19/03/2026
๐๐ข๐ข๐ ๐๐ฎ๐๐๐๐ซ๐๐ค ๐โจ๐
ุชูุจู ุงููู ู
ูุง ูู
ููู
ุตุงูุญ ุงูุฃุนู
ุงู ูุบูุฑ ุงููู ููุง ูููู
ููู ุนุงู
ูุงูุชู
ุจุฎูุฑ ๐คฒ
Midawga Dhalinyarada Degmada Baxdo (B.Y.L) waxa uu ugu hambalyeynayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.
Waa maalmo ku suntan farxad, iscafis iyo isu naxariisi, ahna fursad lagu xoojiyo cibaadada, sadaqada iyo is-garabtaagga bulshada.
Waxaan sidoo kale si gaar ah u xasuusinaynaa bulshada Soomaaliyeed in la is garab istaago xilligan ay jiraan abaaro saameeyay dalka. Waxaa muhiim ah in la gargaaro walaalaheen dhibaataysan, lana duceeyo in Alle roob nagu shubo.๐คฒ
Sidoo kale, aan ka warqabno dadka masaakiinta ah, agoonta iyo dariskeenna, si aan u xaqiijinno in farxadda Ciiddu ay wada gaarto dhammaan bulshada.
Ugu dambayn, waxaan u duceynaynaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Ilaahay ha mideeyo qalbiyadeenna, hana nagu gallado nabad, barwaaqo iyo wadajir waara.๐คฒ
๐๐ข๐ข๐ ๐๐ฎ๐๐๐๐ซ๐๐ค โ Ciid farxad, naxariis iyo barwaaqo ku ciida.
Baxdo Youth League - B.Y.L