02/09/2026
Magaalada Muqdisho ayaa martigelin doonto Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum), kaas oo caasimadda ka dhici doona 7-da ilaa 8-da bishan.
Hal-ku-dhigga madasha sannadkan ayaa ah “Qaabeynta mustaqbalka Warbaahinta ee Xiligaan Casriga " Shaping Somali's Media Future in Digital Era)”.
Shirweynahan wuxuu isu keeni doonaa madaxda dowladda, khubaro Warbaahin iyo daneeyayaal, si looga wada hadlo Qaabaynta Iyo Mustaqbalka Warbaahinta Casriga ah.