06/06/2026
Addis Ababa Way Ka Cudurdaartay, Jigjigana Way Martigalisay: Maxaa Ka Danbeeya Shirka Xasaasiga ah ee Shabeelay Resort?
Jigjiga ayaa lagu wadaa in lagu qabto kulan ka mid ah dhacdooyinka siyaasadeed ee ugu hadal-haynta badan dalka, kaas oo uu martigalinayo Deegaanka Soomaalida. Kulankan ayaa diirada lagu saari doonaa laba arimood oo muhiim ah: xaalada siyaasadeed iyo amni ee waqooyiga dalka, gaar ahaan isbahaysiga cusub ee ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ah ururada hubaysan, iyo sidoo kale dabaal-daga guusha Xisbiga Barwaaqo ee doorashadii 7-aad.
Qodobka koowaad, hogaanka ka qaybgalaya kulanka ayaa si qoto dheer uga doodi doona xaaladaha cakiran ee dalka ka jira, khataraha cusub ee soo ifbaxaya, iyo talaabooyinka lagaga hortagi karo, iyagoo ka duulaya xaqiiqooyinka jira iyo duruufaha taagan.
Qodobka labaadna wuxuu la xiriiraa xuska iyo dabaal-daga guusha Xisbiga Barwaaqo, taas oo loo arko inay ka dhalatay taageerada uu xisbigu ka helay shacabka iyo dadaaladii siyaasadeed ee uu sameeyay mudadii ololaha iyo doorashada lagu jiray.
Su’aasha ay dad badan iswaydiinayaan ayaa ah: maxaa ka dhigay Deegaanka Soomaalida goobta ku haboon in kulankan lagu qabto, iyadoo markii h**e qorshuhu ahaa in lagu qabto caasimada dalka ee Addis Ababa?
Sida ay sheegayaan wararka la helayo, sababta ugu wayn ayaa la xiriirta dhinaca kharashaadka. Duqda magaalada Addis Ababa, Adanech Abiebie, ayaa la sheegay inay ka cudurdaartay martigalinta kulanka, iyadoo ku sababaysay in kharashka ku baxaya shirkan uu aad u sareeyo. Dhanka kale, Madaxwaynaha Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar), ayaa la wareegay masuuliyada martigalinta, isaga oo codsaday in kulanka lagu qabto Jigjiga, gaar ahaan Shabeelay Resort, isla markaana uu maareeynayo kharashaadka iyo qabanqaabada la xiriira shirka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dadaalka Mustafe Cagjar uu qayb ka yahay isku day uu ku muujinayo taageerada uu u hayo Xisbiga Barwaaqo iyo Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed, xili ay jireen warar iyo hadal-hayn siyaasadeed oo ku saabsan xiriirkooda oo aan wanaagsanayn bilihii u danbeeyay. Ilo-wareedyadu waxay sidoo kale tilmaamayaan inuu doonayo inuu sii xoojiyo aragtidii uu horay u sheegi jiray ee aha: “Jigjiga waxaan ka dhignay goob ay Itoobiya iyo Geeska Afrika ku kulmaan,” hadal-kan oo uu marar badan ku celceliyay.
Dhanka kale, arintan ayaa dhalinaysa dood ku saabsan habka ay maamullada kala duwan ee dalka u wajahaan kharashaadka noocan oo kale ah. Qaar ka mid ah dadka falanqeeya siyaasada ayaa u arka in talaabadani muujinayso kala duwanaanshaha mudnaanta iyo qaabka maamul ee gobolada dalka. Waxa kale oo jira aragtiyo dhaliilaya isticmaalka miisaaniyada iyo khayraadka Deegaanka Soomaalida, iyagoo ku doodaya in mararka qaar aan si hufan loo maamulin.
Sidaas awgeed, kulanka Jigjiga ma aha oo kaliya madal lagu gorfeeynasyo arimaha siyaasada iyo amniga dalka, balse wuxuu sidoo kale iftiiminayaa doodaha ku saabsan kharashaadka dawlada, hab-maamulka maamulada kala duwan, iyo doorka Deegaanka Soomaalida sida gaarka ah ugu bixiyo marwalba kharashaadka badan kulamada noocan oo kale ah.
SRAJ News