Kaah Great Britain

Kaah Great Britain Xisbiga kaah Ee UK

27/08/2026

Xisbiga kaah waxaa ku soo biirtay hibo ali oo ka mid ah qurba joogta Uk ee firfircoon.

16/08/2026

Warbixinta xisbiga kaah, Nolol lacag lagu xidhay.

“Xukuumaddii Xalka ahayd Ee Aan Xulka Ahayn”Dalkeennu wuxuu noqday guri dusha ka qurux badan, hoostana ka madow. Bilicda...
30/07/2026

“Xukuumaddii Xalka ahayd Ee Aan Xulka Ahayn”

Dalkeennu wuxuu noqday guri dusha ka qurux badan, hoostana ka madow. Bilicda muuqata laguma qarin karo duruufaha adag ee ay shacabka intooda badan la tacaalayaan.

Shacabku waxay codkooda ku doorteen xukuumad ay ka filayeen isbeddel, caddaalad iyo xal. Waxay rajaynayeen in laga baxo xaaladihii cakirnaa ee dalka ka jiray, balse maanta dareenka jira wuxuu yahay in halkii xal laga filayay ay xaalado badani sii adkaadeen.

Waxaa ka sii murugo badan in shacabka dulman, bukaanka, danyarta iyo qof kasta oo ka hadla dhibaatada haysata lagu jawaabo hadallo u muuqda eedayn, iyadoo la leeyahay, “Dawlado kale ayaa idinka dambeeya” ama “Cid kale ayaa idinku shaqaysanaysa.” Haddii cabashada shacabka, Haldoorka, Aqoonyahanka iyo Xusbiyada mucaardku jawaabtoodu noqoto eedayn, yaa markaa shacabka u hadlaya?

Waxyaabaha qaar xitaa caqliga saliimka ahi wuu ka xishoodaa in lagu hadlo, balse maanta waxaad mooddaa in jawaabtii xukuumaddu noqotay, “Adigu yaad Tahay iyo waa lagugu adeeganayaa?” ama “Yaad u shaqaysaa?” Halkii shacabka loo soo bandhigi lahaa qorshe iyo xal, waxaa la sii hurinayaa kala shaki iyo kala fogaan.

Jawaabihii ka soo baxay masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka waxay noqdeen kuwo dood cusub abuuray, balse aan shacabka u soo bandhigin xal ay ku qancaan. Bulshadu ma sugayso hadallo; waxay sugaysaa adeeg caafimaad oo hagaaga, dawo la heli karo iyo nidaam wax ka qabta cabashadooda.

Waxaa ka sii daran marka masuul xil qaran haya uu waqtigiisa ku bixiyo waxyaabo aan bulshada waxba u kordhinayn, halkii laga filayay inuu ka shaqeeyo xalinta dhibaatooyinka shacabka.

Balse jawaab waxay uga dhigeen Nin laleeyahayaw adigu yaad leedahay iyo Wasiirki dhamaa ee caafimadka oo yidhaahda dawlado kalaa idinku shaqaysta iyo Agaasimihi wasaarada oo isaguna heesaha dhalinyarta Rap ka qaada intu isku soo duubo shacabka ugu jawaabo Noloshayda laga xun yahay iyo Hollywood baan gelayaa waa mid subhanallah.

Maanta Waxaan lahadlaya shacabka caqliga saliimka ah iyo kuwa aan qabyaaladdu indhaha tirin. Iyaga ayaa looga fadhiyaa inay si miyir leh ula xisaabtamaan cid kasta oo ay codkooda ku aamminaan hoggaanka dalka.

Xukuumad laga cabanayo oo shacabka u soo gurmanaysa ma muuqato. Cabashooyinka la xidhiidha nolosha, caafimaadka, waxbarashada, shaqo la’aanta iyo hoy la’aantu way sii badanayaan, halka masuuliyiintuna u muuqdaan kuwo ku mashquulsan difaac iyo marmarsiinyo.

Madaxweynihi ay rajada ka sugayeen ee dalka ugu sareeyay ayaa cagaf geliyay shacabkisii oo caawa hoy la,aan ah.

Dawladnimadu ma aha in shacabka lagu canaanto markay cabanayaan. Dawladnimadu waa in shacabka loo adeego. Xilku sharaf ma aha ee waa masuuliyad. Qofka xilka loo dhiibay waxaa lagu qiimeeyaa waxa uu bulshada u qabto, ee laguma qiimeeyo hadallada uu ku weeraro shacabka.

Shacabka Somaliland waxay mudan yihiin dawlad dhegaysata cabashadooda, ilaalisa karaamadooda, kana shaqaysa dantooda. Waxaase muuqata in rajadii isbeddelka ay isu beddeshay niyad-jab iyo su’aalo badan oo aan weli jawaab loo hayn.

Waxaan ugu baaqayaa shacabka sharafta leh ee reer Somaliland inay codkooda si nabad ah u muujiyaan, isla markaana ay dalbadaan isla-xisaabtan dhab ah. Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa culimada, waxgaradka, aqoonyahanka iyo dhammaan qaybaha bulshada inay ka hor yimaaddaan dulmi kasta, kana shaqeeyaan badbaadinta qaranka iyo danta guud.

Shacabka ayaa xukunka bixiya, shacabka ayaana xisaabta qaada. Xil kasta waa dhammaanayaa, laakiin taariikhdu way hadhaysaa.

Wabillaahi Tawfiiq.

Xooghaya xisbiga kaah ee magaalada Sheffield
Cabdiqani cali Yuusuf(Bulay)

30/07/2026

Sannad iyo badh ka dib xukuumad ku fashilantay imtixaankii dawladnimo.

30/07/2026

Gudoomiyaha Xisbiga KAAH, Md Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Masuuliyiin uu hogaaminayo ayaa saaka booqday cisbitaalka guud ee hargeysa si uu ugu kuur-galo xaalada bukaan jiifka ee cisbitaalka iyo cabashadii dadka kelyaha loo sifaynayey

29/07/2026

Ma hadday saboolkii bukey soodh la dheceen.

Xisbiga kaah oo ka hadlay xaalada caafimaad ee soo korodhaday

Sawiradii xaflada Qurba Jooga Kaah
28/07/2026

Sawiradii xaflada Qurba Jooga Kaah

27/07/2026

Kalmadii Marwo Suleekha Tafniid Xoghayaha Uk ee Xaflada Qurba jooga Kaah oo maanta Ka dhacdey Borama.

Magaalada Birmingham iyo xisbiga kaah🚩
27/07/2026

Magaalada Birmingham iyo xisbiga kaah🚩

21/07/2026

Xoghayaha Guud ee xisbiga kaah Uk iyo xubin golaha dhexe Marwo Suleekha Tafniid oo ka qeyb kashey shirka golaha dhexe

Address

London

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kaah Great Britain posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share