26/08/2025
Barnaamijka Isku-Filaanshaha / Ka-Bixida Ku-tiirsanaanta.
Waa Barnaamij siyaasadeed oo kamida hindisayaasha & hal-abuurada xisbiga Barwaaqo oo diirada saaraya kor uqaadida wax soosaarka gudaha si aan ugaadhno Isku filaansho bulso oo waara.
Hadaba iyada oo taa laga duulayo ka magaalo Qabridahare ahaan maxaa inala gudboon?
Barnaamijkan wuxuu bulshada Qabridahare & Deegaankaba u sahlayaa in ay gaadho madax-bannaani dhaqaale iyo mid bulsho, iyadoo la xoojinayo wax-soo-saarka gudaha gaar ahaan Xoolaha iyo Beeraha, si bulshada ay u hesho il dhaqaale oo joogto ah.
Dardaaranka Bulshada:
•Horumarinta wax-soo-saarka xoolaha: Bulshada waa in ay ka shaqeyso xoolo dhaqashada casriga ah, ilaalinta caafimaadka xoolaha, iyo ka faa’iidaysiga wax soo saarkooda si ay u hesho illo dhaqaale oo joogto ah.
•Horumarinta beeraha iyo dalagyada iyada xooga lasaarayo Urban agriculture'ka: Dhiirrigelinta isticmaalka farsamooyinka casriga ah ee beeraha, iyo suuq-geynta dalagyada si bulshada magaaladu uga faa’iideysato.
•Xoojinta Ganacsiyada farsamada & xirfadaha maxaliga ah.
Isku-kalsooni iyo iskaashi bulsho: Dadka magaaladu waa in ay iskaashadaan, aqoontooda iyo khibradoodana wadaagaan si uu horumarku u noqdo mid waara.
Ka qaybgalka iyo mas’uuliyada bulsho: Bulshada waa in ay ka qayb qaataa qorsheynta iyo fulinta mashaariicda horumarineed, iyadoo la dhiiri-galinayo/9 mudnaantana lasiinayo nooca baahiyeed ee ay tahay inaan wadar ahaan udaboolo.
Hal-ku-dhig (Slogan):-
“Isku-filaansho waa madax-bannaani, madax-bannaani waa horumar".
.