Somali Embassy in Kuala Lumpur- Malaysia

Somali Embassy in Kuala Lumpur- Malaysia Embassy of the Federal Republic of Somalia, Kuala Lumpur.

🇸🇴 OGAYSIIS MUHIIM AH 🇲🇾Kuala Lumpur, Arbaca, 22 Luuliyo, 2026.Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Malaysi...
22/07/2026

🇸🇴 OGAYSIIS MUHIIM AH 🇲🇾

Kuala Lumpur, Arbaca, 22 Luuliyo, 2026.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Malaysia waxay si xushmad iyo qadarin leh ugu wargelinaysaa dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Malaysiya in dhawaan si buuxda loo hirgelin-doono nidaam casri ah oo lagu xoojinayo tayeynaayo adeegyada Safaaraddu bixiso.

Waxaa isbaddelay habkii lacag-bixinta adeegyada qunsuliyadda.

Sidaas awgeed, dhammaan lacagaha adeegyada Safaaradda, waxaa lagu bixin doonaa ku shubis toos ah (Bank Transfer/Deposit) oo kaliya oo lagu shubayo Xisaabta Maybank-iga Safaaradda, iyadoo caddaynta lacag-bixinta (payment receipt) lala soo wadaagayo Safaaradda.

Nidaamkan ayaa durba bilaabmay, waxaana si buuxda loo dhaqan gelin doonaa 01 Agoosto 2026, haddii Alle idmo.

Wixii ka dambeeya taariikhdaas, waxaa aad u adkaan doonta in Safaaraddu aqbasho lacag caddaan ah qofka laga qabto.

Sidaa darteed, dhammaan codsadayaasha adeegyada waxaa laga codsanayaa inay lacagaha ku shubaan Akoonka Maybank ee Safaaradda, isla markaana ay la yimaadaan ama soo gudbiyaan caddeynta lacag-bixinta (Payment Receipt) marka ay adeegga codsanayaan.

F. G. Si aad u ogaato khidmada (fee-ga), dokumentiga aad u baahan tahay, fadlan Safaarada kala soo xiriir, una sheeg dokumentiga aad uga baahan tahay, soona buuxi shuruudaha lagaa rabo.

Wixii faahfaahin ah oo intaas dhaafsiisan, waxaad ka heleysaa Xafiiska soo dhaweynta Safaaradda.

Safaaraddu waxay uga mahadcelinaysaa dhammaan muwaadiniinta fahamkooda, dulqaadkooda iyo wada-shaqeyntooda, waxayna ku boorrinaysaa inay u hoggaansamaan nidaamkan cusub si adeegyada loogu qabto si ammaan ah, hufan, oo waafaqsan habraacyada maamulka.

Mahadsanidiin.

JAMAL ESSA MILANO
Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Kuala Lumpur, Malaysia

Kuala Lumpur, Malaysia, 🇸🇴BOROOR-DIIQ🇶🇦    إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadd...
14/07/2026

Kuala Lumpur, Malaysia,

🇸🇴BOROOR-DIIQ🇶🇦 إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Malaysia Mudane Danjire Ali Mohamed Abukar, iyo dhammaan diblamaasiyiinta Safaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dowladda, Qoyska Boqortooyada, iyo Shacabka waynaha aan walaalaha-nahay ee Dalka Qatar geerida naxdinta leh ee ku timid Amiirkii h**e ee Dowladda Qatar, Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani.

Iyadoo la tixgelinayo geerida Marxuumka, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay go’aamisay in Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya laga dhigo baroordiiq (Half-Mast), isla markaana dhammaan Safaaradaha iyo Ergooyinka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee dibadda ay hoos u dhigaan Calanka Qaranka si loo muujiyo tacsida iyo garab istaagga shacabka iyo Dowladda Qatar.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Malaysia waxay Alle SWT uga baryaysaa Marxuumka inuu ka waraabiyo naxariistiisa, samir iyo iimaan buuxana ka siiyo Qoyska Boqortooyada, Dowladda, iyo shacabka walaalaha-nahay.

JAMAL ESSA MILANO

Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska.
Web: www.somaliembassy.com.my
Email: [email protected]
WhatsApp: 01139114243

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Malaysia

🇸🇴 OGAYSIIS IYO WARBIXIN RASMI AH 🇲🇾Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Malaysia waxay si xushmad leh ugu ...
14/07/2026

🇸🇴 OGAYSIIS IYO WARBIXIN RASMI AH 🇲🇾

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Malaysia waxay si xushmad leh ugu wargalinaysa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Malaysia in Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Malaysia ay si rasmi ah u bilowday diiwaangelinta iyo bixinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA ID Card).

Iyadoo la fulinayo amarka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), laga bilaabo 01 Luulyo 2026, lama aqbalayo codsi baasabooreed aan la socon Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ama Shahaadada NIRA.

Sidaa darteed, Safaaraddu waxay ku boorrinaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan weli qaadan Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA) inay si degdeg ah isu diiwaangeliyaan, si ay uga fogaadaan dib u dhac ku yimaadda adeegyada qunsuliyadeed, gaar ahaan codsiyada baasaboorka.

Habraaca Codsiga Baasaboorka

1. Qofka cusboonaysiinaya baasaboorka (Renewal):
• Nuqul ka mid ah baasaboorkii dhacay.
• Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ama Shahaadada NIRA oo ay ku qoran yihiin macluumaadka codsadaha.

2. Qofka codsanaya baasaboor cusub (New Application):
• Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ama Shahaadada NIRA oo ay ku qoran yihiin macluumaadka codsadaha.

3. Carruurta aan qaangaarka ahayn ee ka yar 15 sano:
• Warqadda caddeynta waalidnimada.
• Shahaadada NIRA.

Safaaraddu waxay ku boorrinaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed inay dhammaystiraan diiwaangelinta NIRA si ay uga faa’iidaystaan adeegyada baasaboorka iyo adeegyada kale ee dowladda.

Wixii faahfaahin dheeraad ah fadlan kala xiriira
Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska

Web: www.somaliembassy.com.my
Email: [email protected]
WhatsApp: 01139114243

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Malaysia

07/07/2026
19/03/2026

19 Maarso,2026
KUALA LUMPUR

OGEYSIIS
Ciid Mubaarak Muqaddaman

Jaaliyadda sharafta leh ee ku nool Malaysia waxaa lagu wargelinayaa in Safaaraddu xirraan doonto maalmaha Ciidda taas oo ka bilaabmaysa 19/03/2026,iyadoo Safaaradda dib loo furidoono maalinta talaadada ee 24/03/2026.

Mahadsaniin.
Mar 2aad Ciid Mubaarak

24/02/2026

KUALA LUMPUR, 24 Febaraayo 2026

WARGELIN MUHIIM AH

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Malaysia waxay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee sharafta leh ku wargelinaysaa in saacadaha shaqada ee Safaaradda ay si ku-meel-gaar ah isu beddelayaan inta lagu jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan oo keliya,waana sida hoos ku xusan:

Isniin-Khamiis: 10:00 subaxnimo- (14:00)-duhurnimo.

Jimco: 10:00 subaxnimo-(13:00)-duhurnimo.

Safaaraddu waxay rajaynaysaa in Jaaliyadda sharafta leh ay la socdaan wargelintan, isla markaana ay la shaqeeyaan Safaaraddooda.

Mahadsanidiin.

Xafiiska Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska

KUALA LUMPUR, MALAYSIA – 16 Febraayo 2026Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Malaysia, Mudane D...
16/02/2026

KUALA LUMPUR, MALAYSIA – 16 Febraayo 2026
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Malaysia, Mudane Danjire, Ali Mohamed Abukar, ayaa Maalinnimadii Talaadadaxa oo ku beegnaynd 10-kii Feebaraayo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Libnaan H. E. Maher Kheir. Kulankan oo ahaa is barasho iyo kala war qaadasho ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, ballaarinta iskaashiga labada dal, iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Libnaan.
Labada Safiir ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay sii adkaynta wadashaqeynta dhinacyada danaha guud, iyagoo adkeeyey rabitaanka labada dowladood ee ku aaddan horumarinta xiriir miro dhal leh oo ku dhisan is ixtiraam iyo iskaashi waara.

XAFIISKA WARFAAFINTA, DHAQANKA IYO DALXIIKA
KUALA LUMPUR, MALAYSIA

05/02/2026

Kuala Lumpur,05 Feebaraayo 2026

WAR-SAXAAFADEED

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Malaysia waxay si rasmi ah u beeninaysaa warar been abuur ah oo si qaldan loogu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkeed, kuwaas oo si khaldan u sheegaya in dowladda Malaysia ay qorshaynayso tarxiilidda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Malaysia.

Safaaradda Soomaaliyeed ee Malaysia waxay ugu baaqeysaa dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed inay is dejiyaan,oo aysan ku mashquulin faafinta dacaayadaha rakhiiska ah, isla markaana ay qaataan wararka rasmiga ah ee ka soo baxa Safaaradda JFS,hay’adaha kale ee dowladda.

Safaaraddu waxay mar walba u taagan tahay difaaca, daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia, waxayna si dhow ula shaqaynaysaa hay’adaha dowladda Malaysia si loo xaqiijiyo badbaadada iyo xasilloonida Jaaliyadda sharafta leh ee ku nool Malaysia.

Xog dheeraad ah:

Xafiiska Warbaahinta Iyo Dalxiiska Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Malaysia

= DHAMMAAD=

Kuala Lumpur, 9 January 2026,Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta iskaashi rasmi ah oo diblomaasiyadeed la billowd...
11/01/2026

Kuala Lumpur, 9 January 2026,

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta iskaashi rasmi ah oo diblomaasiyadeed la billowday dalka Myanmar.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal rasmi ah u gudbisay dalka Myanmar oo ku astaysan magacaabidda Danjire Ali Mohamed ABUKAR (Ali Wolf) oo loo magacaabay Safiir aan degganayn (Non-resident Ambassador) dalka Myanmar, wanna Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u magacowdo dalkaas iyo Safiirkii afaraad ee qaaradda Africa.

Maanta oo Jimca ah, kuna beegan, 9-ka Janaayo 2026, ayay labada dal ku kala saxiixdeen war-murtiyeed wadajir ah Safaaradda Myanmar.

Labada dhinac waxaa u kala saxiixay Danjire, Ali Mohamed ABUKAR (Ali Wolf) iyo dhiggiisa Danjire Aung Kyaw Moe, iyagoo udubka u taagay xiriirka cusub ee diblomaasiyadeed oo mustaqbalka wax ku ool u naqan doona iskaashiga labada dal.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada dhinacba waxay ballanqaadeen inay si wadajir ah u xoojin doonaan xiriirka labada dal.

Danjire Ali Mohamed Abukar (Ali Wolf) oo hadal kooban oo nuxur leh ka jedeeday madasha ayaa yiri:
“Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso dalka Myanmar si loo horumariyo danaha aan wadaagno, loona xoojiyo xiriirka labada shacab iyo cilaaqaadka labada dowladood”,

Ugudambaytii ,
kulankii wuxuu ku soo dhammaaday guul waxayna Safaradda Myanmar si sharaf leh ugu soo dhaweysay Safiirka iyo diblomaasiyiintii la socotay quraac dhaqameed dalkaas caanka ku yahay oo si heer sare ah loo soo diyaarshay. Taasina waxay ka turjumaysay sida ay dowladda Myanmar ugu faraxsan tahay xiriirka cusub ee dalkoodu la yeeshay dalka Soomaaliya.

Dhammaad #

Kuala Lumpur,25 December 2025.Safaaradda JFS ee Dalka Malaysia waxay bogaadinaysaa doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolk...
25/12/2025

Kuala Lumpur,25 December 2025.

Safaaradda JFS ee Dalka Malaysia waxay bogaadinaysaa doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, taas oo maanta oo ay taariikhdu tahay 25 December 2025 si habsami leh uga socota magaalada Muqdisho.

Safaaraddu waxay hambalyo u diraysaa Madaxda kala duwan ee Qaranka & shacabka sharafta leh ee caasimadda, iyada oo muujinaysa farxadda ay ka qabto in muwaadiniintu heleen xaqoodii Dastuuriga ahaa ee sida cad u qeexayey in ay wax doortaan lana doorto.

WABILLAAHI TOWFIIQ

Address

32, Jalan Mesra, Ampang
Kuala Lumpur
55000

Opening Hours

Monday 09:30 - 16:00
Tuesday 09:30 - 16:00
Wednesday 09:30 - 16:00
Thursday 09:30 - 16:00
Friday 09:30 - 16:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Embassy in Kuala Lumpur- Malaysia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somali Embassy in Kuala Lumpur- Malaysia:

Shortcuts

Share