03/06/2025
Arrinta Sayidka ee maalmahan dhax wareegaysay baraha bulshada, waxaad moodaa in dadka qaarkood ay si laab la kac ah u qalad ufahmeen in sayid meeshii h**e ee uu yaalay laga wareejiyo oo lageeyo goob cusub oo kuhaboon. Haddii ay noqoto in laqaado, waa arrin u baahan in diirada lasaaro sidii si nabad ah loo xallin lahaa isdiidooyinka siyaasadeed, amni iyo midda keenaysa isku dirka dadka
Waxaa jira shaqsiyaad aan iyagu wax talo ah kulahayn in laqaado sayidka, deegaanku waa Somali galbeed, waa nabad, dawlada ayaa gacanta kuhaysa dhamaan amniga deegaanka heer tuulo illaa heer maamul magaalo, cid qabiil maanta kufaanto majirto marka lajoogo gudaha DDS, qabiilna k**a shaqeeyo
Dowlada waxaa u banaan inay la timaado xal waara oo laga gaadho dhinacyo badan oo ay siyaasadu ugu h**eyso, Waxaa jira dadka kusoo dhuumanaya xaalada hadda taagan oo deegaanka ka abuuraya khal khal amni darro taasina tuurto gal marnaba ma'aha,
Haddii ay noqoto dhinaca quruxda iyo horumarka magaalada, qof diidan majiro in sayidka lageeyo goob dalxiiska kufiican oo indhaha dadka magalada yimaada soo jiidan kara, sababtoo ah goobtii h**e waxay ahayd waddo ay gaadiidku isticmaalan oo majirin in dhalinyarta iyo guud ahaanba dadka magaaladu ay halkaas aadaan mar marka ay ciidaha tahay umbaa layara tagi jiray
Xaaladan hadda taagani waxay muujinaysaa inay imaan karaan kooxo qas wadayaal ah oo gabaad kadhiganaya hebel baa sidaa yidhi iyo anigaa haya fikir fiicane hala i dhagaysto. War adeerayaal waxyaabo idinka waawayn ayaan faraha kula jirtaane kabaxa waxan aad shacabka ku akhrinaysaan
Mar labaad: deegaanka soomalida waxaa amnigiisa gacanta kuhaya ciidan awood badan oo aan qabiil kushaqaynin, waxay qaataan amarka kasoo baxa madaxdooda, mana dhagaystaan nin kasoo horjeeda horumarka iyo nabada ballaadhan ee deegaanku maanta haysto
#