03/09/2026
KULAN WACYIGELIN CAAFIMAADKA OO LAGU QABTAY MAGAALADA SHINIILE
Kulan wacyigelin ah oo ay ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa maanta ka qabsoomay Magaalada Shiniile, xarunta Gobolka Sitti
Kulanka waxaa hoggaaminayay xubno ka socday Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka, iyo Guddoomiyaha Degmada Shiniile. Mudane jibril cumar wabari
Intii uu kulanku socday, bulshada magaalada Shiniile waxaa lagu wacyigeliyay khataraha caafimaad ee ka dhasha cuntooyinka, cabitaannada iyo dawooyinka dhacay ama waqtigoodu dhammaaday, kuwaas oo halis weyn ku keeni kara caafimaadka bulshada.
Sidoo kale, bulshada waxaa si gaar ah looga digay cuntooyinka iyo cabitaannada lagu kaydiyo ama lagu iibiyo meelaha qorraxdu si toos ah u gaadho, iyo dawooyinka ama waxyaabaha jirka lagu marsado ee aan si sax ah loo hubin, kuwaas oo sababi kara dhibaatooyin caafimaad oo halis ah.
Dhankooda, bulshada ka qayb gashay kulanka ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyay Fatima ha
caafimaad ee lala wadaagay, iyagoo ballan qaaday inay ka qayb qaadan doonaan ilaalinta caafimaadka bulshada, iyaga oo isbeddelka naftooda ka bilaabaya, isla markaana fariimaha wacyigelinta gaadhsiin doona qaybaha kale ee bulshada