25/08/2026
Ka Jawaabista Cabashooyinka Soo Noqnoqda ee Shacabka Gobolka Daawa
Waxaa laga jawaabay cabashooyin badan oo muddo soo noqnoqday, kuwaas oo ay bulshada Gobolka Daawa ka qabeen adeegyada aasaasiga ah.
Waxaa wax laga qabtay baahiyaha biyaha, gaar ahaan ceelasha Qabalaha 03 iyo ceelka riigga ee Qabalaha Ceel-Biin/Dibe, iyo sidoo kale baahida ballaarinta Xarunta Caafimaadka magaalada Hudhet.
Sidoo kale, waxaa laga jawaabay cabashadii bulshada ee la xiriirtay network la’aanta ee ka jirtay qabalayaasha iyo degmooyonka Hudhet, Mubaarak, Moyale iyo Qadadumo, iyadoo la dardargelinayo sidii bulshada loo gaarsiin lahaa adeeg isgaarsiineed oo wanaagsan.
Waxaan u mahadcelinaynaa Maamulka Deegaanka iyo Maamulka Gobolka Daawa, iyo dhammaan cid kasta oo ka shaqaynaysa ka jawaabista cabashooyinka shacabka iyo hirgelinta adeegyada horumarineed.
Cabashada shacabka in laga jawaabo waa masuuliyad, adeegga bulshada iyo horumarkuna waa waajib wadajir ah.