07/09/2026
Odayaasha iyo waxgaradka qabalaha laaqeey ayaa si weyn uga cabasho ugu muujiyey magacaabista maamulka Santarka Laaqeey, oo hoos taga degmada Doolow-Bay ee Gobolka Afder.
Odayaasha ayaa sheegay in magacaabistan ay tahay mid walaac badan abuurtay, maadaama qofka loo magacaabay xilka uu noqonayo markii shanaad ee uu xilkan qabto. Shacabka iyo waxgaradka deegaanka ayaa su’aal geliyey sababta marar badan loogu soo celinayo isla qofkaas, iyagoo ku tilmaamay in muddadii uu xilka hayey ay jireen cabashooyin iyo eedeymo la xiriira wax isdaba marin iyo maamul-xumo.
Odayaasha ayaa ugu baaqay hay’adaha ay khusayso iyo maamulka degmada in ay si dhab ah u dhageystaan cabashada shacabka, isla markaana dib u eegis lagu sameeyo magacaabista, iyadoo la tixgelinayo rabitaanka iyo danta bulshada deegaanka.
Waxgaradka santarka waxay sidoo kale xuseen in magacaabista xilalka maamulka lagu saleeyo kartida, hufnaanta, isla xisaabtanka iyo kalsoonida shacabka, si loo helo maamul si dhab ah ugu adeega bulshada.
Ugu dambeyn, odayaasha iyo shacabka qabalaha waxay codsanayaan in cabashadooda si rasmi ah loo qaado, loona sameeyo baaritaan iyo qiimeyn ku saabsan sababta qofkan loogu soo celiyey xilka markii shanaad.