24/08/2026
Qabridahare: Ololaha Wacyigelinta mashruuca Horumarinta marinada (Corridor) Magaalada.
Waxaa saaka magaalada Qabridahare ka qabsoomay kulan wacyigelin ah oo uu maamulka magaaladu u qabtay bulshada, kulankaas oo ku saabsanaa horumarinta marinada (Corridorka) Magaalada iyo u diyaar-garowga wejiga koobaad ee mashruuca, gaar ahaan duminta iyo banaynta Right of Way (ROW).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii bulshada loogu diyaarin lahaa ayna uga qaybqaadan lahayd hirgelinta mashruuca, iyadoo bulshada lagu wargeliyay muhiimadda uu Corridorku u leeyahay bilicda magaalada, horumarinta kaabayaasha, fududaynta isu-socodka iyo kobcinta adeegyada magaalada.
Maamulka magaalada ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay inay si hagar la'aan ah u soo dhaweeyaan mashruuca isla markaana ay baraarug iyo faham buuxa ka qaataan tallaabooyinka soo socda, gaar ahaan hawlaha la xiriira banaynta iyo diyaarinta marinada( Corridor)
Magaalada.
Qabridahare — Horumar, Bilic iyo Mustaqbal Wanaagsan.