11/01/2025
๐๐๐ข๐๐๐ก๐ฎ๐ค ๐๐ฎ๐ค ๐ฝ๐ค๐๐๐๐๐๐ฃ ๐๐๐๐ก๐๐ฃ๐ฉ๐ ๐๐๐ฃ๐ฃ๐๐๐๐ช๐ช๐ง๐๐๐ ๐๐๐พ-๐๐๐๐๐ฉ๐ช๐ข๐ค
Waxaan hambalyo u dirayaa shacabka SSC-Khaatumo munaasabadda 13-aad ee aas-aaska Maamulka SSC-Khaatumo, oo si rasmi ah looga dhawaaqay magaalada Taleex sannadkii 2012. Munaasabaddani waa xus muhiim ah oo dib loogu milicsanayo dadaalka lagu dhisay hoggaan u taagan nabadda, horumarka, iyo wadajirka bulshada.
Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa ciidammada qalabka sida ee Maamulka SSC-Khaatumo, kuwaas oo naf iyo maalba u huray difaaca iyo sugidda ammaanka deegaankooda. Sidoo kale, waxaan u mahadnaqayaa dhammaan shacabka sida hagar laโaanta ah uga qeyb qaadanaya dhismaha maamul tayo leh oo metela danaha deegaanka.
Waxaan rajaynayaa in sannadkan uu noqdo mid horseeda guul cusub, wadajir adag, iyo horumar waara. Ilaahayna waxaan ka baryayaa in uu ka dhigo midnimo iyo barwaaqo u sii korodha bulshada SSC-Khaatumo.
๐ผ๐๐ข๐๐ ๐ฟ๐๐๐ฆ ๐
๐๐๐๐๐ก
๐๐๐๐๐๐จ๐๐ฃ๐๐๐๐๐ฃ.