17/01/2026
Bal ila qiyaas in waqtigu istaagay .. oo guuxa iyo sawaxanka nolosha oo dhammi ay aamuseen..
Aan qalbiyadeena u dhoofinno Madiina... Maalintii ugu tiiraanyada badnayd ee soo marta taariikhda dunida..
Muuqaalku ma ahan goob dagaal, mana ahan fagaare la camiray, ee waa qol yar gudihiis, oo ay hadheysay aamusnaan murugo xambaarsan
Halkaas, waxaa gogosha saaran Sayidkii Aadanaha,
Nabi Muxammad (SCW),
oo ku jira daqiiqadihiisii ugu dambeeyay ee adduunyada..
Jirkii sharafta badnaa ee xambaaray culayska dacwada saddex iyo labaatan sano,
ee u dulqaatay dhibkii gaalada iyo gaajadii go'doominta
ayaa hadda la tacaalaya sakaraatul mawdka..
Qolka bannaankiisa, waxaa fadhiyay Saxaabadii..
iyagoo ay hareeysay tiiraanyo aad u wayn, qalbiyadooduna la gariirayaan cabsi,
rumeysan la' in "Iftiinkii" noloshooda iftiimiyay uu hadda sii damayo..
Gudaha qolka .. Waxaa si aamusnaan ah u ilmaynaysa inantii Rasuulka, Faaduma (RC), iyadoo cod tiiraanyo leh ku leh: "Aabow.. Kurbada iyo sakaraadka ku haya cuslaa"
Isagoo xaaladaas ku jira, ayuu si hoose dhegteeda
ugu sheegay erayo sir ah, markaasay ooyday .. hadana mar kale ayuu wax u sheegay, markaasay qososhay.
Markii dambe oo arrintaas wax laga waydiiyayna, waxay tiri:"
"Marka h**e wuxuu ii sheegay inuu dhimanayo, waan ooyay .. Marka dambe wuxuu ii sheegay inaan ahay qofka ugu horreeya ehelkiisa ee ka daba iman doona, farxad darteed ayaana u qoslay."
Subxaanallaah Jacaylka ay u qabto ma aysan doonayn inay daqiiqadna ka maqnaato aragtidiisa..
Laakiin waxa layaabka leh ma ahayn xanuunka jireed ee hayay, ee waa waxa ku dhex jiray qalbigiisa sharafta badan xilli uu adduunyada macsalaameynayay..
Daqiiqadahaas adag ee sakaraadka, marka ay naftu dhuunta timaado, ee qof walba uu naftiisa kaliya u cararayo .. Nabigu (SCW) ma uusan dalban raaxo uu ku nasto, mana uusan ka tagin hanti iyo adduunyo toona..
ee wuxuu isugu geeyay awoodiisii hartay, wuxuuna kor u qaaday codkiisa oo daciif ah si uu nooga tago dardaarankii ugu dambeeyay, sida aabe naxariis badan oo u dardaarmaya carruurtiisa markii ugu dambeysay:
Salaadda... Salaadda .. iyo wixii ay gacmihiinnu hanteen."
Kadibna... waxaa dhacay wixii qalbiyada damqayay.
Daqiiqaddii ay ruuxdiisa daahirka ah u hilowday inay u hoyato Rafiiqul-Aclaa, Waxaa dibnihiisa sharafta leh ka soo baxay kalmad soo koobtay noloshiisa oo dhan:"
Ma uusan oran: “Naftayda”
mana uusan oran: “Ehelkayga”
ee wuxuu yiri cod jacayl iyo raxmad ka buuxdo:
"Ummaddayda.. Ummaddayda."
Bal ila qiyaas wll..
Inagoon goobtaas joogin,
Oo aanaan arag nuurka wejigiisa..
Haddana waxaan ku dhex jirnay
qalbigiisa xilligaas adag.
Wuu inoo damqanayay,
Wuxuuna inoo jeclaa si ka badan sida aan nafteena u jecelnahay..
Ugu dambayntii .. Jirkiisi daahirka ahaa wuu nastay,
Ruuxdiina waxay u hoyatay Rabbigeed..
Laakiin .. Jirkii uun baa naga qarsoomay, Balse xiisihii aan u qabnay ayaa qalbiyadeena ku haray..
Waana xiisahaas midka nagu kallifaya inaan qiranno xaqiiqada ah:
inaan gaabinay, oo tallaabadu nala simbiriirixatay marar badan .. Laakiin rajadeennu waa mid qura: Waa jacaylkii uu inoo qabay, iyo ducadiisii aan la celinayn.
Ilaahayow.. 🤲🤲🤲
sida aan u rumaynay asaga annagoo aan arag,
ha noo diidin inaan aragno Maalinta Qiyaamaha.
Naga dhig kuwa ka cabba gacantiisa sharafta leh,
cabitaan aan waligeed haraad ka dambayn..
si aan ugu niraahno markaas:
Ya Xabiiballaah .. waan kuu xiisnay.. ❤️🥰
Allow nabad iyo naxariis dushiisa ka yeel Nabi Muxammad ﷺ..
naguna kulmi isaga Jannada Naciimka, aniga, adiga, iyo dhammaan inta tiri: Aamiin..