Somali Embassy in Nairobi- Kenya

Somali Embassy in Nairobi- Kenya Embassy of the Federal Republic of Somalia, Nairobi.

Waxaa maanta booqasho ku yimid Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Nairobi Agaasimaha Ci...
11/06/2026

Waxaa maanta booqasho ku yimid Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Nairobi Agaasimaha Ciidanka Kaydka Bariga Afrika (Eastern Africa Standby Force - EASF) iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Danjiraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Ee Dalka Kenya Mudane Danjire Jabriil ibraahim Cabdulle iyo diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay wafdiga xarunta Safaarada, kulanka ayaa lagu gorfeeyay arrimo la xiriira iskaashiga gobolka, Amniga iyo xoojinta wada shaqeynta Dalalka Bariga Afrika.

Danjire Jabriil ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la helo ciidan si heer sare ah u tababaran oo ka kooban Booliis iyo Military, kuwaas oo awood u leh ka hortagga khilaafaadka, ilaalinta nabadda, iyo ka qeyb qaadashada gurmadka bani’aadannimo. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhinacyada Amniga iyo Tababarada gaar ahaan taageerada la xiriirta horumarinta Amniga iyo Xasilloonida Soomaaliya.

Kulanka waxaa Danjire Jabriil ku wehliyay U Qeyb-sanaha Arrimaha Difaaca Safaaradda Soomaaliya Col. Mohamed Somali iyo Counselor Cli Khadar.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo wada-shaqeyn muujinaysa xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha gobolka.

Waxaa xarunta Safaaradda lagu soo dhaweeyay filim-sameeyaha iyo soo-saaraha caanka ah, Axmed Faarax. Axmed ayaa  ka mid ...
10/06/2026

Waxaa xarunta Safaaradda lagu soo dhaweeyay filim-sameeyaha iyo soo-saaraha caanka ah, Axmed Faarax.

Axmed ayaa ka mid noqday hoggaamiyeyaasha hal-abuurka ee dib u soo nooleeyay Filimadda, Programska Teleefishadda koo-koobaa (Musal-sal). Axmed iyo hay’adiisa Riyo Films ayaa horay u soo saaray musal-salka caanka ah ee ARDAY kaas oo sumcad caalami ah ku kasbatay sii-deyntii laga sii daayay Netflix, wuxuu muujiyey awoodda sheeko-sheegistu Soomaalida u leedahay inay ka tarjunto bulshadeenna, ilaaliso hiddaheenna, isla markaana dhiirrigeliso jiilasha mustaqbalka.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle oo kulan la qaatay Ahmad Farah ayaa uga mahadceliyay Soo-saare Axmad Farah iyo dadka la shaqeeyo kaalinta ay ka qaateen dib u nooleeynta fanka, filimadda iyo hidaha iyo dhaqanka dadka Soomaalida.

“Waxaan si gaar ah ugu dhiirigaliyay dadaalladiisa socda ee dib loogu soo nooleynayo riwaayaddii caanka ahayd ee Soomaaliyeed “Hablayahow, Hadmaad Guursan Doontaan?”, si loo hubiyo in mid ka mid ah hal-abuurkeenna dhaqameed ee ugu qaalisan loo soo bandhigo jiilalka cusub ee Soomaaliyeed iyo dunidaba, iyadoo la ilaalinayo qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaxalkeenna qaran”, ayuu yiri Danjire Jabril

Axmed Faarax ayaa sidoo lagu bogaadiyay dadaalkiisa joogtada ah ee ku aaddan horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, hal-abuurka iyo aqoonsiga qaran iyada oo loo marayo fanka.

Danjire Jabril ayaa ku daray, “Wadahadalkayagii wuxuu iftiimiyey doorka muhiimka ah ee filimada iyo sheeko-sheegistu ku leeyihiin xoojinta isfahamka dhaqamada kala duwan iyo u soo bandhigista hibada cajiibka ah ee Soomaaliya ay dunida u leedahay”,

Booqashada Mudane Axmad Farax waxaa ku weliyay ganacsade Mudane Hanad Muxumed

Magaalada Nairobi oo lagu qabtay Bandhigga 10-aad ee Dhaqamada Caalamka ee Nairobi (10th Nairobi International Cultural ...
07/06/2026

Magaalada Nairobi oo lagu qabtay Bandhigga 10-aad ee Dhaqamada Caalamka ee Nairobi (10th Nairobi International Cultural Festival) iyo Soomaaliya oo door muhim ah ka qaadatay.

06/06/2026

Soomaaliya oo ka qeybgashay Bandhigga 10-aad ee Dhaqamada Caalamka (10th Nairobi International Cultural Festival) oo lagu qabtay magaalada Nairobi

Wafdi ka socday Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xiriirka  Cali Cabdi Maxamed (Cali...
06/06/2026

Wafdi ka socday Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xiriirka Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay dublomaasiyiinta Safaaradda oo uu hogaaminayo Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle.

Intii uu kulanku socday, Danjiraha waxa uu ka dhageystay masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya warbixin ku saabsan xaaladda kubadda cagta dalka, horumarrada la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu kobcinayo ciyaaraha iyo tayeynta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xiriirka Kubadda Cagta ayaa qorsheynayo in Cayaaraha ay la cayaarayaan wadamada qaar lagu qabto magalaadda Nairobi madaama ayan wali FIFA go’aan ka gaarin in gudaha Soomaaliya lagu qabto “home advantage Games”. Magaalada Nairobi ayaa ku nool kumanaan Soomaali ah oo aad u taageera ciyaarta Kubbada CAGTA.

Danjiraha ayaa ku ammaanay Xiriirka dadaallada ay ku horumarinayaan kubadda cagta Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan kobcinta hibada dhalinyarada Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ciyaaruhu u leeyihiin xoojinta midnimada, nabadda iyo horumarka bulshada.

Danjire Jabriil ayaa u sheegay Xiriirka kubadda Cagta in Safaarada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ay mar walba garab taagan tahay dadaallada lagu horumarinayo ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed. Safaaradda ayaa u fududeysa wafuudda ciyaaraha VISAHA dal ku galka wadamada ay u safeayaan.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweyaya Garsoore Cumar Cabdulqaadir CartanIyadoo S...
05/06/2026

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweyaya Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan

Iyadoo Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya ay mudnaanta koowaad siinayso adeegga iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed, ayaa Safaaraddu u fududeysay safarkiisa Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo ka mid ah garsoorayaasha Soomaaliyeed ee loo xushay inay ka qayb qaataan garsooridda ciyaaraha Koobka Adduunka ee la filayo inuu ka furmo Waqooyiga Ameerika.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle, oo uu wehliyo Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaad, ayaa xarunta Safaaradda ku qaabilay Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan.

Danjiraha ayaa ku bogaadiyey garsooraha dadaalka, kartida iyo sumcadda wanaagsan ee uu ku kasbaday fursaddan heerka caalami ah, isaga oo xusay in guusha uu gaaray ay tahay mid sharaf u ah Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Danjiruhu wuxuu ku dhiirrigeliyey inuu sii laba jibbaaro dadaalkiisa, una matalo dalkiisa si hufan, xirfad iyo anshax sare leh.

Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa uga mahadceliyey Safaaradda taageerada iyo soo dhoweynta ay u muujiyeen, isaga oo tilmaamay in dhiirrigelinta iyo garab istaagga hay’adaha dowladda ay muhiim u yihiin horumarinta iyo guulaha ay gaaraan dhalinyarada Soomaaliyeed ee matalaya dalkooda.

05/06/2026

Kulanka Madasha Ishaashiga Hormuud Salaam Foundation Iyo Hay’adaha Horumarinta Caalamiga ah oo ka dhacay Magaaladda Nairobi

Magaalada Wajeer ayaa maalintii shalay  martigelisay xuska qaran ee Madaraka Day, taas oo noqotay markii ugu horreysay e...
02/06/2026

Magaalada Wajeer ayaa maalintii shalay martigelisay xuska qaran ee Madaraka Day, taas oo noqotay markii ugu horreysay ee munaasabaddan heer qaran lagu qabto gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalida degto tan iyo markii ay Kenya xornimada qaadatay 63 sano ka hor.

Xafladda taariikhiga ah ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Kenya, madax sare oo ka tirsan dowladda, diblomaasiyiin, wakiillo ka socday dalal kala duwan, madaxda gobolka Waqooyi Bari, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda si gaar ah ugu ammaanay Soomaalida Kenya, gaar ahaan shacabka gobolka Wajeer iyo guud ahaan Waqooyi Bari. Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka muuqda ee ay Soomaalidu ku leeyihiin horumarka dalka, ganacsiga, amniga iyo xoojinta midnimada qaranka.

Sidoo kale, Madaxweyne Ruto ayaa Raali-galin ka bixiyay dhibaatooyinkii iyo cadaalad-darrooyinkii ay la kulmeen Soomaalida Kenya xilliyadii ay talada hayeen dowladihii isaga ka horreeyay, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la saxo khaladaadkii h**e loona wada simnaado xuquuqda muwaadiniinta Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa munaasabadda waxaa uga qayb galay Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kenya, Mudane Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, kaas oo shacabka iyo dowladda Kenya gaarsiiyay salaan iyo hambalyo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Danjiraha ayaa xusay muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, isagoo bogaadiyay horumarka laga sameeyay xoojinta xiriirka labada dal.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ayaa si weyn u soo dhaweeyay hadallada iyo mowqifka Madaxweyne Ruto, iyagoo uga mahadceliyay dadaallada uu ku muujinayo aqoonsiga doorka Soomaalida Kenya iyo tallaabooyinka uu qaaday ee lagu xoojinayo ka qaybgalka bulshada Soomaaliyeed ee arrimaha qaranka.

Doorashada Wajeer ee martigelinta xuska Madaraka Day ayaa loo arkaa astaan muujinaysa isbeddelka siyaasadeed, qaranimada loo dhan yahay iyo qiimaha ay dowladda Kenya siinayso gobollada Waqooyi Bari. Munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay jawi farxad iyo dabaaldeg leh, iyadoo la adkeeyay muhiimadda nabadda, wadajirka iyo iskaashiga dalalka gobolka Geeska Afrika

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Barnaamijka 6-aad ee Shirweynaha Afrika ee Dhoofinta iyo ka-ganacsiga dalaga beeraha...
28/05/2026

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Barnaamijka 6-aad ee Shirweynaha Afrika ee Dhoofinta iyo ka-ganacsiga dalaga beeraha gaar ahaan nooca Avokadaha ee sanadkan 2026. Shirweynahan iyo bandhigaan ayaa waxaa ka soo qeyb galeen madax ka socotay dalka Kenya, diblomaasiyiyiin sar sare, mas’uuliyiin, khubaro, ganacsato, maalgashadayaal iyo wakiillo ka kala socday dalal badan oo Afrika iyo caalamka ah. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta beeraha, kobcinta dhoofinta, xoojinta ganacsiga iyo abuurista fursado cusub oo maalgashi.

Munaasabadda waxaa lagu casuumay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ee Dalka Kenya Danjire Jabril ibrahim Cabdulle, Danjiraha ayaa madasha ka jeediyay khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlay horumarka Soomaaliya iyo fursadaha ay dalka u leedahay dhinacyada dhaqaalaha iyo beeraha.

Danjire Jabriil ayaa si gaar ah u ammaanay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada dib-u-dhiska, koboca dhaqaalaha, maalgashiga iyo xoojinta xiriirka ganacsi ee heer gobol iyo heer caalami. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay leedahay fursado waaweyn oo dhinaca wax-soo-saarka beeraha ah, maadaama dalka uu leeyahay dhul beereed ballaaran, kheyraad dabiici ah iyo cimilo ku habboon beerashada dalagyo kala duwan.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu horumarinayo wax-soo-saarka gudaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo xoojinta awoodda beeraleyda Soomaaliyeed si loo kordhiyo wax-soo-saarka iyo dhoofinta dalagyada gudaha.

Danjire Jabriil ibraahim cabdulle ayaa qudbadiisa ku xusay in iskaashiga dalalka Afrika uu door muhiim ah ka qaadan karo kobaca dhaqaalaha qaaradda, isagoo adkeeyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay qayb muuqata ka qaadato horumarinta beeraha, ganacsiga iyo dhoofinta wax-soo-saarka Afrika.

Shirweynaha ayaa sidoo kale noqday madal la isku dhaafsaday aqoon, waayo-aragnimo iyo fursado ganacsi, iyadoo lagu soo bandhigay qorshayaal iyo aragtiyo cusub oo lagu horumarinayo wax-soo-saarka iyo suuq-geynta dalagyada Afrika, gaar ahaan nooca loo yaqaan Avocado.

Dhowr bilood ka hor ayaa ah ahayd markii ganacsatada Soomaaliyeed ee ka ganacsada wax soo-saarka beeraha ay soo bandhigeen bandhig aad loola yaabay kaas oo ay uga qayb-glageen magaalada Nairobi iyaga oo matalaya Dalalka xubnaha ka ah Suuqa Bariga Afrika. Kobaca beeraha iyo dhulka barwaaqada ee Soomaaliya ayaa caalamka ishu ku hayaa iyada oo la rajeynayo in maalgashi caalami ah ay u yimaadaan dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya uuna hogaaminayo Danjire, JabrilIbrahim Cabdulle, ayaa kala ...
27/05/2026

Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya uuna hogaaminayo Danjire, Jabril
Ibrahim Cabdulle, ayaa kala qayb-galay muslimiinta Salaadda Ciidda subaxnimadii maanta taas lagu tukaday Dugsiga Sare ee Eastleigh, ka hor dabaaldegyada Ciidul-Adxaa.

Danjire Jabril oo ka hadlay Munaasabadda Ciida ayaa ugu hamblayeeyay dadka Musliimiinta, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ciid Mubarak, Waxa uuna kula dardaarmay isku-duubni iyo iskaalmeynta.

Address

Lower Kabate Road, Brookside Drive Junction, Spring Vally
Nairobi
00100

Opening Hours

Monday 09:00 - 16:00
Tuesday 09:00 - 16:00
Wednesday 09:00 - 16:00
Thursday 09:00 - 16:00
Friday 09:00 - 12:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Embassy in Nairobi- Kenya posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somali Embassy in Nairobi- Kenya:

Share