21/08/2026
Ololaha Sixitaanka Looxadaha ee magaalada Godly.
Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS ayaa magaalada Godey ka qabtay ololaha sixitaanka qaab-qoraalka looxadaha/ boodhadhka ku dhajisan iridda h**e ee meheradaha ganacsiyada.
Ololahan oo markii sadexaad xafiisku ka wado magaalada Godey ayay ujeeddadiisu tahay horumarinta iyo ilaalinta Af-Soomaaliga, iyadoo ganacsatada lagu dhiirrigelinayo inay looxadahooda ku isticmaalaan Af-Soomaali sax ah, eray-bixin ku habboon adeegga ay bixiyaan, isla markaana ka tarjumaysa afka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.
Madasha waxaa ka hadlay Duqa magaalada Godey, Mudane Cabdullaahi Cali Xaaji, iyo Agaasimaha Waaxda Horumarinta Afka, Taariikhda iyo Suugaanta ee Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS, Mudane C. Shakuur Aadan, kuwaas oo ganacsatada iyo bulshada ugu baaqay inay si wadajir ah u ilaashadaan, u horumariyaan, una adeegsadaan Af-Soomaaliga.
Ganacsatada waxaa la faray inay muddo bil gudaheed ah ku saxaan looxadahooda, iyadoo tallaabo sharci ah laga qaadi doono meheradaha aan fulin mudada sixitaanka ee loo qabtay
Afkeennu waa aqoonsigeenna-ilaalintiisuna waa masuuliyad inawada saaran.