Hon Mohamed Ibrahim Barre

Hon Mohamed Ibrahim Barre Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hon Mohamed Ibrahim Barre, Government Official, Afgoye Road, Afgoye.

Bogga rasmiga ah xildhibaan golaha wakiilada KGS Mohamed Ibrahim Barre wasiirkii hore Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dowladda Koonfurgalbeed Soomaaliya gudoomiyihii hore gobolka Shabeelaha Hoose

16/07/2026

Waxaa Maanta sharaf weyn ii eheed in aan ansixino Golaha wasiirada cusub ee uu soo magacaabay hogaamiyaha Dowladda Koonfurgalbeed mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo qorsho howleedkooda .

Waxaan alle uga baryayaa in ay noqdaan kuwii ka shaqeeya horumarka iyo u adeegida ummada ku dhaqan deegaanada Kala duwan ee ay ka kooban tahay Dowlad goboleedka Koonfurgalbeed.

22/05/2026

Koonfurgalbeed safe waaye, gacan bir ah ayay ku jirtaa.

Amniga iyo kala dambeynta dowlad goboleedka KGS cidna loogama heybeysanaayo.

09/05/2026
Hambalyo walaalkeey taliye Maxamed Cali  Maqane oo mar labaad loo magacaabay taliyaha Saldhiga degmada Afgooye.Taliye Ma...
21/04/2026

Hambalyo walaalkeey taliye Maxamed Cali Maqane oo mar labaad loo magacaabay taliyaha Saldhiga degmada Afgooye.

Taliye Maxamed Cali wuxuu kasoo shaqeeyay meelo badan oo uu amnigeeda kasoo shaqeeyay sida degmada Afgooye, Kaxda, iyo deegaanka Gubta.

Taliye Ilaahay ha kuu fududeeyo masuuliyada culus ee laguu igmaday.

Waxaan maanta ka qeybgalay shirka Golaha wasiirada  Dowladda Koonfurgalbeed oo uu shir gudoomiyay Hoggaamiyaha Dowladda ...
16/04/2026

Waxaan maanta ka qeybgalay shirka Golaha wasiirada Dowladda Koonfurgalbeed oo uu shir gudoomiyay Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.

Shirkaan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha amniga, doorashooyinka, xaaladaha bini’aadantinimo iyo dadaallada horumarineed ee ka socda deeganada koonfur galbeed.

Hogaamiye Jabriil iyo Golaha Wasiirada ayaa shirka Golaha Wasiirada kaso saaray Awaamiir ku saabsan xaalada guud ee deeganada koonfur Galbeed.

1-Buun-BuuninFalalka Guracan ee Khawaariijta.

Golahu waxa uu isku raacay In aan Afhayeen loo noqonnin khawaarijta ee la buun buunin Ficiladooda Guracan.

2- Xad gudubka Madaxa Qaranka

Golahu waxa uu isla gartay in madaxda qaranka aan la aflagaadayn karin Qiyamkooda, maadaama ay Xambaarsan yihiin Mas’uuliyad Qaran.

3-Xakamaynta Hubka Magaalada.

Golahu waxaa isku Raaceen in wax hub ah lagu dhexwadan karin Magaalada Dhexdeeda oo aan ka aheyn kuwa Lagu Sugayo Amniga Magaalada iyo kuwa lagu ilaaliyo Madaxda dowlada

4-Xisbiyada Tartamayo

Golahu waxee isla Fahmeen in Xisbiyada Tartamaya ay Sameysan karaan Olalahooda siyaasadeed, iyagoo wargelindoono Hay’addaha Amniga si looga wada Shaqeeyo Amniga iyo Nabad-gelyada Magaalada.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku adkeeyay xubnaha golaha wasiirada in la dardargeliyo shaqooyinka muhiimka ah ee u adeegaya shacabka, isla markaana la xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda si loo gaaro xasillooni iyo horumar waara.

shirka ayaa ugu dambayn lagu soo gabagabeeyay go’aanno la xiriira kor u qaadista amniga iyo dardar gelinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Address

Afgoye Road
Afgoye
252

Telephone

+252685780077

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon Mohamed Ibrahim Barre posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hon Mohamed Ibrahim Barre:

Shortcuts

Share