18/07/2026
Waxaa maanta si rasmi ah oo habsami leh noogu furmay Shirweynaha Haweenka Puntland 2026, oo ah madal muhiim ah oo kulminaysa haweenweynaha Puntland, laguna xoojinayo wadatashiga, wadajirka iyo doorka haweenka ee horumarka bulshada iyo dowlad-dhiska Puntland.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha, isla markaana haweenweynaha Puntland ku bogaadiyey wadatashigooda, isku duubnidooda iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan horumarka dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyey sida ay Dowladda Puntland uga go’an tahay garab istaagga haweenka iyo taageeridda horumarkooda.
Shirweynahan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaan rajaynayaa inuu noqdo madal lagu gorfeeyo arrimaha mudnaanta u leh haweenka Puntland, lagana soo saaro talooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo horseeda horumar waara.
Waxaan u rajaynayaa dhammaan haweenka iyo martida ka qaybgalaysa Shirweynaha dood miro-dhal ah iyo natiijooyin wax ku ool ah.