19/08/2026
Xuska Maalinta Bani’aadannimada Adduunka oo lagu qabtay Baydhabo
Baydhabo, 19 Agoosto 2026 — Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Koonfur Galbeed waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayay Maalinta Bani’aadannimada Adduunka, taas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed.
Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda bani’aadannimada, garab istaagga dadka ay saameeyeen musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah, iyo xoojinta dadaallada lagu caawinayo dadka nugul ee u baahan gargaar iyo taageero.
Xuska waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, shaqaalaha gargaarka iyo marti-sharaf kale.