31/08/2026
๐๐๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐
Baydhabo, Koonfur Galbeed, 31 Agoosto 2026 โ Hanti-Dhowraha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐ฎ๐ฆ๐๐ซ ๐๐ฑ๐ฆ๐๐, ayaa maanta si rasmi ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐ซ. ๐๐๐ก๐๐ ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐ก๐๐๐ค๐ก ๐๐๐ฌ๐๐ง, ugu gudbiyey Warbixinta Baarista Sanad-Maaliyadeedka 2025.
Warbixintu waxay ka kooban tahay natiijooyinka iyo arrimaha muhiimka ah ee ka soo baxay baarista lagu sameeyey maareynta maaliyadda dowladda, iyo heerka u hoggaansanaanta shuruucda, xeerarka iyo habraacyada khuseeya sanad-maaliyadeedka 2025.
Hanti-Dhowraha Guud oo ka hadlay muhiimadda warbixinta iyo dabagalka natiijooyinkeeda ayaa yiri: โWaxaan rajeyneynaa in natiijooyinka iyo talooyinka ku jira warbixinta si habboon loo tixgeliyo, dabagalna lagu sameeyo hirgelintooda, si loo horumariyo maamulka maaliyadda, loo ilaaliyo hantida dadweynaha, loona xoojiyo isla-xisaabtanka hayโadaha dowladda.โ
Gudbinta warbixintan waxay qayb ka tahay gudashada waajibaadka dastuuriga iyo sharci ee Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud, iyadoo looga gol leeyahay xoojinta isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo hufnaanta maamulka maaliyadda guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.