada Jigjiga.
โ€Ž
โ€ŽDhir-beeristan waxaa hoggaaminayay Maareeyaha Shirkadda Mudane Inj. Maxamed Mukhtar, isagoo si wadajir ah ula beeray geedaha shaqaalaha xafiiska, iyagoo muujiyay sida ay uga go'an tahay ilaalinta deegaanka iyo kordhinta dhirta cagaaran.
โ€Ž
โ€ŽOlolahan ayaa qayb ka ah qorshaha guud ee Dowladda Deegaanka Soomaalida, kaas oo maanta laga hirgeliyay guud ahaan deegaanka, laguna beerayo 2.85 milyan oo geedo kala duwan ah, si loo xoojiyo ilaalinta deegaanka, loo yareeyo saamaynta isbeddelka cimilada, loona abuuro deegaan cagaaran oo waara.

Address

Jigjiga
Jijiga

Opening Hours

Monday 08:30 - 12:00
14:30 - 17:00
Tuesday 08:30 - 12:30
14:30 - 17:00
Wednesday 08:30 - 12:00
14:30 - 17:00
Thursday 08:30 - 12:00
14:30 - 17:00
Friday 08:30 - 11:30
14:30 - 17:00

Telephone

+251257752422

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Engineering Corporation posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somali Engineering Corporation:

Shortcuts

Share