14/09/2019
Qeybtii 18-aad.
Waxaan go'aan ku gaaray inaan aado oo aan inta uu arooska Istar iyo Asad ka
dhacayo isaga maqnaado Dalka UK , si aan uga baaqsado inaan caqabad ku
noqdo arooskooda, waayo nolosheeda ayaa h**ey u bur burtay mana jecleyn
inaan tan saaxiibkey Asad baa bi'iyo, sidaasi, ayaana go'aan ku gaaray.
Intii aan aniga ku maqnaa qorshaha aan ku qaban qaabaniyay safarkeyga dalka
Ingiriiska, ayaa saaxiibkey Asadna, waxa uu ku maqnaa raadinta arrimaha aniga
iyo Istar. si kastaba waxaan ku guuleystay in muddo afar maalmood gudahood ah
aan ku diyaariyo safarka, waxaana xitaa ka qariyay Asad, waayo waxaan ogaa
inay iman doonaan su'aalo badan, uuna sinnaba u ogolaan lahayn.
Subax ay tahay arbaco, khamiisna aan is lee yahay bal dhoof, ayaa saaxiibkey
Asad hurdada iga toosiyay xilli ay saacadda sii mareyso sideedii subaxnimo,
intaan dhinac isku gediyay ayaan eegay mise waaba Asad, markaasaan inta soo
fariistay ku iri "saaka, adigii hurdada saaxiibka u ahaa baaba i toosinayee, maxaa
jira?", waxba hadal badan iima gelinee waxa uu warka iigu koobiyay "orod biyo
isku soo shub, isna diyaari", "waa yahay" intaan dhahay, ayaan haf kasoo iri
sariirta, qubeys iyo is diyaarin kadib ayuu igu yiri "ina keen", waxaana uu ii
kaxeeyay oo uu i geeyay gurigooda kadib waxaa na dhex martay sheeko dheer
oo u dhacday sidan:-
Asad: horta Xamzow xalay ka hor waxaan kuu heestay saaxiib wanaagsan, laakiin
waa kaa hoos baxday, maxaad waxaan oo dhan igaga qarisay?
Aniga: Hee saaxiibow, maxaa dhacay?, maxaan kaa qariyay?
Asad; Waxaad iga qarisay noloshaada dhabta ah iyo wacadaraha aad aduunka
kusoo martay
Aniga: oo sidee?, oo hadda miyaadan wax ka ogeyn nolosheeda?
Asad:maxaad igaga qarisay, wixii h**ey idiin dhex maray adiga iyo Istar Jaamac
Dheere, ama haddaan si kale u iraahdo Istarta aan guursan rabo.
Markii uu su'aashaasi i weydiiyay ayaan aad u naxay, oo aan fadhiga ka kacaya,
anoo oranaya, "adiga maxada sameysay yaaq, yaa ku yiri arrimahan tix raac,
waan ku baryayaa Asad, waxaas waa tageen waqtigooduna wuu idlaaday ee dib
ha u raacin?
Asad: dib ha u raacin maxay tahay, wax walba oo noloshaada ku saabsan waad
iga qarisay, mideeda kale waxaad sameysay ma ahan wax loo dul qaadan karo,
gabadhaas Istar ahna godob ayaad ka gashay, imisa sano ayaad nolol la'aan
dhigtay ma garanee?, waxaan ku moodaya nin nolosha wax ka fahamsan laakiin,
jaahil baad ka tahay dhankaas.
Aniga: laakiin aniga wax walba dareteed ayaan u sameeyay, iyo caafimaadkeeda?
Asad: taas caafimaad lama dhaho, haduu dhaqtarka sidaa sameeyay, waxaa kugu
filneyd odoo aniga isoo waca, islamarkaana inta is kaashano aan gabadha
dibedda kusuoo daweyno, markaad nolosheeda bur burineysay, middda kale ma
la socotaa indha la'aan ay kugu hesho, ayay ka doorbideysaa, ayada oo araga
kugu weysa.
Aniga: hadda waxaas waa ay dhaceen, anigana sidaa uma fekerin, ee waxaan ku
su'aalay adiga sidee baad kusoo ogaatay arrintan, ma ayadaa wareysatay, oo
waxaan ahay u sheegtay?
Asad: aniga ilaa iyo hadda ayada waxba uma sheegin, markay Xamzahan yaa
waayay iga bad badisay, ayaana ku iri "maxay tahay saameyta uu kugu lee
yahay", way ka dhego adeegtay, laakiin ugu dambeysan wax walba oo
nolosheeda ku saabsan way ii sheegtay, sidaa ayaana ku ogaaday in Xamzaha
gabadha waalay aad adiga tahay.
Aniga: waa ok, hadaadan waxba u sheegin haddana gabadhaas way iska key
ilowday ee waxba ha u sheegin waan ku baryayaaa, taasaan kaa codsanaaa, si
guurkiina uu u dhaco?
Asad: hadaad mooday inay ku ilowday, walaahi baysan xitaaa toban sano hadda
dhiman ku ilaawi doonin, ileen waxaad gabadha uga tagtay, qalbigeeda dhabta
ah ayaadan fahmin, mideeda kale guur baad ka hadleysaa, gabar Xamza
qalbigeeda ku qufalan yahay miyaa nolol i isiin karta aniga?
Aniga: si kastaba gabadhaas noloshaas dib ha u xasuusin, hadda inay iska key
ilowdo ayay ku dhowdahay'e, adna nolol cusub oo farxad badan sii.
Asad:Istar, inaad joogto inay ogaato waa lagama maarmaan, waxaana kuu
sheegayaa, aniga xalay ayaanba nolosheeda iyo arooskeeda go'aan ku gaaray
inaan ka tanaasulo.
Aniga:oo maxaa marka la sameynaa?
Asad;, waxaa la sameynayaa, inaad joogto, oo Xamzaha la baray uu yahay
midkeedii h**ey ayaa loo sheegayaa, kadibna waad is guursaneysaan?
Aniga: taasi waa waxaan weligeed dhici doonin.
La soco qeybta 19-aad Berri insha Allaah.
Share sii oo la wadaag asxaaabta mention axsaabtada