30/06/2026
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, iyo wefti uu hogaaminayo oo uu kamid yahay ganacsade Faysal Muxumed Sacad, ayaa booqasho sharafeed ku soo gaadhay Safaaradda Somaliland ee dalka Kenya.
Wasiirka, oo mudooyinkii u dambeeyay safar shaqo ku joogay, waxaa safaaradda si diiran ugu soo dhaweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Kenya, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, iyo Safiir-ku-xigeenka Somaliland ee Kenya, Sharmake Geelle.
Wasiirka iyo weftigiisu waxay intii ay ku sugnaayeen dalka Kenya kulamo kala duwan la yeesheen xarumaha dawladda Kenya iyo saaxiibada Somaliland ee ku sugan dalkaas.
Allaa Mahad Leh.