02/04/2026
1947-dii oo hadda laga joogo 79 sannadood ayay aheye markii ugu horreeysay ee gayiga Soomaaliyeed laga maqlo magaca Federaal waxaana laga dhex maqlay dood ay la gole yimaadeen xisbigii la baxay (Hazbiya Digil Mirifle (HDM) kaas oo coddheer ku yiri (FEDERAAL FADAANEE) Federaal ayaan rabnaa.
Xisbigaas oo xarumo waaweyn ka furtay Muqdisho, Xudur, Luuq iyo Baardheere.
Xisbigaas waxaa aas-aasay 7 nin oo ay kamid ahaayeen Cabdilqadir Maxamed Adan (Zoobe) Abdullahi Mohamed Begedi, Afar Indhood, Barrow iyo Waraabe.
79 sano kadib, maanta ma jiro wax farqi ah oo u dhexeeya Boondheere oo Muqdisho ah iyo gobolladii loo aqoon jiray Baay iyo Bakool oo maanta saddexdaba qofka maamulaya uu Xasan Xamar ka wada magacaabo.
Cabdulqaadir Soobe iyo odayaashii Xisbiya Digil iyo Mirifle (HDM) allaha u naxariistoโma aanay ogeyn faracoodu noqon doono kuwa Aden Madoobe ugu sarreeyn doono oo nin maamula magaalada Beledxaawo looga soo kireeyn doono.
Waxaa qoray
yare Cali