03/08/2026
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Nuunow, ayaa ka qeyb galay kulan muhiim ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, kaas oo ay ka qeyb galeen Wasiirrada Haweenka, Biyaha iyo Tamarta, Gargaarka, iyo Isbeddelka Cimilada.
Kulankan ayaa dhexmaray wafdiga Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP), iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo dardargelinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo UNDP.
Intii uu kulanku socday, waxaa la soo bandhigay Qorshaha Horumarinta Dowladda Koonfur Galbeed, si loo dedejiyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee bulshada. Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadlay qorshaha u diyaar-garowga roobabka El-Niño, si loo yareeyo loogana hortago saameynta ka dhalan karta roobabka xooggan ee la filayo.
Ministry of Environment & Climate Change- Southwest state of Somalia
Fuaad Ali