23/03/2026
Jaaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Germany, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Maxamed Cali Yarow, iyo Wakiilka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya u fadhiya Jarmalka Mudane Cali Abukar Dhaayow, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan xubnaha cusub ee loo magacaabay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Jaaliyaddu waxay si diirran u soo dhoweynaysaa magacaabistan muhiimka ah, iyadoo rajeynaysa in guddigan cusub ay si hufan, caddaalad ah oo waafaqsan sharciga ugu adeegaan shacabka Koonfur Galbeed, kana shaqeeyaan xoojinta dimuqraadiyadda, nabadda iyo horumarka deegaannada.
Waxaan u rajeynaynaa guddiga cusub guul iyo inay si daacadnimo leh uga soo baxaan waajibaadka culus ee loo igmaday.
Jaaliyadda Koonfur Galbeed ee Jarmalka waxay sidoo kale caddeynaysaa in page-kan uu yahay kan saxda ah ee rasmiga ah ee jaaliyadda, lagana heli karo dhammaan wararka iyo wargelinta saxda ah ee jaaliyadda. 🇸🇴🤝