Xafiiska Maamulka Degmada Araarso Ee Gobolka Jarar

Xafiiska Maamulka Degmada Araarso Ee Gobolka Jarar DEGMADA ARAARSO WAXAY KAMID TAHAY 11DEGMO EE GOBOLKA JARAR
WAXAY KAKOOBAN TAHAY 20 QABALEE

KORMEERKA, TAAKULAYNTA IYO DARDARGELINTA SHAQOOYINKA XISBIGAMaanta waxaa kormeer, dabagal iyo taakulayn noogu yimid Wasi...
27/08/2026

KORMEERKA, TAAKULAYNTA IYO DARDARGELINTA SHAQOOYINKA XISBIGA

Maanta waxaa kormeer, dabagal iyo taakulayn noogu yimid Wasiir-kuxigeenka xafiiska Dakhliga DDS iyo Gudoomiyaha Gobolka jarar

Kormeerkan oo ay ujeedadiisu ahayd fulinta qorshayaasha shaqooyinkii xisbiga ◇Dardargalinta dakhliga
◇Dardargelinta Qaadashada Aqoonsiga Qaranka
◇Xoojinta shaqada diiwaangelinta iyo qaadashada Aqoonsiga Qaranka.
◇Ka-bixitaanka Ku-tiirsanaanta
Xoojinta isku-filnaanshaha bulshada iyo degmada.
Dardargelinta wax-soo-saarka iyo ka faa’iidaysiga khayraadka deegaanka.
◇Hawlaha tabarucaadka bilaha xagaaga
◇Diyaargarowga Furitaanka Dugsiyada
Hubinta in dugsiyada loo diyaariyey furitaanka sannad-dugsiyeedka cusub.
◇Diyaarinta macallimiinta, ardayda, agabka waxbarashada iyo adeegyada lagama maarmaanka ah.
◇Dardargelinta Shaqooyinka Dawladda Hoose
Xoojinta fulinta qorshayaasha iyo hawlaha dawladda hoose.
◇Kormeer, dabagal iyo taakulayn joogto ah oo lagu sameeyo shaqooyinka xafiisyada.
In la xaqiijiyo in hawlaha loo qorsheeyey wakhtigooda lagu fuliyo.

Kormeerkani wuxuu diirada saarayay dabagalka, taakulaynta iyo dardargelinta shaqooyinka, si loo xoojiyo adeegyada bulshada, loona kordhiyo dakhliga, loona xaqiijiyo in qorshayaasha horumarineed ee degmada si hufan loo fuliyo.

OGAYSIIS.    OGAYSIISDhamaan Ardayda fasalka 12-aad ee galay imtixaanka qaranka SD 2018 T.I , waxaa lagu wargelinayaa in...
23/08/2026

OGAYSIIS. OGAYSIIS

Dhamaan Ardayda fasalka 12-aad ee galay imtixaanka qaranka SD 2018 T.I , waxaa lagu wargelinayaa in ay natiijadooda ka hubin karaan hababka rasmiga ah ee loo asteeyey.
Ardaydu waxay natiijada ka eegan karaan bogagga internetka Linkiyadan kala ah:

🌐 https://result.eaes.et
🌐 https://result.neaea.gov.et

Sidoo kale, natiijada waxaa laga hubin karaa adeega fariinta gaaban ee SMS-ka iyadoo fariin loo dirayo lambarka gaaban ee 6284.

F.G; sida ay wasaarada Waxbarashada ee dalku sheegeen, natiijada ardayda waxaa lasii dayndoonaa maalinta Isniinta ama Salaasada insha allah.

Ogaysiis Waxaa la ogaysiinayaa bulshada ku dhaqan maamulka magaalada iyo gobolka jarar iyo nawaaxigeeda inay ka faa'iida...
23/08/2026

Ogaysiis

Waxaa la ogaysiinayaa bulshada ku dhaqan maamulka magaalada iyo gobolka jarar iyo nawaaxigeeda inay ka faa'iidaystaan ololaha qaliinka indhaha, diwaangelintu way socotaa halaga faa'iidaysto. Kala xidhiidh 0932419486

Dhismaha Dugsiga Barbaarinta Carruurta (KG) ee Degmada Araarso ayaa dhismihiisu meel wanaagsan marayaa, iyadoo shaqada d...
20/08/2026

Dhismaha Dugsiga Barbaarinta Carruurta (KG) ee Degmada Araarso ayaa dhismihiisu meel wanaagsan marayaa, iyadoo shaqada dhismuhu si habsami leh u socoto.

Mashruucani wuxuu muhiim u yahay horumarinta waxbarashada carruurta yaryar, wuxuuna abuuri doonaa jawi waxbarasho oo tayadiisu sarayso, kuna haboon barbaarinta iyo kobcinta carruurta.

Dhismaha Mashruucan waxaan rajaynaynaa in uu dhawaan noqdo dugsi tayo leh oo ay ka faa’iidaystaan caruurta Degmada Araarso.

“Maanta waxaan dhiseynaa fasalada;
Beri waxaan dhiseynaa mustaqbalka carruurteena.”

17/08/2026

Ogeysiis ku saabsan koronto la’aanta ⚡

Dhamaan macaamiisha ku xiran khadka qaybta higlalay gaar ahaan:
👉 Higlalay– Araarso – Kebribeyah
👉 Higlalay – Yoocaale – Awaare
Waxaa la ogeysiinayaa in khadka korontada la jaray sababo la xiriira load shedding (yareynta/maareynta culayska korontada).
Fadlan samir iyo dulqaad muujiya inta ay socoto load shedding-ka, korontaduna dib ugu soo laabanayso.

Mahadsanidiin.
Laanta laydhka dhagaxbuur

17/08/2026
Mashruuca Dhismaha Health Center-ka Magaalocad(Isku-Tashi bulsho)Mashruucii lagu dhisayey iskutashiga bulshada ee Qabala...
16/08/2026

Mashruuca Dhismaha Health Center-ka Magaalocad(Isku-Tashi bulsho)

Mashruucii lagu dhisayey iskutashiga bulshada ee Qabalaha Magaalocad ee ahaa Dhismaha Health Center-ka Magaalocad, ayaa maraya meel wanaagsan, iyadoo dhismaha mashruucu si habsami leh u socdo.
Mashruucan oo lagu dhisayo iskutashi bulsho ayaa wuxuu muujinayaa sida ay bulshada qabalaha magaalocad uga go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka.

Waxaa la filayaa in marka uu dhamaystirmo mashruucani bulshada Magaalocad iyo nawaaxigeeda uu siin doono adeeg caafimaad oo tayo leh.

Iskutashiga bulshada waa furaha horumarka iyo isku-filnaanshaha.

Mahadcelin Qurbojoogta Degmada AraarsoDhaam-biyoodka Qabale Hoosaadka Sheedh DheerQurbojoogta ka soo jeeda degmada Araar...
16/08/2026

Mahadcelin Qurbojoogta Degmada Araarso

Dhaam-biyoodka Qabale Hoosaadka Sheedh Dheer

Qurbojoogta ka soo jeeda degmada Araarso ayaa kaalin muuqata ka qaatay horumarinta adeegyada bulshada, iyagoo dhaam-biyood ka qoday Qabale Hoosaadka Sheedh Dheer. Dhaamkan ayaa muhiim u ah bulshada iyo xoolaha deegaanka, gaar ahaan xiliyada ay yaraadaan ilaha biyuhu.

Talaabadan waxay muujinaysaa isku-xirka qurbojoogta iyo bulshada deegaanka, waxaana lagu bogaadinayaa qurbojoogta degmada Araarso sida ay uga qaybqaadanayaan horumarinta iyo wax ka qabashada baahiyaha bulshada.

“Biyuhu waa nolosha bulshada"
"Horumarku wuxuu ka bilaabmaa isku-tashi.”

Kormeerka, Taakulaynta iyo Dabagalka Shaqooyinka Hindisayaasha XisbigaKoox ka socotay Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Laant...
15/08/2026

Kormeerka, Taakulaynta iyo Dabagalka Shaqooyinka Hindisayaasha Xisbiga

Koox ka socotay Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Laanta DDS, oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Madaxa Arrimaha Siyaasada ee Xisbiga Barwaaqo Laanta DDS, Mudane Siyaad, isla markaana qayb ka ahayd kooxihii loo xil-saaray kormeerka, dabagalka iyo taakulaynta shaqooyinka xisbiga, ayaa kormeer ku sameeyay barnaamijyada iyo hindisayaasha Xisbiga Barwaaqo ee laga hirgeliyay Degmada Araarso.
Kormeerkan ayaa lagu qiimeeyay habka ay u socdaan barnaamijyada iyo hindisayaasha Xisbiga Barwaaqo ee degmada laga hirgeliyay, kuwaas oo diiradda saaraya horumarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta hawlaha horumarineed.

Ujeeddada kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Xisbiga Barwaaqo uu ku xoojinayo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee xukuumadda, dabagalka waxqabadka iyo taageeridda hawlaha socda, si loo xaqiijiyo gaarista yoolasha siyaasadeed iyo horumarineed ee Xisbiga.

Address

Araarso
Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Maamulka Degmada Araarso Ee Gobolka Jarar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share