Mohamed Shariif

Bellen Routebeschrijving Website Contact opnemen met de organisatie

Mohamed Shariif DAL DADKIISU IS CUNAYAAN YAA U HIILINKARA

1947-dii oo hadda laga joogo 79 sannadood ayay aheye markii ugu horreeysay ee gayiga Soomaaliyeed laga maqlo magaca Fede...
02/04/2026

1947-dii oo hadda laga joogo 79 sannadood ayay aheye markii ugu horreeysay ee gayiga Soomaaliyeed laga maqlo magaca Federaal waxaana laga dhex maqlay dood ay la gole yimaadeen xisbigii la baxay (Hazbiya Digil Mirifle (HDM) kaas oo coddheer ku yiri (FEDERAAL FADAANEE) Federaal ayaan rabnaa.

Xisbigaas oo xarumo waaweyn ka furtay Muqdisho, Xudur, Luuq iyo Baardheere.

Xisbigaas waxaa aas-aasay 7 nin oo ay kamid ahaayeen Cabdilqadir Maxamed Adan (Zoobe) Abdullahi Mohamed Begedi, Afar Indhood, Barrow iyo Waraabe.

79 sano kadib, maanta ma jiro wax farqi ah oo u dhexeeya Boondheere oo Muqdisho ah iyo gobolladii loo aqoon jiray Baay iyo Bakool oo maanta saddexdaba qofka maamulaya uu Xasan Xamar ka wada magacaabo.

Cabdulqaadir Soobe iyo odayaashii Xisbiya Digil iyo Mirifle (HDM) allaha u naxariisto–ma aanay ogeyn faracoodu noqon doono kuwa Aden Madoobe ugu sarreeyn doono oo nin maamula magaalada Beledxaawo looga soo kireeyn doono.

Waxaa qoray

yare Cali

02/04/2026

Waa sharcidarro si bareer ah loo jabiyey Dastuurka Federaalka iyo kan dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed in xukuumaddu maamul u magcawdo dawlad-goboleed leh hay'ado dastuuri ah. Dastuurka KG wuxuu dhigayaa haddii Madaxweynuhu is casillo in muddo 30 maamlmood gudahood ah lagu qabto doorasho madaxweyne. Dawladda Federaalka meelna ugama bannaana in ay maamusho

Waa jiho cusub oo muujinaysa marxalad halis ah oo uu dalku galay. Waa bilowga awood urursi lagu burburinayo nidaamkii federaalka, sharcigana lagu hoos geynayo rabitaan shakhsiyadeed.

Waa hordhaca damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayo in uu dib isugu caanashubo doorasho uu natiijadeeda hubiyey, isagunu uu tartame iyo garsoore ka yahay.

Waa hubaal in damacaas gurracani aanu hirgelaynin, balse uu si weyn u dhaawacayo dadaalladii sannado badan lagu bixinayey dibuheshiisiin, is'aaminaad iyo kalsooni dhis bulsho iyo geeddisocodkii dhutinayey ee dawlad dhiska dalka ee ku dhisnaa awood-qaybsi, xukun federaal, doorashooyin afartii sanno ah iyo nidaam baarlamaani ah.

Dhaqanka kelitalis oo ay wehliyaan eex, sedbursi, b**b hanti dadweyne iyo kutagrifal awoodeed waa sabibihii horseeday burburkii dawladnimadii Soomaaliya.

Madaxweynaha dadka qaar ayaa qabyaalad iyo dano gaar ah ugu sacabbinaya, halka qaar kalana ay ka aamusan yihiin, hase yeeshee fitnada ka dhalan karta ficilladan gurracan cidna ka badbaadi mayso.

Waxaa sidaasi bogiisa facebook ku qoray Siyaasi

02/04/2026

Subax wanaagsan, jallayaal.
Sidee ayuu noqon doonaa xaalka Koonfur Galbeed?

Adres

Hoge
Tiel
4002

Meldingen

Wees de eerste die het weet en laat ons u een e-mail sturen wanneer Mohamed Shariif nieuws en promoties plaatst. Uw e-mailadres wordt niet voor andere doeleinden gebruikt en u kunt zich op elk gewenst moment afmelden.

Contact Opnemen Met De Organisatie

Stuur een bericht naar Mohamed Shariif:

Snelkoppelingen

Delen

Categorie