22/08/2026
Waa kuma shaqsigan, hadalladiisana lagu gorfeeyo xafiisyada ugu waaweyn ee maamula narrative-ka Galbeedka?
Vladimir Rudolfovich Solovyov, oo ku dhashay 20 October 1963 magaalada Moscow, waa mid ka mid ah wejiyada ugu caansan uguna saamaynta badan warbaahinta siyaasadeed ee Ruushka.
Solovyov asal ahaan wuxuu bartay Economics, waxaana uu waxbarashadiisa sare ku qaatay Moscow. Waxa xiisaha leh ayaa ah in bilowgii 1990-meeyadii uu muddo ku noolaa Maraykanka, halkaas oo uu ka dhigayay waxbarashada Economics, ka hor inta uusan dib ugu laaban Ruushka.
Markii uu Ruushka ku soo laabtay, wuxuu galay saxaafadda iyo warbaahinta, waxaana ugu dambeyn uu noqday mid ka mid ah codadka ugu awoodda badan ee siyaasadda Ruushka.
Waxaa si gaar ah loogu yaqaan barnaamijkiisa “Evening with Vladimir Solovyov”, oo laga sii daayo Russia-1. Barnaamijkiisa wuxuu si joogto ah uga hadlaa Vladimir Putin, Ukraine, NATO, Maraykanka, Yurub, amniga iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Ruushka.
Solovyov wuxuu si xooggan u taageeraa Vladimir Putin iyo siyaasadda Kremlin-ka. Dowladda Maraykanka iyo Ukraine waxay ku tilmaameen mid ka mid ah wejiyada muhiimka ah ee faafinta Kremlin propaganda.
Laakiin Solovyov ma aha sarkaal dowladeed. Saamayntiisu waxay ka timaaddaa awoodda uu ku leeyahay warbaahinta iyo sida uu u qaabeeyo una gudbiyo narrative-ka Kremlin-ka. (https://2021-2025.state.gov/disarming-disinformation/faces-of-kremlin-propaganda/vladimir-solovyov/)
Arrin kale oo xiiso leh ayaa ah hantidiisa. Sanadkii 2022, dowladda Talyaaniga waxay la wareegtay laba villa oo uu ku lahaa Lake Como, kuwaas oo lagu qiimeeyay ku dhowaad €8 milyan, kadib cunaqabateyntii lagu soo rogay.
Sidoo kale, Barta YouTube ayaa Bishii March 2022 xannibtay kanaalladiisa Solovyov Live, tallaabadaasna waxay la xiriiriyeen xeerarka YouTube, ee ku saabsan dhiirrigelinta rabshadaha.
Maanta, Solovyov wuxuu ka mid yahay dadka muhiimka u ah fahamka Russian information warfare iyo strategic communications. Hadalladiisa ku saabsan Ukraine, NATO, Maraykanka iyo reer Galbeedka waxaa si weyn looga falceliyaa, loogana gorfeeyaa dhinacyada kala duwan ee dagaalka information-ka.
Marka la soo koobo: Putin wuxuu hoggaamiyaa siyaasadda Ruushka, Solovyov-na waa codadka ugu awoodda badan ee siyaasaddaas lagu sharxo, lagu difaaco laguna faafiyo.
Arrinta kale xiisaha leh ayaa ah in warbaahinta galbeedka iyo Saxafiyiinta ugu laacibsan uu la galo dood adag. isagoo si cad u sheegay in Amerka ayna u dhimaneeyn faaiidada Yurub.
👉🏼
https://youtu.be/GdAPGsV3LDY?si=Lw0XL8c_DIQyN41W