Somali Consulate General in Jeddah- Saudi Arabia

Somali Consulate General in Jeddah- Saudi Arabia Consulate General of the Federal Republic of Somalia in Jeddah, Saudi Arabia.
(1)

28/08/2026

OGEYSIIS MUHIIM AH

Waxaa dhammaan muwaadiniinta lagu wargelinayaa in maalinta Sabtida ah uu dib u bilaaban doono baaritaankii indhaha ee bilaashka ahaa, oo ay Xarunta Qunsuliyadda Guud ka wadeen dhaqaatiirta ka socota Isbitaalka Indhaha ee Mujamac Al-Sagaf.

Maalinta: Sabti
Waqtiga: 9:00 Subaxnimo ilaa 2:00 Duhurnimo
Goobta: Xarunta Qunsuliyadda Guud

Sidaa darteed, dhammaan muwaadiniinta u baahan baaritaanka indhaha waxay wali hetan fursad ay uga faa'iideystan karaan adeeggan bilaashka ah.

Mahadsanidiin.

27/08/2026
OGEYSIIS MUHIIM AHWaxaa dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Boqortooyada Sacuudi Carabiya, la ogeysiinayaa in ...
24/08/2026

OGEYSIIS MUHIIM AH

Waxaa dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Boqortooyada Sacuudi Carabiya, la ogeysiinayaa in Qunsuliyada Guud ee JFS - Jeddah, iyada oo kaashanaysa Muggamaca Caafimaadka Indhaha ee Al Saggaf (Saggaf Eye Center), ay qaban doonto Munaasabadda Maalinta Furdoca oo loogu talagalay Baaritaanka Indhaha ee Bilaashka ah (Kashf Majaani).
Sida ku xusan heshiiska labada dhinac, wuxuu fursad siinayaa Dhammaan Jaaliyadda soomaaliyee ee ku dhaqan BSC si ay uga faa'iideystaan adeegyada iyo qiimo-dhiibista gaarka ah ee loo SameeyayJaaliyadda.

Baaitaanada Bilaashka ah ee uu isbtiaalku qabanayo waxa ka mid ah :

* Bukaanada qaba Biyo-Caddaha Indhaha (Cataract / المياه البيضاء)

* Bukaanada qaba Biyo-Madowga Indhaha (Glaucoma / المياه الزرقاء)

* Xanuunada iyo Dhaawacyada ku dhaca Shabakadda Indhaha (Retina / أمراض الشبكية)

GOOBTA LAGU QABANAYAAO:

* Xarunta Qunsuliyada Guud ee JFS– Wadada Dar Al-Salam, Xaafadda Al-Hamra, Jiddah.

XILIGQ LA QABANAAYO:

* Maalinta: Khamiis, 27/08/2026
* Saa'adda: Starting 9:00 Subaxnimo illaa 10:00 Habeennimo

Qunsuliyadu Guud waxay ku dhiirrigelinaysaa dhammaan muwaadiniinta u baahan adeeggan in ay fursaddan qiimaha badan ka faa'iideystaan.

MAHADSANIDIIN

Qunsul xigeenka guud ahna Ku-simaha Qunsulka Guud ee JFS ee Jidda ayaa booqday Qunsuliyadda dalka Qatar ee Jidda, isagoo...
16/07/2026

Qunsul xigeenka guud ahna Ku-simaha Qunsulka Guud ee JFS ee Jidda ayaa booqday Qunsuliyadda dalka Qatar ee Jidda, isagoo saxiixay buugga tacsida ee loo furay geerida Amiirkii h**e, Dalka Qatar Amiir Xamad Bin Khaliifa Al-Thani.

Sidoo kale Iyadoo la fulinayo amarka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee JFS, waxaa hoos loo dhigay calanka Qaranka ee saaran dhismaha Qunsuliyadda Guud Jidda, si loo muujiyo la-qaybsiga murugada dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee dalka Qatar.

Qunsuliyadd Guud waxay Eebbe uga baryaysaa marxuumka naxariistii jannada, ehelkiisa iyo shacabka Qatarna samir iyo iimaan.

Innaa Lillaahi Wa Innaa ileeyhi Raajicuun

30/06/2026

OGAYSIIS: FASAXA MAALINTA XORRIYADDA

Waxaa dhammaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Boqortooyada Sacuudi Carabiya la ogeysiinayaa in berri oo Arbaca ah kuna beegan 1-da Luulyo 2026 isla markaana ah Maalinta Xorriyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ay Qunsuliyadda Guud geli doontaa Fasax,

Shaqada Qunsuliyadda Guud waxay dib u bilaaban doontaa maalinnimada Khamiista ah, oo ku beegan 2-da Luulyo 2026."

Sidaa darteed, ma jiri doonaan wax adeeg ah oo ay Qunsuliyadda Guud bixin doonto maalinta berri ."

Qunsuliyadda Guud waxay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed u rajaynaysaa dabaaldeg farxad leh oo ku aaddan Maalinta Qaranka iyo Xorriyadda Midnimada Ummadda Soomaaliyeed

28/06/2026

OGEYSIIS MUHIIM AH

KU : Dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Ujeeddo: Isbeddel ku yimid Habraaca Qaadashada Baasaboorka Soomaaliga

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Boqortooyada Sacuudi Carabiya in la soo saaray wareegto cusub oo nidaaminaysa habraaca codsiga iyo bixinta Baasaboorka Soomaaliga Si loo xoojiyo amniga iyo hufnaanta Aqoonsiga Qaranka,

Qodobada Muhiimka ah ee Isbeddelka

1- Laga bilaabo Maalinnimada Arbacada oo ku beegan 01/07/2026 Baasaboorka Soomaaliga waxaa lagu qaadan karaa oo keliya marka uu muwaadinku haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA ID Card)

2- Lama aqbali doono, lamana diiwaangelin doono codsi kasta oo baasaboor ah, haddii uusan codsaduhu wadan ama uusan dalban Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA).

Muwaadin waxaa lagugu wargelinayaa inaad lasocoto shuruuddan cusub kahor inta aadan gudbin codsigaaga si aad uga fogaato wax kasta oo dib u dhac kuu keeni kara .

**— MAHADSANIDIIN —**

OGEYSIIS NUHIIM AH
18/06/2026

OGEYSIIS NUHIIM AH

Qunsulka Guud Mudane Dr. Abdiwali Hersi Abdille, wuxuu Hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciiddu...
27/05/2026

Qunsulka Guud Mudane Dr. Abdiwali Hersi Abdille, wuxuu Hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciiddul Adxa u diray dhammaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan Boqortooyada sacuudiga.

Qunsulka Guud ayaa Alle uga baryay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda islaamka in uu ciiddaan ciideeda ku gaarsiiyo farxad, caafimaad, barwaaqo

isagoo si gaar ah ugu duceeyay in dalkeenna Soomaaliya uu Alle ka dhigo Dal nabdoon xasilloon oo horumar gaara

Eid Mubarak 🎉

Address

Jeddah

Telephone

+966548583851

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Consulate General in Jeddah- Saudi Arabia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share